SOCDAALKII SAADAASHA WACAN...QAYBTII KOWAAD..AXMED CARWO

 



Waxa aanu u dhaqaaqnay dalka UK, kooxdayada waxa na hogaaminaaya Madxaweyne Axmed Ma xamed oo uu ku weheliyo Guddomiye Muuse Biixi. Madaxweynha oon marna ka nasan shaqo qara n xitaa xiliga uu fasax ku jiro, waxay ahayd inuu ku mashquulay isku-xidhka bulshaweynta Soom aliland gudo iyo qurbaba. Waxa aynu ognay in jaaliyadda U.K tahay halbowlaha Jaaliyadaha Som aliland oon ahayn keliya inay tahay Jaaliyadda ugu tiro iyo tayo badan, bal se ay tahay xundhur ta ay soo gaadhi karaan Jaaliyadaha Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Waa bar kulanka qurboj ooga Soomaliland.

Booqashada gurigu waa joogto, waa is dabo-joog, waa rag iyo dumar, waa ciroole iyo caruur. Waxa weheliya wararkii dalka oo meesha Madaxweyne joogaba waa Madaxtooyo. Dunida maantu waa xafiis joogto ah, is gaadhsiin is haysata, talo darafka ugu fog lagu gaadho oo meel kasta gaadha isla xiligaas, oon daqiiqadi u dhexeyn. Waxa xigta shirar, muwaadinku talo ku dhiibto, iyo mid cabashaba. Waa gogol fidsan iyo dhego furan.

Tii hoos hoose waxay ku soo biyo shubatay maalintii balanka mise aan idhaahdo habeenkii iyo fagaarihii il yartu is qabatay ee London. Goobtu waa hoolka weyn ee Kensington Town Hall, waa dul iyo hoos. Waana 8deedii October 2016. Habeen ku suntan farxad iyo damaashaad.Waa madal kulmisay reer Soomaliland, gole xarago, goob muujisay jaceylka ka dhexeeya shacbi iyo madaxdood. Waa dad qalbiga ka jecel dalkooda, uga yimid meheradahoodii una huray waqti iyo maalba. Niyad san iyo shucuur aan la sifeyn karin.
Waa badheedhihii Madaxweynha oo uu ku soo koobay qudbad aan waxba dhaafin, wax qabad, carqalado, hiigsi iyo hogo-tusaalayn, dhib iyo dheef waxa la soo maray lix sano iyo dhiidhii ee uu mindida daabkeeda hayey. Waa guulihii Kulmiye oo qodobaysan oo si kooban oo farshaxnimo leh uu Madxweynahu u soo bandhigay. Aan intiina jecel ku dhaafo inaydun gujisaan linkan ood ka bogotaan..boqol iyo kow wax qabad ee tayo iyo tiraba leh, ee taabanaysa dalka hooyo gees ilaa gees..
Dhugo oo dhegeyso....waa tan ee guji halkan:
https://www.youtube.com/watch?v=-z4YPUW0Yjk

Midh kale ayaa raacday... waa mustaqbalka iyo aayaha ummadda.. Madaxweyne waxuu si cad u tilmaamay inuu dalka u soo xulay halyeel uu la jecel yahay inuu halkuu kaga tegay ka sii ambaqaado.Waxuu tilmaamay inuu la jecel yahay guul iyo horumnar xisbigiisa uuna toojka inoogu dhiibay nin ku suntanaa guulaha Kulmiye oon ahayn barbar ka fuul bal se shukaanta muddo hayey, guushii horana ku lahaa bal dahab ah. Waa nin uu Madaxweynuhu tababaray, tijaabiyey, imtixaanay, oo muddo soddon sano ah ay wada shaqyn ka dhexeysay, nin ay qadhaadh iyo macaanba isla soo mareen. Waa nin ugu dambeyntii iyo imtixaankii ugu dambeeyey uu ku siiyey bilad dahab ah. Madaxweyne waxuu inoogu baaqay inaynu is barbar taagno ooynu doorashada Madaxtooyada u codeyno Guddoomiye Muuse Biixi iyo Kuxigeenkiisa Cabdirahmaan Saylici, si ay u sii wadaan guulaha Kulmiye, wadajirka bulshada, aayaha dalka iyo dadka oo horumar dhaqaale, iyo mid bulsho la gaadhsiiyo.. Waa dardaran waayeel iyo nin in ka badan 50 sano dalkan dantiisa guud ku hawlanaa. Nin cimrigiisa siiyey Soomaliland.


Mid kale ayaa ii raacda. Waa dareenka bulshada goob jooga ka ahyd dhacdadan taariikhiga ah. Shuucuur dal jacey, dareen ixtiraam madaxdooda, calankooda iyo carigooda. Waa dad isaga yimid meel dhadheer , in badanai waxay u soo raaceen diyaarado iyaga oo ka yimid dalalka kale ee Yurub ilaa Maraykan. Waxaa ku duxday fariin toos ah oo Madaxweynahu u gudbiyey, waxay guntadeen wanaaga aynu ku suganay inaanu ku iman dhayal, in loo baahan yahay dhowristiisa, kobaciisa, ilaalintiisa iyo in wax walba aynu ku eegno danta guud. Yaa ina gaadhsiin kara guul hore leh, yaa inga ilaalin kara cadow iyo kuwa jecel burburkeena. Macalin weyn iyo khabiir aan la labayn ayaa inoo tilmaamay.

Dhugo sawiradan oo wax ku qaado qaran is jecel oo wadajir, hoggaamiye dadkiisa jecel iyana ay ixtiraam iyo qadarin ta ugu sareysa u hayaan.

Dhowaan dadweynha waxa hor iman maalin ay ka taliyaan masiirka mustaqbalka Soomaliland, maalinta doorashada Madaxtooyada Insha SAllah..Dadweynha ayey u taala xaqiijinta himmilada iyo hiigsiga Madaxweynahu soo bandhigay.

Guul iyo Wadajir

Mustashar Axmed Carwo
samotalis@gmail.com.