Siyaasaada Somaliland Gudaha iyo Dibadaba 20 sanadood ayey dib u noqotay !

 

 


Qaybtii 1aad


(Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland,wuxuu la mid yahay Arday casharkii loo dhigay soo xafiday(s oo qaybay),balse uma muuqdo Arday fahmay casharadii loo dhigay,marka aad xil haysana waa laga fiican yahay in aad noqoto shaqsi indho adag oo ku dhega qalad la wada arkayo)



Siyaasada Dibada:-


Runtii waa wax lala yaabo,waa wax aan la aqbali Karin in Xukuumada Somaliland ee xilligan xilka dalka haysaa ay mar keliya dalka dib ugu celiso 1991,waxaa cadaatay in ISBEDELKII ay sheegaysay  Xukuum adu xilka haysaa uu noqday in dib loogu noqonayo walaaleheen Somaliweyn iyo in aynu ka noqon  doo no GOONI ISU TAAGII SOMALILAND.



Waxaan marar badan ku celceliyey,waxaan marar badan Saxaafada u soo bandhigay in Siyaasada  Xis biga talada dalka hayaa ay ku dhisan tahay “Somaliweyn”,balse waxaad moodaa in shacabka reer  Som aliland intooda badani aanay fahmin wixii aan marar badan oo hore uga digayey,waa nasiib daro in  ma anta dad badan oo reer Somaliland ahi ay ka yaaban yihiin Siyaasadan cusub ee ay inoo soo  bandhigt ay Xukuumada cusub looguna magac daray ISBEDEL.



Ilaa iyo maalintii xilka loo dhaariyey Xukuumada cusub July 2010,Siyaasada arimaha dibada ee  Somalil and runtii waxaa ku dhacay ISBEDEL dhab ah oo la taaban karo,waa cadaan in aynuu dib ugu noqonay halkii aynu ka soo dhaqaaqnay 18 May 1991,oo ku began maalintii aynu ku dhawaaqnay in aynu dib ula noqonay xoriyadii aynu sida yar inooga luntay 1960.

Haddaba bal aan si kooban idiinku dulmaro qaladaadka waaweyn ee mudada yar ee kooban ay  Xukuu mada Somaliland dhinaca Siyaasada Dibada,waxaana ka mid ah:-



1. Somaliland waxay aad iyo aad kor ugu qaaday ,meel aad u sareysana gaadhsiisay magaca  Puntland ,oo runtii xilligii Dowladihii hore aan aad loo maqli jirin loona hadal hayn jirin.



2. Somaliland waxay isu soo dhoweysay Soomaaliya iyo Somaliland,iyadoo loo marayo shaqsiyaad u dhashay Somaliland,balse ku caan ah aaminsanaanta Soomaaliya.



3. Waxaa marqaati laga wada yahay shirarkii uu hore uga qab galay Wasiirka Arimaha Dibada ee Som aliland,xilligii uu ahaa mucaaridka.



4. Shirkii ka dhacay Wilton Park 1078 –London UK intii u dhaxaaysay 7 Feb ilaa 9 Feb 2011 ,runtii u ahaa fursad aad u qaali ah oo isu soo dhoweynaysay Somaliland iyo Soomaaliya. Somaliland shirkaa waxay kaga qayb gashay gobol ka mid ah Soomaaliya,waxaa lala simay Puntland,Galmudug ,waxaana  Somalil and ka wakiil ahaa Wasiirka Arimaha Dibada ee TFG.Somaliland shirka kama hadlin,waxba lama  weydii n,lama soo casuumin,waxayna shirka ku fadhiday Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya.



5. Dhamaan wixii Wafti ahaa ee inoo yimid intii Xukuumadani jirtay,waxay ahaayeen qaar ay  Xukuuma dii hore,hore heshiisyo ula gashay,ee ma aha qaar deg deg ugu yimid Xukuumada cusub,qaarkoodna waxay lahaayeen dano gaar ah,sida siideynta ninkii Jarmalka ahaa ee Somaliland ku xidhnaa.



Dastuurka iyo Xeerka :-

Xukuumadu waxay jebisay dhamaan qodobada uu ka kooban yahay Dastuurka Somaliland Q1aad ilaa Q.129 aad



QODOBKA 1AAD


QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND




1. Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan  Jamhuuriya dda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go'aankii Shirkii Beelaha  Som aliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan  Dastuurk an dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.

2. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale



QODOBKA 129AAD

DHMRTA DASTUURIGA AH



Guddoomiyaha Maxamadda Sare oo isla markaana ah Guddoomiyaha Maxamadda Dastuuriga ah ayaa dhaarinaya cid kasta oo Dastuurku ku waajibiyey dhaartan Dastuuriga ah, ka hor inta aanu xilkiisa bilaabin; sidoo kale waxaa isagana dhaarinaya Madaxweynaha.



"WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO".



Xukuumadu waxay jebisay Xeerka:-




Ku Madaxweynaha Somaliland.


Ujeedo: Soo gudbin go'aan Baarlamaan
12/10/2003


Jamhuuriyada Somaliland GB/01/10/2003


Fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada gole baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada oo ay kaga doodayeen xaaladaha siyaasadeed, saamaynta hindisayaasha salaadiintu ay ku yeelan karaan Somaliland iyo siyaabaha looga hor tagi karo dhibaato kasta oo ka iman karta.

Fadhiyada Wada Jirka Ah oo socday mudadii u dhaxaysay 8 ilaa 11-kii bishii 10aad 2003, waxay golaya asha Baarlamaanku ka soo saareen go'aankan halkan ku lifaaqan


Golaha Baarlamaanka Somaliland:-


Wuxuu go'aamiyey 1 in cid alaale iyo cidii ku abtirsata Somaliland, dawladd, shicib, Afraad, Ururo, Axs aab, NGO-yada, Aqoon ayahanada, Madaxdhaqameedyada, Suugaan yahanada iyo dhamaanba  noocy ada ururada Bulshada aanay sinaba uga qayb gali Karin shir kasta iyo arin kasta oo lagaga hadlayo  Hi ndisayaasha Somalia ama lagu heshiisiinayo dhinac ka mid ah kooxaha Somalia ama iyagoo isku dhanba 2 in cid alaale iyo cidii ku abtirsada Somaliland ee ka qayb gasha shirarkaas ama abaabusha ama ku taageerta sifo kasta Qaw, Ficil iyo Qoraalba kaga qaybgasha wada hadalada Somalia ee qodobkaa 1aad tilmaamayo loo aqoonsado dambiile khiyaamo qaran, taas oo waajib ay ku tahay dhamaanba  hay'ada ha ku shaqada leh inay hor keenaan Maxkamadaha awooda u leh iyadoo la raacayo xeerarka uu  tilma amay dastuurku ee qodobka 130aad farqdiisa 5aad. 3 Qaadiidka cir, dhul iyo badba ee loo adeegsado ama qaada hawlgalkaas waxa laga qaadayaa ruqsadaha sharciga ee ganacsiga ama tan  gaar ahaaneedba. 4 Waxa lagula dhaqmayaa xeerkan cid alaale iyo cidii isku dayda inay abuurto urur bulsho ama nooc kasta oo ururada rayidka ah oo u shaqaynaya sidii ay Somaliland u minjo xaabin lahaayeen. 5 waxa ka reeban dhamaan warbaahinta Somaliland tan xukuumada iyo ta madaxa banaanba ka reeban inay baahiyaan wararka iyo macluumaadka lidiga ku ah waxna loogu dhibayo ama lagu wiiqayo jiritaanka Somaliland. 6 dalka waxa sharci ahaan ka jira saddex gole qaran oo kaliya sida ku tilmaaman distoorka, waxa reeban in cidina sheegato gole kale oo aan ahayn kuwa distoorku tilmaamay, waxa lagu fulin doonaa talaabooyinka sharci ee u yaala sheegasho wax aanay ahayn. 7 qofkii loo qabto inuu ku kacay qodobadan kor ku xusan waxa la cafin karaa xukun maxkamadeed ka dib.
Go'aankan waxa lagu meelmariyey cod u qaadis Baarlamaan oo ay ogolaadeen 84 mudane halka ay ka diideen 2, laba mudanena ka aamuseen, kooramkana ay fadhiyeen 88 mudane.

Dhaqan galka qodobadan waxa loo adeegsanayaa sida ku cad distoorka qodobka 130aad farqadiisa 5aad.


Go'aankaasi oo ay ku saxeexnaayeen shirguddoonada labada aqal ee Baarlamaanku
1: Guddoomiyaha Golaha Guurtida Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Geertida
2: Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure
Guddoomiye ku xigeenka labad ee guurtida
3: Siciid Jaamac Cali
Guddoomiye ku xigeen 2aad ee Wakiilada ahaana ku simaha guddoomiyaha
1: Cilmi Xirsi Cali
Xoghayaha Guud ee Wakiilada xiligaasi
2: Maxamed Xuseen Cismaan



Talo:-

· Waxaan kula talinayaa Xukuumada Xilligan xilka dalka haysa in ay sida ugu dhaqsaha badan uga noqoto Siyaasada qaldan ee dalku ku socdo gudaha iyo dibadaba,waxa haboon in sida ugu dhaqsaha badan xilka ummadda looga qaado Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland,sharcigana la hor keeno,maadaama uu jebiyey shuruucdii wadanka u yaalay.



· Waxaan ugu baaqayaa Golayaasha sharci dejinta Somaliland in ay talaabo cad ka qaadaan ku tumashada shuruucda dalka ee ay u xil saran yihiin ilaalintooda.





· Xisbiyada Mucaaridka ah waxaan ka codsanayaa in ay joojiyaan dhamaan wixii wada shaqayn ah ee ay leeyihiin Xukuumada Xilka haysa,inta ay QEEXAYSO Siyaasada dalku ku socdo xilligan gudaha iyo dibadaba.



Digniin:-


Haddii aan si deg deg ah wax looga qaban Siyaasada gudaha iyo dibada Somaliland,haddii aan la saxin wixii qaldamay intii xukuumadu jirtay,haddii aan la joojin shuruucda dalka ee lagu tumanayo,waxaa ii m uuqata Somaliland oo JAR KA SII DHACAYSA ..

 

 

 

Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com