“Siilaanyo Kursiga uu Ku Fadhiyo Muuse Biixi baa Libtiisa La haa, Waxaan Leeyahay Mar Uun Abaalka Gud Laguguma Aqoone,” Xasan Guurre 

 


“Siilaanyo kursiga uu ku fadhiyo Muuse Biixi-baa libtiisa lahaa, waxaan leeyahay mar Uun A baalka gud laguguma Aqoone,” Mujaahid Xasan Guurre


Hargeysa (TNN):- Guddoomiyaha Maddasha Wadda-tashiga iyo toosinta qaranka Mujaahid X asan Guure Jaamac ayaa sheegay in Musharaxnimadda uu Todobaadkii hore shaaciyay Gudd oomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ay tahay mid uu xaq u lee yahay.

Xasan Guure oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu uga tanaasulo Muuse Biixi loolanka Madaxtnimad da Dalka, isla-markaana uu is-garab taago sidda uu hadalka u dhigay halgan dheer Muuse Biixi u soo galay sidii Madaxweynuhu Siilaanyo u qaban-lahaa Hoggaaminta taladda Dalka.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Muuse Xaq-buu u leeyahay inu isa-sharaxo sidda Qof ka sta oo Muwaadin ahi xaq ugu leeyahay iyo Qof kasta oo Xisbiga ka mid ah la dooran karo is na wax doorran-karo. Xaq-buu u leeyahay Musharaxnimaddiisa “

Xasan Guure waxa uu sheegay in Guddoomiye Muuse Biixi uu halgan Siyaasadeed oo waao kala duwan xambaarsanaa la soo galay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Muuse Biixi 2003-dii Axmed Siilaanyo (Madaxweynaha) wuu dhisay, aasaasihii Xisbiga la aasasay-buu ahaa, barigii dhaweyd-na Naf iyo Maal-ba wuu ku taageeray, Codka ugu badana wuu u kee nay, Kursiga uu ku fadhiyo Madaxweyne Siilaanyo Muuse Biixi-baa Libtiisa lahaa iyo Ragii la midka ahaa. Ragii Muuse Biixi-baa ka hadhay Maxamed Xaashina waa-kii ka baxay”

Guddoomiyaha Maddasha waddatashiga, waxa uu intaas ku daray “Maanta labadooda waxa Xaq u leh Muuse in la Taageero, waxaan leeyaahay Madaxweyne Siilaanyo Abaalka mar uun gud oo Ninkaa aad saaxiibka tihiin ee ilaa Jabhaddii ku soo garab-taagnaa taageer, Madaxwe ynahana waxaan leeyaahay mar uun Abaalka gud laguguma aqoone. Maanta Muuse uga tanaasul weliba ku dhis”
 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland