Sidee loo yarayn karaa dabaysha iyo dhaska xilliga xagaaga ku kaca magaalada burco !!?

 


Maduucani waxa uu k saabsan yahay dabaylaha iyo duufaanka ,dhaska iyo boodhka ku kaca mag aalada burco xilliyada xagaagii.waxaan doonayaa inaan soo bandhigo aragti ku sabaabsan sida ugu haboon ee loo yarayn karo dabaylahan iyo dhaskan magaalada qabsada xilliga xagaagi.

Magaalada burco oo dhacda juquraafi ahaan badhtamaha Somaliland. Waxay xad la wadaagta ,go bolo ay ka mid yihiin; saaxil,daadmadheed,saraar iyo buuhoodle.magalada burco waxa ay ku taal dhul banaan ah oo buur iyo dhir mid lahayn,sida erayga “ burco” qeexayo oo ay macniihuusu taha y: dhulkii banaanka ahaa,ayaad ka garan kartaa in magaalada burco ay ku taal dhul banaan.

magalaada burco,hawd ama koonfur waxa ka xiga,baanka aroori,dhanka bariga waxa ka xiga ban-cawl,dhinacyada kale ee magaaladu waa dhul banaan ah.hareeraha magalada waxa ka baxa dhir aad u gaagaaban gaar ahaan geedka garanwaaga, qudhac iyo geedka galoolka oo ah tuke baal cad,sidaa awgeed ayaa xilliga dabayl xagaagugu soo dhacdo, ay magaalada ku kicisa boodh iyo dhas, xilliga dabayl xagaaga waxa adkaata in goobaha ganacsiga iyo socodka dadka ee suuqa ay dhib wayn kala kulmaan dabaysha iyo boodhka.nadaafadda magaalada ayaa hoos u dhacda oo meel kasta waxad ku arkaysay qashin ay dabayli ka soo saartay halkii loogu talo-galay.

Dabayl xagaagu magaaladu burco ku gaar mahaa ,laakin waxa uu dheer magaaladu burco way ku badan tahay marka loo eego magaalooyinka kale.hadaba aynu is waydiino maxa sababay?

Sidan kor ku xusay magaaaladu waxa ay dhacdaa ama ku taal dhul banaan ah oo buuro iyo dhir midna lahayn,waxa jihooyinka qaarkood ku yaal banan waaweyn,sidaa awgeed ,ayaa dabayshu ugu kacda magaalada.waayo ma jiraan teed ama wax is hor taaga.
Dhirla’aantu waa mid ka mid wax yaabaha ay siigada iyo dabayshu ay si fudud u soo galaan magaalada.


burco dhexdeed waa ay ku yar tahay dhirto,taasina waa mid ka mid ah wax yaabaha keenay in dhaska iyo dabayshu ay ku kacaan magalada.waayo hareeraha magaalada dhir kuma taal dabay sha is ka hor taaga,sidaa awgeed ayaa dabayshii ka soo kacday banka aroori u soo gashaa maga alada oo ay dhas iyo siigu isu bedeshaa,waayo magaalada dhexdeeda lagama beerin dhir.

meesha ugu dhirta badan burco,waa suuqa loo yaqaan dhuurta. Suuqani hore waxa uu u ahaan jiray suuqyadii burco ugu muhiimsanaa,waxa ku yaallay ceelashii biyaha ee xoolaha laga waraabin jiray,waxa uu ahaan jiray saylad xoolaha lagu kala iibsado.dhirtii suuqan ka baxday oo si dabiiciya u baxday.waa ay dabar go,een intoodi badnayd.

Waxaan u soo jeedinayaa dadka iyo maamulka magaalada burco in ay is ku dayaan sidii ay u beeri lahaayeen dhir farabadan magaalada dhexdeed si ay u yareeyaan dhaska iyo siigada xilliga xagaagi.


Waxaan kale oo u soo bandhigayaa in laga beero dhir magaalada hareeraheeda si looga hortago ama loo yareeyo dabaysha ka soo kacaysa bananka magaalada ku wareegsan ee soo gelaysa su uqa,ka dibna isu bedelaysa dhaska iyo boodhka ee bacaha iyo qashinka xambaarsan.
Waxaan jecelahay in aan muwaadiniinta magaalada burco ku dhiiri geliyo ama u soo bandhigo in qofkastaa gurigiisa hortiisa ka beero “geed” . taas waxa ay noqonaysaa in xaafadii ka kooban 10 0 guri haddi laga beero geed,waxa halkaas ka bixi kara 100 geed,boqolkaas geed waa wax qabad balaadhan oo wax ka tari kara bilicda magaalada iyo yaraynta dabaysha.
 

 

 


Qore: Bashir Raacdeeye