SOCDAALKEYGII FINLAND IYO GUUSHA JAALIYADDA SOMALILAND IYO KAALINTA XISBIGA KULMIYE

 


Waxa Alle mahaddii ah inaan fursad u helay inaan booqdo Jaaliayad fac weyn oo mug we yn oo qiimo weyn. Kana mid ah jaaliyadaha hormoodka u ah horumarinta dalka hooyo. Nuxurka socdaalkeygu waxuu ahaa Shirweyn ay qabsadeen Laamaha xisbiga Kulmiye ee Yurub. Taas ooy ka soo qayb galeen 8 dal oo Yutub ah.

Kulmiye Finland waa laan qaab dhismeedku u dhan yahay, leh maamul hufan iyo xubno fir fircoon. Waxaana marag ka ahaa qabanqaabada iyo hab socod siinta shirweynha oo ku dhammaaday guul iyo af garad lagu qaybsaday hawlaha xisbiga ee xiligan doorashada loo diyaar garoobaayo. Waxa qorshaha oo laga soo abaabulay gudaha siday oo si hufan u sharaxay Xilshibaab Maxamed Axmed Xirsi Obama.

Shirkaas oo qabsoomay 29-30kii April 2016, waxba kaga noqon maayo oo waxaad isaga oo dhammeystiran ka daawateen Tvga qaranka iyo warbaahinta kale. Intiina xiseynaysaan waxaad kala socon kartaan Youtube idinkoo halkan gujinaaya linkan hoose.

https://www.youtube.com/watch?v=m0iWc8mfiRM

Shirka waxaan ka jeediyey khudbad taabanaysa waayaha xisbiga, dimuquraadiyadda xisbiyada, wax qabadka xukuumadda, tartanka doorashada, kaalinta qurbojooga xisbi ahaan iyo qaran ahaanba gaar ahaan horumarka iyo maalgashiga. Waxaad kaga bogan karta linkan hoose:

https://www.youtube.com/watch?v=GN7pHgXvrNo

Waxa ii racday booqosho aan ku tegey xafiiska Jaaliyadda ee Helsinki oon kula kulmiye wa x garad iyo odayada magaalada oon iska wareysanay hawlaha qaranka iyo xaaladaha b ulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku maraayo. Waxaanu taabanay isku duubnida iyo ka qayb qaadashada hawlaha qaranka ee horumarinta bulsho, maalgashiga iyo kaalinta ictiraaf doonka iyo danaha asxaabta ee badhitaarka xisbiyada.

Jaaliyaddu waxay leedahay xafiisyo waaweyn oo leh hoolal waaweyn oo shirarka ah, meelo wax lagu barto iyo goobo kulanka dhalinta iyo dumarka. Jaaliyadda waxa iska leh oo calaamadeedu ku xardhantay Jaaliyadda Soomaliland ee Finland.


Waxa Maamulaha Jaliyadda Mudane Xasan Cali Seddexle noo diyaariyey aniga iyo xildhib aanku inaanu la kulano Ha'ad weyn ee u qaabilsan dadka Disable ka ah, min dhagoole, curyaan, indhole, iyo kuwa dhimirka ah. Waxaanu uga xog waranay baahida loo qabo dalkeena oo ka soo kabanaaya dagaal iyo colaad iyo dhaqale xumo ay inaga hor joogto wax ka qabadka arrimahan. Waxaanu u sheegnay sida ictiraaf la'aantu nooga hor joogto horumarka dhinaca caafimaadka. Waxay noo sharaxeen inay qaab daladeed Somaliland u taakuliyaan, laakiin ay u baahan yihiin wada shaqayn gudaha ah iyo iskaashi Yurub ah. Waxaan balan qaaday inaan ku soo xidho ururo ka hawl gala U.K si loo helo mashruuc weyn oo EU ka ah.

Wax yar haddaan ka iiftiimiyo Jaaliyaddu waxay u badan tay dhalin yaro dhowaan soo gashay oo tahriib ku yimi. Waana dad ka firfircoon qaxootiyadii hore. oo ogsoon waxay soo mareen lehna hadaf cad iyo mustaqbal ay calaamad sadeen. Afka Finishka oo aad u adag iskama hortaagin inay muddo gaaban ku bartaan kun shaqaystaan. Aad iyo aad ayaan ugu bogay sida ay u shaqaystaan, waxna u bartaan isla markaasna ay u xusuusan yihiin dalka hooyo iyo ehelkooda.

Dalku waa dal balaadhan oo dad yar, oo leh dhul nafis ah, jidad waaweyn, beero lagu nas to ooy ku yartay waxa cimilada kharibaa oo leh hawo nadiif ah iyo suuqyo waaweyn iyo barxado balaadhan oo nafti ku raaxeysto. Si walba kolka aan u eego waa dal ka nolol wanaagsan dalka U.K

https://www.facebook.com/aharwo/

Mustashar Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynha JDS ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maal-gashiga

samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/