Siyaasiga Cismaan Kalluun Ee Safarkiisii Hargeysa Xukuumaddu Daaha Saartay Oo Faafiyey Xogu Uu Sheegay Inuu Dalka Ka Urursaday
 

 


Mr. Cismaan Kalluun oo ay xukuumadii hore ee Daahir RayaaleKaahin dalka ka mamnuucday, ayaa wakhtigaas......


Hargeysa (TNN) -Cismaan Jaamac Cali (Kalluun) oo ah siyaasi u dhashay Somaliland balse ka soo horjeeda aayo ka tashiga iyo madaxbanaanida shacabkiisa Somaliland ayaa markii uu Ma daxweyne Siilaanyo talada qabtay wuxuu safar ku yimid magaalada Hargeysa, waxaanu dalka dib uga noqday ka dib markii uu muddo kooban ku sugnaa.

Mr. Cismaan Kalluun oo ay xukuumadii hore ee Daahir RayaaleKaahin dalka ka mamnuucday, a yaa wakhtigaas uu Hargeysa ku sugnaa wuxuu afka ka xidhay inuu la hadlo saxaafadda, sidoo kalena xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ma bixin wax war ah oo la xidhiidha qorshaha soo noqoshadiisa iyo qaabka uu dalka ku yimid. Hase yeeshe Cismaan Kalluun oo dhawaan dib ugu noqday magaalada London ee dalka Ingiriiska, wuxuu qoray warbixin dheer oo uu kaga hadlay safarkiisaas oo uu ku maray dalalka Carabta, Somaliland, Somaliya iyo meelo kale, waxaanu warbixintaas oo uu ku qoray luuqadda ingiriisida kaga hadlay ujeedada safarkiisii Hareysa. “Somalida Muqdisho way ka dhaxaysaa. Dad badan oo ka kala yimid dhammaan gobalada ayaa jooga Muqdisho.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa.


Waxaanu intaas raaciyay “Markii aan tagi jiray Somaliland ee aan midnimada kala hadli jiray, waxay ii sheegi jireen in haddii ay Somaliya nabadowdo, dadku ay halkaas [Muqdisho) tagi doonaan. Waa dabeecadda Afrikaanka inay xoogga saaraan caasimadda. Tani waxay daciifinaysaa gooni isu taagga waxaanay xoojinaysaa midnimada, Somaliduna way is ogoshahay inay hal qaran noqoto.”


Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ugu jira xisbiga KULMIYE, ayaa wakhtigaas difaacay socdaalka Cismaan-Kalluun oo markaas siyaasiyiin mucaarad ahi ay xukuumadda dhaliilo ugu jeediyeen.


Warbixintan uu faafiyay siyaasiga Cismaan Kalluun oo aanu ka soo qaadanay tuduca uu kaga hadlay safarkiisii Somaliland, waxay weji gabax ku tahay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo horeba loo dhaliilo siyaasadaheeda ku waajahan xidhiidhka dalka Somaliya iyo welba shakhsiyaadka reer Somaliland ee ka mid ah maamulada loo dhiso Somaliya.
 

Source: wargeyska geeska afrika