Siilaanyo iyo Riyaale
waxaan kula talinayaa inay Xasuusta dib u
celiyaan!

Waxan
salaanta islaamka u dirayaa dhamaan shacabka Somaliland ee jecel
nabadda iyo xasiloonida.
In badan ayay Gacantu ka maagtay inay Qalinka soo qaadato,qalbiguna
diiday inuu qoro qadiyadaha qalafsan,xeeladaha xargagan ee Kooxo loo
yaqaano Siyaasiyiin iyo Mujaahidiin ay caadaysteen inay hadba Wejiyo
kala duwan Shacabka la soo hor fadhiistaan,maanta se gacanta qaban
kari waayay,qalbiguna xejin waa xanuunka ay weli xulufadii xumaanta
ku bahawday hadba ay shacabka xero ugu oodayaan.
Muran kama taagna inuu Mudane Silaanyo yahay oday siyaasada muddo
dheer soo dhex dabaashay,maamulkii looma aayaan ee S.Barre waxuu
ahaa wasiirka dhaqaalaha,waxaanu noqday mucaarid,ururkii SNM waxuu
ahaa gudoomiyihii ugu muddada dheeraa,dhibaatooyinkii ugu xumaa ee
soo mara SNM-na mudadaasay dhaceen,berigaa waxa ururka ka dhex
abuurmay qaybsanaan iyo iska hor-imaad u gaar ahaa saraakiishii
dagaal gelinta iyo Silaanyo,isagoo mucaarid ah ayaa dalka la soo
galay,dawladii Marxuum M.I.Cigaal-na wasiir ayuu ka
noqday,waqtigaasi dalka waxa ka qarxay dagaaladii ugu qadhaadhaa ee
sokeeye,kaas oo ahaa aar-goosi iyo cadaawad raagtay oo soo
ifbaxday,waa tii ragg maanta la tix geliyo
loona yaqaano mujaahidiin ay lahaayeen "Anigoo dagaalami kara duco
qaadan maayo", gaar ahaan M.Biixi ayaa laga hayaa ,taariikhdu ma
tiranto.Siilaanyo kooxdaas ayuu markaana ka mid ahaa.Shacabkana
waatii loo kala qaybiyay maryo-alool iyo maleeshiya.Markaana
Siilaanyo dagaalkii sokeeye dabadii waxuu noqday mucaarid.
Mudane Siilaanyo isagoo mucaarid weli ah waatii dalka laga curiyay
nidaamka xisbiyada badan,kuna guulaystay ayaamihii ugu danbeeyay
diiwaan gelista xisbiyada inuu curiyo xisbiga maanta uu ka yahay
gudoomiyaha ee KULMIYE. Tartankii ka dhaxeeyay xisbigiisa iyo
xisbiga uu hogaamiyo Riyaale waxuu ahaa uun laba xaq daro ku
heshiisay,xaqay ku coloobaan, labada ururba waxay ka abuurmeen
kooxdii maryo alool. Inkastoo Silaanyo lagaga guulaystay hadana si
adag ayuu ku qaatay go´aankii maxkamada,welina waa mucaarid balse
Riyaale oo ay isku kooxdii maryo alool ka wada tirsanaayeen ayuu
shacabka indhahooda damcay inuu rinji mariyo,yidhaana: labadayadan
maryo alool anigaa idiin roon ee isoo daba gala,guri barwaaqo ah
ayaan idiin ogahaye!
Dhacdooyin badan oo aan isoo joogay kuna saabsan Silaanyo iyo
kooxdiisa mujaahidiinta lagu sheego ee maanta u kala fadhida labada
garab ee Kulmiye ayaanan jeclayn inaan maanta halkan ku soo
qaado.Balse way iman doontaa maalin aan taariikhda dib u raaci doono
hadii hab socodka siyaasadeed ee Kulmiye iyo Udub waxa laga
bedelin.Hala dhawro himilooyinka sinnaansha shacabka Somaliland.
Hadaba Silaanyo iyo ina Riyaale ma waxay u haystaan shacabku inay
aqoon la´aani xero ugu dabartay,inaan labadooda midnaba shacabku
xiiso u hayn inay dalka hogaamiyaan sannadaha soo socda miyaanay
ogayn. Mise xaalkoodu waa wanka ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma
arkaan. Shacabku waxuu xeerinayaa jiritaanka,nabadda iyo xasiloonida
ee Riyaale-na muddadaa looma adkaysteen, Silaanyo-na maanta muu
hungureeyeen inuu madaxweyne isu taago!
Silaanyo iyo Riyaale waxan kula talinayaa inay xasuusta dib u
celiyaan, dalka iyo shacabkana u tudhaan, kana foo jignaadaan
rabshado iyo xasilooni darro inay shacabka dib ugu soo xambaaraan.
Hadaan nabad, xasilooni iyo
horumar doortay oo aynu ku heshiinay, kumaan talo gelin caddaalad
darro,caga-juglayn, cabudhin iyo kursi midabbo loo yeelo iyo
xaq-darro lagu xeeleeyo tartanka hogaaminta dalka.
Somaliland ha jirto.
Hussein Badmah
Köln,Germany
hargeysawi2001@yahoo.de
|