Socdaalkaygii Somaliland - qaybtii 3aad

Naftu waxay tabaysay dalkii hooyo,waxay ku daashay dhaxanta iyo
dhibaatad a qurbaha, gaar ahaan qaarada europe. Aragtida qarsoon ee
madaxa qiyaaso waxa ii muuqday burbur iyo dib u dhac,waxa kale oo ii
muuqday siyaasada dalka oo iyana jiho-wareersan.
Mudaharaadyadii aan la kulmay mid ka mid ah ayaan ka hadlay qormadii
inoogu danbaysay. Maanta waxa aan dulmari doonaa guud ahaan shacabku
horuma rka uu sameeyay,nolosha guud,hab-dhaqanka dawladda,iyo
xaaladda guud ee soo galaaga dalka ku nool.
Hargeysa,Burco,Berbera iyo Borama midina maaha magaalooyinkii aan
aqaanay ee ay iigu danbaysay 2001.Dhamaan aad ayay u fideen.
Aan ku horeeyo magaalada
caasimada dalka Somaliland ee Hargeysa,dhismayaa shu waxay ahaan
jireen kuwo gaaban oo uu ugu dheeryahay "Oriental Hotel",
fooqii Biss, maantana waxa aan ku soo arkay dhismayaal aad u
bilicsan sida "Tel esom", dhismaha cusub ee Dahabshiil iyo
guryaha dad ku gaar u leeyihiin oo aad u bilicsan.Magaaladu waxay
aad ugu fiday dhinacyada koonfur,waqooyi,bari iyo galbeed.
Suuqa ganacsiga ee badhtamaha magaalada marnaba si fudud ku dhex
mari kari maysid.Aad ayuu cidhiidhi u yahay,waxaana la yaab leh
jidadka oo ay bacadlay aal ka soo horeeya dhismayaasha
dukaanlayda ah ama makhaayadaha ah ee w adooyinka xidhay.
Waxa ku soo biiray magaalooyinka supermarkets isu dhan oo aad u
bilicsan,sida Ilbirta,Busharo,Xamdi iyo star iyo qaar kaloo
badan.Waxa iyaguna ku soo kordh ay ganacsiga cusub goobo isu
dhan oo ka kooban hotel, makhaayad, supermark et,kaalin-shidaal iyo
Car-wash.
Waxa iyaguna xasuus mudan Hotels
hurdada oo bilicdooda iyo adeegooduba sa reeyo,sida
Ambasador,Maansoor, Imperial,Palace hotel, iyo Rays hotel.
Makhaayadaha heer sare oo iyaguna tayo fiican leh,sida Dalxiis,Golis,
Rayaan, S ummertime,Obama Restaurent iyo Xaraf.
Dhamaan waxyaabahaa ku soo kordhay bilicda iyo ganacsiga waxa ay ku
timi da daalka shacabka Somaliland.Waxaanay ku tusaysaa sida ay
shacabku ugu heela nyihiin inay qaybta ugu laxaad weyn ka
qaataan horumarka dalka.Waana mid all aah mahadii ah,kuna
ammaananyihiin shacabka Somaliland.
Dhinaca waxbarashada waxa dalka ka jira waxbarasho aad u ballaadhan
ilaa he er jaamacadeed balse qubane ah oo isku jiho aan u
aroorin.Waxa aad dalka ugu badan malcaamado ilaa jaamacado gaar u ah
shacabka,Dhibaato laxaad leh aya a labada hab ee kala ah ka
maamulka dawlada iyo habka gaarka loo leeyahay ka jira oo haba
yaraatee isla jaanqaadin, una baahan hab laysugu keeno oo
nidaa msan si ay isku tayo u noqdaan,shahaadadahooduna isku heer
noqdaan.
Dhinaca wadooyinka hadii aan taabto waxa jira jidadkii hore oo dayac
weyni ka muuqdo,wadooyin cusub oo ay dawladda hoose dhamaystirtay
iyo kuwo kale oo gacanta lagu hayay una badan xaafadaha fiday ee
darafyada magaalooyinka. Biyaha oo iyagu ah halka ugu liidata,welina
aan la jaanqaadin fidida magaalooyi n ka iyo korodhka shacabka ku
noo magaalooyinka waawayn ee Somaliland.
Waxa iyaguna dib-dhacka
muuqdaa wadooyinkaa isku xidha gobolada iyo maga alooyinka
waawayn ee dalka Somaliland.
Guud ahaan waxa hubaal ah inuu shacabku karti iyo dadaal xooggan oo
horumar ballaadhan huwan qaaday kana dheereeyay dawladda oo arrimaha
aan tilma amay ee adeegga bulshada ay gaabis ka tahay.
La soco qaybta 4aad
Xuseen Badmaax
|