SOCDAALKII GURMAD EE GALBEEDKA...AXMED CARWO

 


Shalay 11 June 2017, waxaanu Hargeysa ka baxnay 7.30 subaxnimo, waxaanu ahayn wafdi uu hogaaminaayo Murashaxa M/W Kulmiye Muuse Biixi. Waxaa socdaalku ahaa g urmad iyo socdaal Xog raadin ah. Gurmud u jeeda magaalooyinka Wajaale iyo Borama oo shuban biyood ka dilaacay. Isbitaalka Wajaale, waxa nalagu siiyey Xog waran iyo t afaasiil buuxda shubanka oo hadda si haaboon loo mareeyey, tirada dhimashada iyo b ukaan socodka cusubina ay aad hoos ugu dhaceen. Waxa maamulku ka cowday leydh ka oon line Ku xidhnayn shirkadda ugu dhowina ka dalabtay $2500.00, oo rakibaad ah iyo lacag ay ugu baahan yihiin nadaafadda guud iyo biyo gelin. Waxa kale ooy sheege en shaqaale Ku meel gaadha oon guno helin.

Murashax Muuse, waxuu bogaadin iyo mahadnaq shaqaale dabadeed uu halkii ugu dhii bay Maamulka isbitaalka Wajaale lacag dhan $22,500. isagoo ku taaktaaksaday sida a y waajib u tahay in wadajir loo gurmado, shacbi iyo xukuumad iyo xisbigeeduba xiliyad a adag ee ina soo mara. Waxa iyana halkaas wasaaradda caafimadku ku dhiibtay xoog a daawo ah, iyaga oo balan qaaday dawooyin kale oo dhakhso uso gaadhi doona, ooyna marna jirin daawo yaraan, ee ay qorshe dhan fuliyeen oo la xidhiidh baahiyaha daawooyinka ee dalka guud ahaan.

Lacagtaas ooy tabaruc ahaan xisbiga u soo gudbiyeen taageerayaashu. Waxas aad u gu farxay maamulka iyo shaqaalaha oo runtii kaga fal celiyey farxad iyo mahadna q.Iy oo balan buuxa ku qaaday inay heegan u yihiin u adeega bulshada xaalad kasta oo ta agan.

Waxa noo xigtay Isbitaalka Dhexe ee Borama. Warbiixn maamulka caafimaadka iyo ma amulka gobalka iyo degmada, dabadeed waxa Murashax Muuse ku gudoonsiiyey lacag dhan $30,000.00 (Sodon Kun oo Dollar), taas oo ka kabi doonta baahiyaha ay sheege en ooy ugu weyntay tan la xidhiidha shaqaalaha mu meel gaadhka ah. Murashaxu wax uu si tafatiran ula dardaarmay ilaalinta nadafadda guud, isaga oo la hadlaaya bulsha da gaar ahaan dan yarta oo la sheegay inay labada xaafadood ee ay u badan yihiin ay tiro ahaan ugu badan yahay xanuunku, xafadaha Shacabka iyo Cismaan Nuur. Waxuu kiu booriyey inay maqlaan dardaranka iyo talooyinka dhakhaatirta iyo adeegayaasha caafimaad. Waxuu xusay shaqaalaha caafimaadka qaybta nadaafada iyo ka-kaaliyaas ha xanuun jiifka kaadida, iyo saxadada ka guraaya, kana nadiifinaaya, kolka badan ke ena xataa ka cabsoodo inay soo galaan gudaha isbitaalka.

Waxa iyana Wasaaradda Caafimaadka iyo Maaliyadu ku wareejiyeen kaalmo daawo oo mug weyn, iyaga oo xaqiijiyey inay hayaan qorshe isku filaan helitaanka daawo ee dalka guud ahaan. Waxa iyana baabuur qalabaysan iyo shaqalaha ka hawl galaayey dhinaca nadaafadda iyo buufinta meelaha looga baahdo guddonsiiyey Golaha Deegaanka ee Caasimadda, Hargeysa.

3- Waxa iyana aanu booqanay xabsiga Dhexe ee Borama, iyada oo si taxadir leh oo ku dhisan maamulka xabsiga iyo ilaalinta maxaabiista aanu gudaha u galnay. Kormeerka dabadeed waxa hadal kooban ka jeediyey Murashaxa iyo Wasiirka Madaxtooyada, kan a hadlay daryeelka iyo gurmadka caafimaad ee ay qaybna siiyeen, balana ay qaadeen. Waxa wasiirku sheegay inay dhexso loo dhaqaajin doona dhismaha xabsiga cusub oo dhul weyn loo dayray. WAxa kale oo wasiirku ugu bushaareeyey in Madaxweyne Axm ed Maxamed u fidiyey cafis guud maxaabiista aan ku xidhnayn xaq aadmi, barakada bi shan Ramadan. Taas oo wajigii maxaabiista u bedeshay mid farxad iyo mahadnaq isag u jira, oo aad ugu sacab tumeen.

Intaas kolka socdaalkii rasmiga ahaa ku dhammaaday, waxa isla maalintiiba noqday qa ybtii xukuumadda, waxaanu ku soo hadhnay intayadii xisbiga ee uu hogaaminaayey Murashaxu.

Waxaana habeenkii oo dhan ay noo ahayd kulamo wadajir iyo koox kooxba aanu u g alnay, oonu la kulanay hawlwadeenada xisbiga Kulmiye ee Degmada, iyo Gobalkaba, iyo Xildhibaanada Golaha Deeganka xisbiga oo ah 14 xildhibaan Waxaanu dhegeysi iyo doodba la galnay sidii loo dardar gelin lahaa hawlgalka xisbiga, iyo sidii waxqabadka iyo talooyinka loo mideyn lahaa. Waxaanu dhegeysan afkaar xoor ah oo lagu qiimeey ey kaalinta xisbiga iyo hanashada guusha dariiq loo maraayo. Waxaanu isla meel dhign ay in wadajir loo dhaqaajiyo talaabooyin horumar ah oo lagu rumeeyo guusha xisbiga. Hadafkuna ahaado in mar walba la tiigsado hormar ka sareeyey kolba halka la joogo. Horumarku ma leh meel uu isku taago, waana in la helaa qorshe lagu jeexo guusha muuqata ee hanashada qalbiga dadweynha si aynu u hantino mar labaad hoggaanka dalka.

Runtii waxuu ii ahaa aniga socdaal waxqabad, socdaal is qiimeyn ku dhisan runta iyo w aaqica jira, iyo hawl wadeeno u guntaday ka midho dhalinta doorashada Madaxtooya dal. Waxay hawlwadeenada iyo haldoorka shacbigu balan qadeen inay Awdal tahay g bal taageero u haya xukuumadda iyo xisbigeeda, ayna ka go'antay xaqiijinta guusha Kulmiye. Dhinaca hogaanku waxuu balan qaaday inay caqabad kasta oo jirta ay xalin doonaan, ayna keeni doonaan qorshe iyo dariiq cad oo min hogaan ilaa xubin xisbiyeed tuulo lagu wado shaqeeyo, hawsha qalbigeednuna tahay isku duubnanta bulshada go balka iyo maamulka gobalka ee xisbiga, ayna tahay tan lagu rumeyn karo hiigsiga Kul miye, waxii taageero ah ee dabada ka yimaadaana tahay badhi taar uun. Waa in Goba lku isku tashadaa, oo ay wadajir ku hawl galaan waxii ay hogaanka uga baahdaana di yaar loo yahay taakulo iyo talaba. Wadajirka iyo wadashaqaynta Gobalka ayaa dhalin aysa in isku xidhka maamulka dhexe ee xisbiga iyo Gobaku wuu noqdo mid dhammeys ah oo waxtar ah. Waana taas tan aanu ka soo shaqaynay oon u soo jeexnay tubtii loo hirgelin lahaa.

Socdaal xukuumad iyo xisbiba ku soo dhammaaday guul iyo wanaag.

Waxaanu isla maalintii xigtay Isniinta 12/06/2017 ka soo ambabaxnay Borama 8.30 subaxnimo.

Guul iyo midnimo.

 

 

 

Mustashar Axmed Xasan Carwo

samotalis@gmail.com

063 4242077