SIYAASIYIIN LA BARAY XALINTA KHILAAFAADKA OO KA QALINJABIYEY JAAMACADA HARGAYSA

 


“Ardayda waxa kamida Gudoomiyaha Wakiillada iyo Ku xigeenkiisa, Muj. Muuse Biixi iyo Wasiirro”



Hargeysa (TNN)-Munaasibad Ballaadhan oo lagu Maamuusay dufcaddii u Horeysay ee ka Qalinjebisa  M ac-hadka Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa ayaa Xalay lagu Qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Dufcaddan oo kor u dhaafaysa Soddomeeyo arday waxa ay Muddo laba sanno ah baranayeen qaabka ugu haboon iyo Nidaamka lagu Xallin karo Khilaafaadka had iyo goor caqabada ku noqda geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo Haykalka Dawladnimo. Munaasibada Qalinjebinta ee  Ardayd an loo sameeyay oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin sarsare oo ka socota Qaranka somaliland oo ay kamid yihiin Shirgudoonka Guurtida, Hogaamiyaasha labada Xisbi Mucaarad, Wasiirro, Culimaau’diin, Abwaano, Aqoon yahan iyo Marti sharaf tiro badan. Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay Ardayda  Qalin jebinaysa ayaa u badnaa Xubno Saamayn ku leh siyaasadda Qaranka waxaana kamid ahaa  Gudoomiy aha Golaha Wakiilladda Somaliland iyo ku Xigeenkiisa 1aad Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  (Cir ro) iyo Md. CabdiCasiis Maxmed Samaale, waxa kale oo isna ku jiray Ardayda Qalinjebisay gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga KUL MIYE Md. Muuse Biixi Cabdi. Ugu Horeyn Gudoomiyaha Jaamacadda  Harg eysa Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo Hadal Dheer ka Jeediyay halkaasi ayaa ka warramay sooyaalka Taarikheed ee jaamacadda Hargeysa iyo Kaalinta ay kaga jirto dhismaha Horumarka Dalka.

Ugu horeyna isaga oo ka hadlaya Heerka ay Jaamacaddu marayso waxa uu yidhi “Jaamacadda  Hargey si waa ta dalka ugu ballaadhan, ugu Ardayda badan, Caasimadii ku taallada waana mid dhibaatadeeda iyo dheefteedaba leh. Oo dheefteedu maaha Dhaqaale’e dadkaas (Ardayda) oo kale ayaa ka buuxa, kuwa soo galaya iyo Macalimiintayaduba waa Dheef. Jaamacadda Hargeysina gobol uma Xidhna, Reer uma xidhna Ardayda soo galaana muddada uu joogo ujeedadeedu waxa ay tahay intii uu wax baran karo ee anaguna aanu wax u dhigi karno inaanu u dadaalno,

waayo waxa aanu aaminsanahay Mustaqbalka Dalku inuu meeshaa (Jaamacada) yaallo. Waxaanu  Arda ydayada Nidhaahnaa Ceelna uma qodna Cidina uma maqna dalkan laakiin Adaa u maqan oo lagu  sug ayaa.”. Prof. Bulxan mar uu ka hadlayay dufcaddan Qalinjebisay waxa uu tilmaamay inay yihiin Koox  do or muhiim ah ka ciyaari doonta Cilmi baadhisaha lagu daraasaynayo Xalinta khilaafaadka, “ Kooxdan Maanta (Xalay) ka Baxaysa horaan ula hadlayoo waxaan idhi idinkaa ugu Horeeya oo curadkii baad tihiin, Yacnii Waanu idinku Barbaranayoo Machadkan sidii loo dhisi lahaa ayaad ugu horeyseen.” Ayuu yidhi Gudoomiye Bulxan isaga oo Hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray “Bani Aadamku marka uu gaadho go’aan ah Wax baa iga maqane inaan bartaan Doonayaa qofkaasi meel Cajiib ah buu gaadhi.

Afrikaankuse marka uu darajo gaadho waxa uu yidhaahdaa wax walba waan aqaanaa umana baahni in wax la ii sheego, markase uu yidhaahdo wax baan doonayaa inaan barto waa dhiirrani uu dadka kale dheer yahay, kolkaa Kooxdan Halkan ka baxday ee Gudomiye leh ee Generaal leh ee Wasiir leh iyo  Ard ay kale oo ku jirraba, runtii anigu Meeshii aan tagaba waan ku faanaa sidaasuun baana horumar lagu gaadhi karaa.”. Mar uu ka hadlayay Qorshaha Jaamacad ahaan u yaalla Mustaqbalka inay ku  Hogaami yaan Machadka waxa uu yidhi “Machadkan Qorshahaygu waxa uu yahay haddii Illaahay igu simo in uu noqdo Machadka ugu horeeya ee Xalinta iyo Daraasaadka Khilaafka ee Geeska Afrika, taasina mid aan iska leeyahay maaha ee Machadka inta maanta ka qallin jebinaysa iyo kuwa ku jira iyo inta iman  doont a ba waxaan u arkaa inay yihiin Gundhiga Nabada oo Mustaqbalka Rajo Weyn na siinaysa.

Waxaanu u aragnaa in ay nagala hawl gali doonaa daraasadda, Cilmi baadhista iyo xalinta xilaafaadka, iyaga oo ka soojeeda Jaamacadda”. Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo kamida Culimada  Waawe yn ee dalka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hambaleeyay ardayda dhamaysatay Machadka iyo  Aqoon yahanada Jaamacadaba. Sheekh Dirir waxa uu u soo jeediyay hogaanka Jaamacadda in Kulliyada  Mach adkan lagu daro Ardaydeeda Madax dhaqameedyada iyo Culimadaba “Maanta waxaynu u baahanay in muran kasta oo yimaada la xaliyoshareecada islaamkana lagu xaliyo. Arrimaha muhiimka ah ee loo  baa han yahay in Machadkan lagu daraaseeyo waxa kamida in loo yeedho Odayaashii Dhaqanka iyo  culima au diinka” ayuu yidhi sheekhu. Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna Munaasibada ka hadlay ayaa ammaan u soo jeediyey dufacadan ka baxday  Xalin ta Khilaafadka “Aad baan ugu Mahad naqayaa Ardaydan Maanta ka qalan jabisay Jaamacada Hargeysa gaar ahaan Xalainta Khilaafadka waxaan rajaynaya in si wanagsan u shaqeeyan.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, sidaasi si lamida waxa isna u hambalyeeyay gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee  KUL MIYE Axmed Maxamed maxamuud siilaanyo waxaanu yidhi “Aad iyo aad baan ugu mahad naqaya una soo dhawanaya Masuuliyiinta ka qalan jabisay Jaamacada Hargeysa oo waxaan idiin rajaynaya in aad ku camal fashaan wixii aad barateen”. Maxamuud Cabdi Malow oo isna ku hadlayay Afka xisbiga UDUB oo isna halkaasi kelmado ka yidhi ayaa sheegay in dufcaddan qalinjebinaysaa ay shakhsi ahaantiisa ku dhiiri gelisay inuu ku biiro machadka “waxaana rajaynayaa in aniga iyo rag badan oo halkan fadhiya  aa nu u galidoono Dufcada labaad ee Xalainta Khilaafadka” ayuu yidhi Mr. Malow.Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Masuuliyiin ay kamid yihiin Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Goloha Guurtida, Boobe Yuusuf Ducaale oo ka socday Akadamiga Nabada. Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Goloha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre ayaa isna goobataas ka hadlay waxaanu yidhi waxaanu ”imika umaan soo diyaar garoobin in aan ka hadlo goobtan waxaan laakiin aan u mahad celinaya Dufacadan ka qalan  jabi say Munaasibadan waxaana leeyahay noqda kuwii ku shaqeeya isla markaana ku camal fala waxay soo barteen

Gebo gabadii waxa Munaasibadaas ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaanu goobtaas shaahdooyin ku Gudoonsiyey Guddoomiyiha Jaamacada  Hargey sa iyo Agaasimaha Machadka Xalinta Khilaafaadka Jamaacada Hargeysa Prof. Maxamed Cabdikariim  Xi rsi “Aniga oo ka wakiil ah isla markaan ku hadlaya afka Nabad dhaliyaasha ka qalan jabiyey Jaamacada Hargeysa gaar ahaan Xalinta Khilaafadka waxaana Mahad cein iyo bogaadin u diraya dhamaan umada Somaliand iyo Nabad dhaliyayaasha gaar ahaan Saddexdii Hablood ee aanu isku galaas ka aanu ahayn, oo run ahaantii aan odhan karo waxay ahayn Saddexdii Qof ee nagu dadaalka badna intii aanu ku jirnay Jaamacada Hargeysa. Waxaan maahadnaq sidoo kale u diraya Guddoomiyaha Jaamacda Hargeysa  Bulx an oo runtii dadaal dheerada ah arintan ka sameeyey, oo jaamacado badan la xidhiidhay”