SIILAANYO OO AXMADU CABDALLA KA CODSADEY SIDUU CAALAMKA UGA DHADHICIN LAHA IN LOO MAGACABO Madaxweynaha SOMALIA

 

Safar aan la sii shaacin lana ogeyn ujeedda saxda ah ee ka danbeysa ayaa waxa Dalalka Djibouti iyo Kenya ugu baxay Gudoomiyaha xisbiga kulmiye, socodaalkan oo ahaa mid aan laga warqabin, lana ogeyn ujeedooyinka ka danbeya, ee kilifay in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo iyo Ku Xiggeenkiisa, iyo Xaaskiisku ugu baxaan Dalalka aynu soo sheegnay, ayaa waxa ay sheegayaan ilo ku dhaw dhaw Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye in uu gudoomiyuhu u tagay Dalka Kenya Caasimaddiisa Nairobi, sidii uu Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia, ugala hadli lahaa in uu mawqif ka duwan ka Madaxweyne Rayaale uu qabo marka la eego ka arriminta arrimaha Somalia, uuna aamin sanyahay haddii uu ku guulaysto Doorashada soo socota in uu Somalia la wadaagayo Mabda’a Federaalka, isagoo u sheegay ergayga gaarka ah in uu yahay nin waayo araga oo arrimaha Somalia iyo kuwa Somaliland-ba in badan ku soo dhex jiray, isla markaana uu uga fara dhuudhuban yahay cid kasta oo arrimahaasi isku taxaluujinaysa, Ergaygu sida wararku sheegayaan waxa uu Axmed Siilaanyo weydiiyay sida dadka ku nool Somaliland fikirkaasi looga dhaadhicin karo, maadaama ay ka go’an tahay gooni isu taagga JSL, Guddoomiyaha Kulmiye, waxa uu ku qanciyey Ergayga, in Somaliland shacbigeedu 18 sanno ay ku soo waayo arkeen, isla markaana iska illaabeen wixii xumaan ahaa ee ay kala soo kulmeen Walaalahooda Koonfureed, isla markaana iyagoo og in dadka walaalahood ah ee Reer Koonfureedku aanay la’aantoood heshiinayn, isagoo sheegay in Marka la dhex galo ee dadka reer Waqooyi dhex galaan ay iyaguna heshiin doonaan.

Sida ay sheegayaan ilahaasi, weftigu aad ayey isaga ilaalinayeen in ay arrimahooda kor u soo baxaan, iyagoo si gaar ah yoolka u saaray arrintan Federaalka oo ay rabaan inay ka iibiyaan aragtida Beesha Caalamka, iyagoo ku qanciyey cid kasta oo ay la kulmaanba in ay uga dhin ay wada xaajood ka yeeshaan arrant jagadda banaan ee Madaxweynaha Dawaladda ku meel gaadhka ah soomaaliya..

Wararka hada laga helaayo safarka Gudoomiyaha oo isa soo taraayaan ay tilmaamayaan in Gudoomiyahu la kulmay ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya Axmaduu Walad Cabdala, safiiro, Xubno ka tirsan Balamaanka Imbigaagti oo dhamaantood ku sugan Dalka Kenya, waxaana ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha Dalka somaliya, gaar ahaan Doorashadda la xidhiidha Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee soomaaliya.

Haddaba sida laga wada warqabo Mudane Siilaanyo, oo horeba u lahaa damac ka fog Somaliland, kuna taami jirey siduu uu mar uun iskugu keeni lahaa soomaaliya, ayaa waxa damaciisu siisiyaadey ka dib markii ay banaantey jagada madaxweynaha ku meel gaadhka ah (TFG) ee uu baneeyey C/laahi Yuusuf Axmed, isagoo u arkey in jaaniskii uu ku taamaayey uu maanta u soo baxay, isgoo u bandhigay Ergeyga gaarka ah ee Qramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia iyo dhamaan xubinihii safiiradda ahaa ee uu la kumay, sidii loogu dooran lahaa Madaxweynaha Dawladda Ku meel gaadhka ah ee hadda banaan, sida lagu helaayo wararka wafdiga Siilaanyo ay sheegayaan in Axmduu Walad Cabdalla, u sheegay Siilaanyo in aaney qaramada midoobey iyo wadamadda safaka hore toona aaney diyaar u aheyn arrinta uu wato Siilaanyo, maadaama ay Somaliland u tixgeliyaan Dal ka gedisan soomaalia inteeda kale,, kana hano qaadey Dimuquraadiyadu lehna Dastuur iyo Madaxweyne la soo doortey.

Arrintan waxa ay aad iyo aad ugu cadheysiisey mudane Siilaanyo, isgoo ku doodey in ay soomaaliya mid tahay, jirina meel lagu kala gooyey, xaqna u leeyahay in uu buuxiyo jagadan, isla markaana mudane Siilaanyo iyo wafdigiisu waxa ay ku doodeen in ay iyagu metalaan shacbiga goboladda Waqooyi ( waa sida uu hadalka u dhigee) ayna taageersan yihiin midnimadda Soomaalia, isagoo sheegay arrinta keli ah ee hortaagin in ay tahay ka mid noqoshadda Baarlamanka imbigaati, taasna uu uga tanaasulay Xildhibaan ka soo jeeda Beesha uu ka dhashey, una sheegay wafuudi uu la kulmay in yahay ninka kali ah ee maanta ka saari kara soomaali burburka iyo dagaaladda ay ku jirto, waxaanu u sheegay Axmaduu walad Cabdalla in uu baydhabo ka wado kambeynkii lagu soo dooran lahaa si uu u helo cod ku filan.

Haddaba iyadoo ay isasoo tarayaan, warakani ayaa waxa la sheegayaa in dhaqdhaqaayo lagaga soo horjeedo xubin ka noqoshadda barlamaanka imbigaati ay ka socoto baydhabo, ka dib markii uu codsi uu ku dalbanaayo musharaxnimadiisa uu u gudbiyey gudoomiyaha baarlamaanka iyadoo ay xildhibaanadu qaar ka mid ihi sheegeen in dawladda imbigaati aaney ku jirin Beelaha Isaaqu iyagoo cadeeyey in Somaliland ay ka godey soomaaliya inteeda kale.


Sida ay sheegayaan ilahaasi, weftigu aad ayey isaga ilaalinayeen in ay arrimahooda kor u soo baxaan, iyagoo si gaar ah yoolka u saaray arrintan Federaalka oo ay rabaan inay ka iibiyaan aragtida Beesha Caalamka, iyagoo ku qanciyey cid kasta oo ay la kulmaanba in ay maanta sidaan Xalkii Koonfurta Somaliya, haddii maanta laga dhagasyan waayo taladaasi wax ku oolka ah, cawaaqib xumada ka timaadda la arki doono.

Axmed Siilaanyo inta ay la joogaan dadka ku soo booqday Huteelka uu deggan yahay ee Serea Hotel, mar qudha muu ahayn nin ka hadlayey qaddiyadda Somaliland, horumarka iyo hawlaha fiican ee ka soda Somaliland, waxa uu ahaa Oday weyn oo waayo araga oo aqoon fiican u leh arrimaha Somalia, qabaa’ilkooda marka uu sheekaynayo waxaad is odhanaysaa niyoow ma ka mid baa ninkani qolooyinka Xamar isku haysta, waayo dalkii uu ka yimid xumaan mooyee marnaba wanaag kamuu sheegayn. Ma aha markii ugu horeysay ee Siilaanyo, uu damac ka galo Midowga Dalkii laysku odhan jirey Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo hore u sheegay in aaney soomaaliya marnaba kala maarmeyn Somalilandna tahay mid meel wanaagsan lagu soo gaadhay.

Dadweynaha Reer Somaliland ee xalaasha ah waxaan leeyahay la socda arrimaha jiritaankeena lagu wiiqayo.

Ilaahoow Somaliland U roonoow, cadageedana hooji.


 




Layla Xasan

Islii, Nairobi, Kenya