SIDEE AYAAN U CODEEN
LAHAA HADDAAN JOOGO SHRKII KULMIYE EE BURCO
?

Maqaal aan wiigii hore ku cabiray rayi guud mar ah oon ka qabo
goolaaftanka siyaasadeed ee cadada u noqotay madaxda Kulmiye, ayaa
emailo badan igaga yimaadeen oodhammaan 3 mooyaane aragtidayda ila
wadaagay. Seddexdani waxay u arkeen maqaalkii inaan tartamayaasha u
kala eexday. Waxaa la yaab leh in qofka rayigiisa cabira loo arko
nin eexday. Maan ahayn xaakim, mana ahayn xataa xubin awood u leh
inay cid arrintan ka caawiso. Anigu ma ihi Golaha Dhexe, xataa guddi
Kulmiye ah kama tirsani. Mana doonan. Waxaan ahay taageero u arka in
danta dalku ku jirto Kulmiye oo hoggaanka qabta. Marna taasi shaki
igama gelin. Waayo waxaan arkaa cidda la tartamaysa oo fursad aan
cid kale soo marayn heshay, kana faa'iideysan weyday. Iyo dalkii oo
maalin maalinta ka dambeysa u ruqaaansanaaya kelitalisnimo.Waxaan
sidaas u yeelay inaan xoriyad u helo inaan qaladka aan xisbiga iyo
dalkaba ku arko, aan ku sheego, anigoon xeer guddi, mid gole iyo mid
kaleba i dabreen. Waana kaalin waxtarkeeda aad ay u qiimeeyaan
xisbiyada dimuquraadiga ahi. Xisbi weliba waxuu leeyahay ururo
ayoonyahan oo ka madaxbanaan maamulka xisbiga, waa kuwa loo yaqaan
(Think Tanks) kuwaas oo bataa ayaa noqda xabagta garabada xisbiyada
isku haysa.Malaha waxa habboon inaynu kuwaas xoojino.
Is qabsiga dimuquraadiyadaa leh. Ma aha xisbi, xisbiga aan lahayn
laba garab iyo wax ka badan.Waxay se leeyihiin garabyadu xayndaab
aan midna dhaafin. Weli mid mid dar jiidey mooye, reer Kulmiye
xayndaabkii wey ku jiraan, isagoo weliba garab kasta la gudboontay
inay xayndaabka ballaadhiyaan, oo ay dadweynaha aan ku jirin ku soo
hooyaan. Taas waxa lagu helayaa kolka garabada Kulmiye, ay wadajir,
iyo niyadsami ugu dadaalaan guusha xisbiga.
Haddaba aan ka jawaabo su'aasha mawduucani xanbaarsan yahay oo laba
nin email igu soo weydiiyeen.
Anigoon galeen habka iyo dariiqa loo maray doorashadii Burco, waayo
kol haddaanan goob joog ahayn wax badan ayaa iga maqan.Laakiin kolka
habka iyo tabta wax loo maamulay laga yimaado, waxaan fikirkeyga
shakhsi, iyo aqoonteyda xadidan, ku eegayaa tartamayaasha iyo cidda
bal ku habbooneed een anigu u codeen lahaa.
Kaalinta lagu tartamay ee Madaxweyne xigeenka, waxa u taagnaa afar
xubnood oo labana xisbiga ku cusub yihiin, labana yihiin rag ku
raagay. Labada cusub aan ka hadlee. Prof. Ismaaciil Aare, waxuu
qadariyey oo uu qiimeeyey, sida guusha xisbiga lagu gaadhaayo. Waxuu
arkay in tartankiisa iyo guusha xisbigu ayna isla jaan qaadeen.
Waxuu aqoontiisu siisay inuu qof ahaan, xisbi ahaan, iyo dal ahaanba
ay guusha dhabta ahi tahay xisbiga oo guulaysta ooy ka wacantay
isaga oo guuleysta balse, aan dhaafin kursi shan sanoo kale uu
mucaarid ku ahaado.Waa abaal uu dhigtay, waana garasho looga
fadhiyey. Waxuu codkiisu iyo taageerayaashiisi ku ladhay Eng.
Saylici. Oday Cadami taas muu yeelin, oo weli isagoon marti bixin,
ayuu u orday Kursi isagoon xisbiga ahayn rag hore oga hadheen, qaar
kalena maacuudinayeen. Taas waxa dheer Oday Cadani, waxuu ahaa
Guddoomiyihii doorashooyinka ee Kulmiye ka cabanaayey! Waxaa looga
fadhiyey inuu in badan wax ka sheego su'aalo dhowr ah oo Kulmiye ka
qabay Guddiga, iyo inuu noqdo nin sidii uu yidhi kolkuu soo galay
xisbiga ilaaliya danta guud, een matrkiiba dan shakhsi ku dagaalamin.
Waxaan filayaa inuu khibradiisa
iyo habka ugu wacan ee doorshooyinka loo xalaaleen karo inagu soo
kordhiyo, dulqaad, iyo samirkii uu Kulmiye ka dalbaday kolkii 80 cod
ee labada sanduuq ee Ceerigaabo lagu farsameeyey dhaliyey, inay
isagana maanta ka muuqato ayaa wacan. Aadmigu wuu u dhashay qaladka,
haddaan aragtiday qalad ku jiro, ma aha mid aan u badheeday ee
saamax ayaan dhammaan idinka rajeynayaa, haddaan duray run dusha
laga dhayaayey, haydiin noqoto jawaab shifo aad isku daba qabataan...
caano daatay dabadood la qabay...
Aan u dego tii iigu adkeed, ee in badan iga qaadatay, balse aan isku
qanciyey dhowr arrimmood oon musharaxu qof ahaan u lahayn balse ka
dhashay dhaqan iyo duruufo dalkeena ka jira. Muj. C/rahmaan Aw Cali,
waa halgamaa, geesi ah, aftahan ah, qarannimadu kaga weyntay
qabiilka. Waa nin qiimo iyo qadarin dal ahaan iyo xisbi ahaanba
inaga mudan.Sartu se, macal asaf, waxay ka qudhuntay, dhaqankeena
Soomali ahaan iyo habka dimuquraadiga ah, oo hadafkiisu yahay ...yaa
cod haysta, yaa se cod soo xarayn kara. Aan qodobeeyo.
1- C/rahmaan Aw Cali waxay isku jilib yihiin Madaxweynaha oo xiligan
sharaxan. Waa dhaqan Weli codkeenu wuu beeleysan yahay. Reerku waxuu
aad ugu badan yahay gar iyo gar darraba inuu Madaxweynaha u foodo.
Waana mid guud oo beel kasta samayn lahayd, gaarna kuma aha Awdal
2- Beelaha kale ee Reer Awdal
waxay u arkaan in gobalka loo xidhay jilib keliya, iyadoo ilaa
1993kii ay u cumaamadnaayeen jilibka Madaxweynhu Waana arrin
beelahoo dham ku dhaqmaan, oon ahayn dabeecad gaar u aha Awdal. Waa
dhaqan Soomaliyeed, dimuquraadiyadu lafteedu kama foga, oo waa in la
cishatamaa. Miyeyna sidaas ahayn?
3- C/rahmaan Madaxw/Xigeen wuu
soo noqday, wuuna isu sharaxay. Markan waxaa habboonayd, inuu isu
taago Madaxweynenimo. Ma dhacdo yaalaaba in nin Madaxweyne/Xig
noqday uu kolka Madaxweynihiisu ka dego isla kursigaas isu sharaxa,
eek an sare ayuu doontaa.
4-Dimuquraadiyadaa is-qabsiga iyo
is-garabsiga leh, ee C/rahmaan muddaba waxuu ka tirsanaa garab ayna
isku banaanayn Guddoomiyaha xisbiga, kolkaas waxay ahayd inuu helo
hadday laba noqotay cid uu isku lamaaneeyo oo Madaxweynaha isu
taagta. Waayo waxuu Madaxweynahu xaq u leeyahay inuu helo cid ay
wada shaqayn karaan. Distoorku shaqada Madaxw/Xigeenka waxuuba ku
koobay.... Waa marba hawsha uu madaxweynahu u diro.
5- C/rahmaan iyo Axmed Siilanyo
waxay ka wada tirsan yihiin garabka SNM, waxaanan qabaa inay labada
kursi mid leeyihiin een leysagu darin. Kama hadlaayo beelo, ee waa
hoggaankii SNM, ee ma aha taageerayaashii oo kolkaan SNM ka hadlaayo
waa intii taladu ka go'aysay.
Intaanan codkeyga bixin, waxaan aad ugu farxay in labada tartamay ay
tageen Awdal iyagoo Kulmiye ahna si diiran loogu soo dhoweeyey. Waa
astaan barakaysan. Colka UDUB lagu sheegay ee C/rahmaan soo
dhoweeyey, waa calaamad fiican, ha loo arko illeen dadweynahu
xisbina uma xidhnee, dar ku soo biiraaya Kulmiye, yaan laga didin.
C/Rahmaan waa nin xisbiga ku culus. Waa sidaynu rabnay in calanka
Kulmiye uu isku rogrogo oo laydha qabow ee buuralayda Boorame afarta
jihaba u ruxdo. Soo dhoweynta Madaxda Kulmiye, waa guul Kulmiye, si
kale oo loo dhigi karaa ma jirto.
Cid kale ma hadhin ee codkayga waxaan siin lahaa Eng Saylici
sababahan kooban dartood:
1- Waa nin xisbiga la bilaabay, oo salka uga taagay badhatamaha
Boorame. Waa hawlkar aan hawsha xisbiga marna ka nasan. Waana nin la
degan oo la jooga dadak uu matalaayo.
2- Waa nin aan ka tirsanayn
hoggaankii SNM, oo ka dhigaaya xisbiga mid dheelitiran oo qaran ah.
3- Waa nin ka dhigaaya Awdal meel
dimuquraadiyadu aad uga hirgasho oo la helaayo tartan dhab ah, oo
dadku kala doortaan xisbiyada.
4- Waa nin aqoonteed, hadalkeed,
iyo degnaanshaheed ka muuqdo, oo warbxinta uu bixiyaa ka marag tahay
degnaansho, wado-tashi iyo samir.
Hadda, waxa hubaal ah in garabka C/rahmaan xisbigu u baahan yahay.
Waayo waa in sida dalku u leeyahay mucaarid, isla xisbiga dhexdiisa
laga helaa rag iyo dumar maamulka caarida, bal se aan xadka dhaafin.
Nidaamka dimuquraadiga ayaa
sidaas qaba. Ma aha in xisbigu noqdo m id u dhaqma sida xisbiyada
kale ee dalkeena ee codka qof kaliye ka soo yeedho. Si aynu u noqono
macalin lagu daydo, waa in khilaafka la soo afjaraa, qaladaadkii
dhacayna laga faa'ideystaa, goolaaftankeenana aynu mar walba u
yeelnaa meel aanu dhaafin, oo xubnaha cusub la baraa in doodu
furantay,isgarbsigu furan yahay, laakiin aan ardaaga dugsoon la-kala
furin, oo oodda aynu isku xeernay midba tiisa qaadan. Waxaynu xisbi
ku nahay waa danta guud, ma aha kursi, qof uun helaayo. Ogow ninka
doonta doorasho, waxa la gudboon dadaal, laakiin ma aha inuu isu
dhigo inuu mar walba helaayo. Ninka guulaystaa waa nin dadaal iyo
nasiib isu raacay. Dadka ka ma wacna, kan waayeyna kama liito, waxaa
inta badan la xaqiijiyey inay is leeg yihiin inta fiican ee laga
badiyey, iyo inta fiican ee badisay. Taasna waa in maanka lagu
daadejiyaa.
Kulmiyow bal eega hareerihiina, waa hakee halka laga doodi karaa,
lagu tartami karaa, leys garabsan karaa. Sidee se aydun guul ku
gaadhaysaan haddii dhammaan la doono laba kursi.
Waa Ramadaan, oo waxa wacan in wanaag la badiyo, hardanka la yareeyo,
loo sare kaco danta guud iyo dhismaha Soomaliland oo dimuquraadi ah,
ictiraaf heshay oo calankeedu daafaha dunida balbabaayo. Waa in
nabadda lagu adkeeyaa cadaalad. Waa in caafimaad darrada iyo faqriga
lagu dedaalaa in lagu dabiibo shaqo abuuris iyo tacliin. Waa in
dalkeenu noqdaa mid gees ilaa gees isjecel isu damqada, kolba
gobalka iyo degmada gaabis la garab qabtaa. Gacmo wadajirbay wax ku
goo'yaan, ee hayna kala furin.
Fikirkeega waxaan u ahay qof. Musharax keliya oo Kulmiye ah mid hore
iyo mid dambe oo tartankiisa igala hadlay ma jiro. Ciddii qalad u
aragtaa ayeyna waxba ka cadhoon waa fikrad shakhsi aan awood
codbixin lahayn, bal se jecel dalkiisa, dadkiisa iyo guusha Kulmiye
oon u arko khayaarka maanta jira kan ugu habboon inuu qabto
hoggaanka dalkeena qaaliga ah ee Soomaliland.
Waa Ramadaan Kareem.
Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
samotalis@gmail.com
samotalis.blogspot.com
|