Sida weelka
caanaha
hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee
maxaa cunaha dhaafaaye.
********
Curuuqda maxaa kala dhex geli
cadaha hoostooda
Ma ciidaamkanaa jabinaya
cunaya dhuuxooda.
********
Inaanse cadaydo
mooyee
waxaan calalsho la'ii diidye
Caqliga yaa ka bi'in tuu
Ilaah ku cir-cadaayeeyey.
********
Cimrigayga oon
jirin
intii lagu ciroobaayey
Muga inaan cadaadaan
ka biqi Canab darteede
Cududuhu ma naxaan qofkay
talo ku ciirtaaye
|
Erayadaasi waxa ay ka mid ahaayeen, gabay ka mid aha gabayadii uu
tiriyery Cilmi Boodhari. Inbadan baa laga gabyey Caashaqa, inbadan
baa laga heesay. Inta badan heesaha sooma alida ee laxanka la
saaray waxa ay ku saabsanyihii Jacayl. Inkastoo qoraalka buugaagta
ee soom aalidu qortay ay iskaba kooban yihiin, haddana waxaaba
laga yaabaa in ay kasii xag-jiraan buugaagta laga qoray jacaylka. Ha
noqdo mid laga qoray sheeko dhab ah ama mid Ma anka laga
curiyeyba’e. Waxa laga yaabaa, in marka la maqlo buuggaasi waxa uu
ku saabsan yahay jacayl------ uu qofka soomaaliyeed yidhaahdo-----
waar, maad wax dhaanta qortid. ”Soomaalidaa caado xume, iguma
caydeene, oo ima canaanteen sidaan, cuud ka foofsadaye, waa Cilmi oo
gartiisa marsanayey IHN-tee. Jacaylku waa dhismaha Qoyska.
Adduunkuna waa qoysas sidaa darteed ” Haddii aan jacayl jirin, nolol
wanaagsani ma jirto. Waxa saldhig u ah waa jacayl. Haba kala
duwanaado, oo ninka soomaaliyeed marka uu tilmaamayo jacaylkiisa,
dee, inta badan wixii uu jeclaa buu ku metelaa, oo waa kii ninkii
gabyey lahaa ”Geeluba Ugaasooy, markuu ayda miranaayo, Abeerkiisa
naaxiyo, hadduu aaranku iswaayo, isaguba ma kala aamusee waysu
Ololaaye”.
Intaa Hordhac iyo Afeef is huwan dheh. Haatan aan u galo maqaalkan
aan ugu talo galay buugga la magacbaxay ”Hantaaqo Jacayl” ee uu
qoray qoraaga da’da yar Muuse Maxamuud Ciise (Dalmar). Buuggaagta
Afsoomaaliga ku qoran, oo beryahan danbe soo badanaya gaar ahaan
dalka Sweden, ayaa ah wax lagu farxo. Dhinac kasta oo bulshada laga
eego waxa loo baahanyahay in wax laga qoro, dhaqanka, diinta,
Aqoonta, taariikhda, fanka iyo suugaanta iyo qaar kaloo badan.
Buuggan oo aan hubo in ay dhallinyaro badani akhriskiisa isha
boobsiin doonaan. Waxa uu ku saabsanyahay Cawo iyo Cawaale, oo
barasho horteed uu xiise galay Cawo. Barasho dabadeedna jacayl uu
halkaa ka unkamay. Jacaykaa oo gaadhay heer adag oo qoraagu uu si
farshaxannimo ah inoo soo hordhigay. Jacayladdu iskuma jiraane, waa
mid uu qoraago ku hadheeyey Xakame dhaqan iyo diinba oo is
xanbaarsan oo aan lahayn hab jacayl-qalaadeedka. Laba goorba waa la
guursanayaa Cawo, oo waxa ay Marwo u noqona ysaa laba nin oo
aan ahayn Cawaale, labada midna ma ay aqalgelin. Wixii dhacay iyo
Jacaylkii Cawaale iyo Cawo, siduu ku danbeeyey waxa aan u daynayaa
buugga laftigiisa oo aan leey ahay adigaa noo faahfaahin,
laakiin, aan dul kaxaadsado qaabka qoraalka buugga.
Buuggu waxa uu qoraagu adeegsaday erayo aan adkayn oo la wada fahmi
karo. Lahjadaha Afsoomaaliga waxa uu qoraagu isku deyey in ay ka
dhexmuuqdaan. Sheekadu waxa ay dhac day ama Maancusriskeedu uu
ku beegan yahay siddeetamaadkii. Waa xilli qof ahaan aan si fiican u
garanayo. Sidaa darteed sheekadu si fiican ayay uga turjumaysaa
waayihii xilligaa jiray si guud. Waxaana xiise leh qoraagu xilligaa
imisa jirbuu ahaa.? Waxa yaab leh sida quru xda badan ee uu
qoraagu, waa Muuse’e uu innoogu soo gudbiyey Qorane ama dhigane isku
xidhiidhsan. Inta badan sheekooyinka jaadkaas ah waxa qoraaga dhib
ku noqota xidhiidhinta sheekada oo u baahan si farshaxannimo leh, oo
fududaysa fahamka akhristaha. Taasoo lagu kala fiicnaankaro, una
baahan taxaddar badan, ayuu Muuse Maxamuud buuggiisii ugu
horre eyey aan odhan karaa imtixaankaa waa uu ka gudbay. Waxa aan
leeyahay Muusoow, mar haddii kaagii ugu horreeyey kan yahay, ku
xigsii mid kale iyo mid kaleba. Kana faa’iidayso, wixii aad
waaya-aragnimo kala kulantay kan kuugu horreeyey. Qoraagu waxa uu
qoraa waxa uu xiisaynayo------ rabitaanka qoraaga isagaa xor u ah,
oo ma aha in la yidhaahdo, oo max aad u qori wayday waxaasoo
baahi ah ayaa jirta’e. Waxa aanse ku dhiirri gelinayaa qoraa kasta,
waxa uu rabo ayuu ka gungaadhi karaa oo u fudud. Qor xiisahaaga iyo
rabitaankaaga. Dabcan marmarka qaar waa ay la kulmi kartaa qoraaga
arrin uu u arko in ay muhiim tahay in uu qalinka u qaato. Taasi mar
mar waa ay dhacdaa.
Buugga Hantaaqo Jacayl, sida magacaba ka muuqata jacaylka Cawo iyo
Cawaale, wuu Han taa qayaa, waxa uu kuu danbeeyona
buugga ayaa inoo sheegi. Waxa Buugga ku jira oo qor aagu inoo
soo xulay oo geliyey, meelihii ay ku habboonaayeey, heeso caan ah oo
la qaaday siddee tamaadkii iyo wixii ka horreeyey. Hees kasta
halkii ugu habboonayd ayuu qoraagu geliyey. Mar haddii aan qoraalka
ku bilaabay gabaygii IHN-tee Cilmi Boodhari, bal aan ku soo
gabagabeeyo hees ka mid ah kuwii uu qoraagu u dooray Cawo iyo
Cawaale ee ay iyagu isu gudbiyeen. Marka guudka loo dabo, Timaha
geddefka, loo xidho, Tirsadaan gu’ qaangaadh, Gayaankoodu uu soo
baxo, Ee geedka loo baxo, wada hadasho guurtidu, Laga keeno
Guuny ada, Gacanqaadku uu dhaco, Gibladiyo Cayaaraha, La gimgimo
Arooskii, Waa gaari nolol wa can lagu soo Gardaadshee gobsanaa
Hablahayagu. (Heestaa waxa qaada Saalax Qaasin N aaji). ”Hadba
walalacdaadii, laykaa Widhwidhiyoo, Wanaag iyo kalgacal laygu kaa
wadhyeey, wehelkaygiyoow i weedhaa misee, Wahdiyoo i wiiqdee,
Socodkii wahsadayeey-----Warsan iyo Weedhsan ii soo waceey” IHN-tee
waxa qaadi jirtay Habboon Cabdillaahi.
Ugu danbeyn waxa aan leeyahay Hanbalyo qoraaga buugga qoray Muuse
Maxamuud Ciise (dal mar). Dhiirrigelintaydu waa buugaag kalena
noo qor oo ha ku joogsan kan aad ku bila wday, qal inka iyo
khadka aad ku ibo furtay, kuna gashay bahweynta qalinlayda. Dedaal
baad samaysay ee halkaa kasii kordhi. Akhristayaashana waxa aan
leeyahay dhiirri gelintu waa ay noocya ba dan tahay ee mid ama
laba jaad oo dhiirri gelin ah ku dhiirri geli qoraa kasta oo buug
soo saaray.
Nabaadiino
Qore: Sayid-Axmed
Maxamed Yuusuf-Dhegey
Sweden |
|