Sidee Burco looga Dareemay Mooshinkii Xil-ka-xayuubinta Guddoomiyaha Guurtida Somaliland

 


Jawiga Magaalada Burco ayaa shalay subax ku waabariistay mid ka duwan kuwii hore, waxaanna goobaha dadku ku kulmaan iyo jidadka magaalada ka muuqday dadka oo koox koox u taagan oo ay ka muuqato aamusanaani, kuwaasi oo ku mashquul sanaa u dirista telifoonada cid Hargeysa ku sugan oo ay waydiinaayeen, halka uu marayo kulankii Golaha Guurtida ee la filayay in la horkeeno mooshin xilka lagaga xayuubinaayo shirgudoonka, gaar ahaan Guddoomiyaha golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal).

Hasayeeshee, muuqaalkii jawigaasi ayaa mar qudha is badalay, iyada oo sawaxan iyo qaylo laysla oogsaday, ka dib markii ay magaalada Burco soo gaadheen in mooshinkii ka dhanka ahaa shir-gudoonka guurtidu fashilmay, kooxdii wadatayna laga guulaystay, taasi badalkeedana waxa uu qofba midka kale warkaasi ku gaadhsiinayay.

Telfoonkiisa gaarka ah Natiijadii ka soo baxday Kulankaasi.

“Madaxweynuhu waxa uu rabaa in uu isagu ku shaqaysto Golaha Guurtida iyo Shir-gudoonkaba oo uu kolba danihiisa siyaasadeed u meel mariyaan sidii looga bartay baryaha qaar Golaha, maanta waanu Hanbalyaynaynaa mar haday Garteen in aan dadku aqbalayn korosiimo dambe.” Sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah aqoonyahanada reer Burco oo cabirayay dareenkiisa ku waajahan Arintan.

Bulshada Burco, ayaa mooshinkani xilka lagaga xayuubinaayay Shir-gudoonka Golahaasi ku tilmaamay, bilowgii talaabooyin lagu bur-burinayo geedi-socodka hanaanka Dimuqraadiyadeed ee Haatan ka hana qaaday Dalka Somaliland, isla markaasina caqabad ku noqon kara Doorashiiyinka Madaxtooyada Somaliland ee la filaayo in ay dalka ka dhacdo 29 March ee 2009.

Mid ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka magaalada Burco oo Aragtidiisa ku wajahan arintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi; “Arintani maaha mid ku kooban Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo kaliya, balse waxay ahayd mid uu Madaxweynuhu ku doonayay in tusaale uga dhigo bulshada hadii uu ku guulaysto, in wuxuu doono samayn karo, arintan maanta dhacdayna waa fariin ku socota Md. Rayaale oo ka turjumaysa Dareenka Bulshada hadii Alle-garansiiyo.”

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa si weyn looga dhex dareemaayay guud ahaanba magaalada Burco, hadalhaynta muranka siyaasadeysan ee ka dhex oogmay guriga Golaha Guurtida Somaliland, kaasi oo la sheegay in Madaxweyne Rayaale Dabada ka soo riixaayay Mooshinkan Maamuuska-xayuubinta ah si uu meesha uga Saaro Hogaanka Golahaasi, kuna badasho mid kale oo u meel mariya danihiisa siyaasadeed ee xiligan la joogo.

Maadaama oo Shirguddoonka haatan joogaa Mudo-kordhin tiraba laba jeer ah u sameeyeen xukuumada Madaxweyne Riyaale Kaahin oo ay hore u ahaayeen Saxiibo isku dheer, ayaa waxa dadka arrimahaasi odoroosaa sheegeen in khilaafka siyaasadeed ee xiligani salka ku hayo Golaha oo intoodii badnayd ka biyo diiday doonista qarsoon ee Md. Rayaale in muddo-kordhin mar saddexaad loo sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee dareenada noocan ah ayaa muujinaaya baahida bulshadu u qabto is-beddel siyaasadeed oo ka dhaca waddanka.
 

 

 

 


Keyse Ahmed Digaale

Burco