Siilaanyo Oo Rayaale Ugu Baaqay inuu Kursiga Banneeyo

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa mar labaad madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ugu baaqay inuu kursiga ka dego, marka ay horaanta bisha dambe ka dhammaato wakhtigiisii xil hayneed.

Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo Jimcihii doraad saxaafadda kula hadlay magaalada Berbera, isaga oo ka soo guryo noqday magaalada Burco, waxa uu Goleyaasha baarlamaanka Somaliland u soo jeediyay inay ka tashadaan xaaladda dalku gelayo, "Waxaanu cadeynaynaa mawqifkayaga ku aadan xaalada dalku ku jiro waxaananu kasoo horjeedna dib u dhaca batay ee ku yimid doorashada iyo geedi socodka dimuquraadiyada waxaanu leenahay ma ogolin kordhin dambe, Xisbigu mawqifkiisa wuu cadeeyey Xukuumada hada jirtaaa, uma diyaar aha inay doorashooyin gaadhsiiso dalka xataa wax badan baa qabyo ah maaliyad lama hayo sarverki muu shaqeyn, waxaanu leenahay Golayaasha Qaranka guurtida iyo wakiilada in laga tashado." Ayuu yidhi Md.

Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu intaas raaciyay, "Waxaanu leenahay Madaxweynaha Saaxiib waqtigaagii wuu dhamaadaye iska eeg dalkuna waxa uu u baahanyahay Xukuumada gaadhsiisa Doorashooyin taas baanu ka hadlaynaa marka uu waqtigoodu dhamaado ha baneeyaan oo dhawr jeer oo hore ayaa loo kordhiyey, kordhin dambena ma jirto, go'aankan ayey Shacabku nagu taageersanyihiin oo nala qabaan."

Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu balan qaaday in haddii uu ku guulaysto talada dalka uu wax ka qaban doono magaalada dekedda ah ee Berbera, waxaanu xusay inay noqon doonto deked la tartanta dekedaha gobalka ku yaala ee qayrkeed ah, "Waxaan balanqaadayaa in Berbera Dhaqaalaha kasoo baxa Qeyb libaax iyada lagu celiyo, oo Dekeda Berbera waxay la tartami jirtay oo ay u horeysay Dekedaha Geeska Afrika maantana waad arkeysaan waxaanu kusoo celin doonaa kaalinteedii."

Muddooyinkii u dambeeyay waxa guud ahaan gobalka Saaxil laga dareemayay loolan ba'an oo KULMIYE iyo UDUB ku dhex marayay deegaanadaas, waxaanu isagoo Axmed-Siilaanyo ka hadlaya arrintaas uu yidhi "Waa la kala baxay waxaan soo maray Sheekh waana nalagu soo dhaweeyey sidoo kalena Berbera waanu kusoo wareegaynay Taageero badan waa naloo muujiyey waana la kala baxay baan leeyahay."

 



Wargeyska Geeska Afrika