Sidii qaalin geed laga lulay oo jare ku luuf luufay adigoo lixiib ku ah sharciga

 

Waxaana loo qaybsamay laba kooxood sharci raac iyo sharci diid kuwaas oo qolo waliba ku adkaysatay in keedu sax yahay, is marin waa badan  ka dib waxa mooshin maamuus ka xayuubin ah ku soo oogay golaha  wakiila da. By: Sacad Ciise Cumar.

Sidii Qaalin Geed Laga Lulay Oo Jare Ku Luuf Luufay Adigoo Lixiib Ku Ah Sha rciga Luqanta Ma U Dhiibtay..

Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhamaan shacabka reer s/land falkii foosha xumaa ee ka dhacay magaalada hargeysa ee sababay dhimashada iyo dhaawac, waxaan si gaara u tacsiyadaynayaa dadkii ehelkooda ahaa marxuunadaa dhintay, waxaana u rajeyanayaa in ilaahay cawilsan siiyo, marxuunada waxaan ilaahay uga baryayaa janadii fardawsa ka waraabiyo aamiin aamiin..

Marka xigta waxaan salamaayaa saxaafada intooda horta ah ee fahansan in ay xil qaran saaran yahay cid gaarana aan u adeegin..

Hor dhac

Wadankeena laga soo bilaabo 1991 wax soo maray xaalado kala duwan oo runtii ahaa tuba tu ku ilaw, adigoo tii hore la yaaban ayaa mid kale oo ka darani imanaysaa markaa ayaad gacmaha madaxa saaraysaa oo is  odhan a ysaa malaa tan mid ka xumi idinma soo marin, marka aan waqtigaa hore ka soo gudbo ee soo gaabiyo ilaa 2002 markii uu dhintay ruug cadaagii  ma rxuun maxamed ibraahim cigaal oo uu talada la wareegay daahir riyaale  k aahin, waxa inagu soo noqnoqday dhacdooyinkaa iyo arimahaas firka naxa badan ee shacabka maskaxdooda ku reebay xasuusta iyo iswaydiin badan
oo qof waliba gaarkiisa isu waydiiyey isagoo xasuusan dhibkii la soo  mar ay.

Waxa qofkastaa ka qaadi waayey in dhibka ugu weyni yahay qof aan  xog a gaal u ahayn wixii la soo maray oo xitaa laga yaabo in aanu isku taxluujin in oo akhristo taariikhaha laga qoray, sababtuna waxa weeyey ayey aniga ila tahay in aanu jeclayn in uu maqlo wax yaabahaas ku saabsan halgankii maadaama oo aanu haba yaraatee wax xubin ah ka ahayn madaxtinimada lagu kufay oo xitaa laga yaaboba in aanu filayn..

Guda-galka maqaalka.

Mudo aan fogeyn waxa bilaabay muran siyaasadeed oo salka ku haya  nad aamka doorashada soo socota lagu galaayo ID card iyo in sidii hore loo codeeyo waxaana arintaas si weyn iga hor jimi asxaabta mocaaradka, sha cabka iyo aduunka intoda Somaliland danaysa..

waxaana loo qaybsamay laba kooxood sharci raac iyo sharci diid kuwaas oo qolo waliba ku adkaysatay in keedu sax yahay, is marin waa badan  ka dib waxa mooshin maamuus ka xayuubin ah ku soo oogay golaha wakiilada iyagoo raacaya waxa shircigu faraayo, waxaana golihii u kala jabay laba garab oo mocaarad iyo maxaafid ah,

Rabashadii maxaafidiinta.

xubnaha maxaafidka ah ayaa fadhigii ugu horeeyey ee golaha wakiilada  w a xay ka sameeyeen rabash, iyagoo buuq iyo sawaxan badan oo la is maqli waayey kala dhex kaca fadhigii galaha waxaana shir gudoonku sheegay in uu xidhan yahay shirku 6 xildhibaana oo ahaa kuwii buuqa abuurayna la  m a rin doona ashax uu dhigaayo xeer hoosaadka golaha,

fadhigii xigay ayaa waxa la keenay xarunta ciidan boolis ah oo aad u  bada n iyo 6 xubood oo qasab lagu soo galiyey golaha, waxaana ay taasi  qasab tay in golihii noqdo goob dagaal oo gacanta la isula tahay ilaa ay gaadhay in mudane maxaafid ahi la soo baxo baastoolad isagoo isku dayey in uu ku qaarajiyo mudane ka oo ka tirsan mocaaradka..

rabshadaa laga danbeeyey kadib waxa shirgudoonku mar kale ku  dhawaa qay in uu xidhan yahay shirku ilaa kulan danbe..

xidhitaankii golaha.

Intii aanu dhicin kulankii danbe waxa xarunta la keenay ciidan boolis ah wa xaana allaabada la isugu dhuftay xaruntii waxaana sacabtuntay xubnihii maxaafidka ee sharci diidka iyagoo leh awood aanu leenahay ayaanu ku xidhnay golaha waana xidhnaanayaa ilaa inta ay iyagu amar danbe soo  bi xinayaan oo ah furitaan..

Cida sharciga diidan.

Markaa dhamaan darisnay arimahan oo dhan waxa sharciga diidaayey  ma daxweyne riyaale iyo macaafidiintiisa oo uu daba ka riixaayo kuwaas oo fariinta la soo faro soo gaadhsiinaayey golaha wakiilada iyagoo isku dayey in ay leexiyaan dariiqa wadanka iyo sharcigu ku socdaan. Iyagoo  bixinaa yey sawiro ah in ay wadaan dan qaran, laakiin waxay ahayd mid faashil ah oo qofkasta oo reer s/land ahi la socday waxay ka samaynayeen  wad anka.

Waxaana ay arintaasi gundhig u noqotay in muda haraad xoogan  shaca bka reer s/land iyagoo garan taagan sharciga ku qaadaan ciidankii  boolis ka ahaa ee xarunta xooga ku joogay waxaana ay gaadhay in rasaas ooda lagaga qaado oo iyagoo sida muuqatay dadkaas lagu shish bartay oo  ask a rta amar khaldan la siiyey, waxaana ay taasi ku tusaysaa in dhacdadaa kadib booliskii la qaaday dhamaan wasiiradii iyo kooxdii sharci diidka ahayd ay aamuska u galeen maadaama oo fakarkii ay soo dhigeen noqday mid horseeday guul daro xoogan oo soo wajahda cidii ay ku dhaadanayeen..

Isku soo duub oo hada waxa muuqata in sharcigu guulaystay oo ay layli  q aateen kuwii isu haystay in ay yihiin libaaxyada meesha oo ay sidii ay  doo naan yeeli karaan, una cadaatay in shacabku reer yihiin askarta sharciga iyo qawaaniinta wadanka u dagsan

Waxaan ku soo koobayaa ( abtiyaal hubsiinada hala waa la siistaaye  hana fade yaanu idin qaadine indhaha hoos u soo roga) hure walanwal

 

 

Sacad Ciise Cumar
Berbera Somaliland
e-mail f_bihaary@hotmail.com