Shirweynihii Horumarinta Waxbarashada Caruurta Afsom aliga Kuhadasha Ee EDC ay soo qabanqaabisey Muuqaladii Xiisaha Lahaa Ee Madasha Maalintii Koowaad



 

Hargeysa (TNN)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa maanta hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ka furay shirwaynihii sanadlaha ahaa ee ugu ho reeyay ee horumarinta waxbarashada Caruurta ku hadasha afka Soomaaliga.

Shirwaynahan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda EDC, ayaa qayb-galayaashu waxa ay isaga k ala yimaadeen deegaamada Soomaalidu degto sida Somaliland, Somaliya, Puntlad, Djibouti, Jigjiga iyo NF-kenyaD.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaah Islmaaciil ( Saylici) oo isagu shirwa ynaha furay ayaa soo dhaweeeyay shirwaynaha noocan oo kale ah, kuna tilmaamay mid loo ba ahanyahay. Waxa uu madaxwayne ku xigeenku ka waramay dadaalka xukuumadiisa sanadka jirt aa ay ugu jirto horumarinta waxbarashada. Waxaanu tilmaamay in ay xukuumadu qaadya talaab ooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo waxbarashada oo ay ugu horayso in bilaash laga dhig ay dugsiyada hoose dhexe iyo aasaaska Gudida tacliinta sare ee Qaranka. Madaxwayne ku xigee nku waxa uu mahadnaq usoo jeediyay hay’ada EDC iyo kazoo qayb galayaasha dhamaantood.

Madaxada hay’adda EDC xafiiskeeda Hargeysa Dr. Khadar Bashiir Cali, oo halkaa ka hadashay ay aa soo qabanqaabisay shirwaynahan. Marwo khadar waxay ka warantay ujeedooyinka Shirw y nahan ay iskugu yimaadeen waftiyo ka kala socda dadka ku hadla Afka Soomaaliga. Sida ay shee gtay Dr. Khadar ujeedada koowaad ee shirkan waxa weeyaan sidii loo horumarin lahaa waxbara shada caruurta ku hadasha afka Soomaaliga meel kasta ha joogaane.


Waxay Dr. Khadar u mahadnaqday martisharaftak kala duwan ee ka kala yimi dalal badan oo ka mid ah caalamka, sida wafti balaadhan oo ka socday wadanka Malawi oo isagu horumar laxaad leh ka gaadhay qaabaynta siyaasadiis waxbarasho. Waxa sidoo kale ay waftiyo kala duwani ka socdeen wadamada , USA, UK, UAE iyo Djibouti.

Waxa sidoo kale furitaanka shirka ka hadlay Mr. Kent Noel oo ah madaxa Hay’ada EDC ee Geeska Afrika fadhigiisuna yahay Magaalada Nairobi. Mr Kent waxa uu mahadnaq balaadhan usoo jeediy ay dadka reer Somaliland oo siduu sheegay kala kulmay soo dhawayn aad u heer saraysa. Waxa uu xusay in ay hay’adoodu dadaal ugu jirto sidii ay kaalin laxaad leh uga qaadan lahayd horumar inta waxbarashada gaar ahaan mandaqada Geeska Afrika. Waxa uu intaas ku daray Mr. Kent in ay kulan qiima badan la yeesheen Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siil anyo oo uu sheegay in ay ka heleen dhiirigalin aad u saraysa oo ku wajahan shirkan.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Waxbarashada ayaa sidoo kale hadal mahadnaq ah kazoo jeed iyay madasha. Waxa uu Agaasimuhu ka codsaday Wasiirka Waxbarashada Somaliland inay ku ha dasho afka Wasaarada Waxbarashada.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna hadal koobaan ka jeedisay madasha waxay aad ugu mahadnaqday hay’ada EDC ee soo qabanqaabisay shir wayne ku saabsan waxbarashada, sheegtayna inay iyada si gaar ah u taabanayso maadaamoo ay tahay wasiirka waxbarashada Somaliland. Waxay sheegtay Marwo Samsam in Somaliland wax badan laga baran doono dhinaca horumarka waxbarashad.

Mr Michael O’Brien oo isagu ka socday Jaamacada HCT( Higher College of Technology) ee Isugu-taga Imaaraadka Carabta ayaa soo bandhigay marxaladihii ay soo martay waxbarashada Isuta ga Imaaraadka carabtu iyo casharada ay Somaliland ka baran karto si ay u horumariso waxbara shadeeda. Waxa uu aad ugu dheeraaday sida mudo yar oo ku siman 40 sano ay horumarka laxa adka leh ugu talaabsatay isu taga Imaaraadka Carabtu dhinacyo badan oo ay ugu horayso dhina ca waxbarashada. Waxa uu tilmaamay in siyaasada dawlada UAE ay noqotay mid ku guulaysata inay dalka kasaarto jahligii aadka u baahsanaa iyadoo fahantay Muhiimada xidhiidhada lala same eyo Hay’adaha iyo jaamacadaha waxbarashada ee caalamka. Waxa uu si gaar ah u xusay Sida dawlada Isu taga Imaaraadka Carabtu uga faaiiday Jaamacadaha Australia oo si wayn uga gaca n qabtay horumarint waxbarashadeeda.


Marka lagayimaado furitaankii shirka ayaa waxaa xiiso gaar ah lahaa Muqaladii Kalla duwanaa ee madashaasi waa Holalka Maansoor Ee Hodaale 1 iyo Hodaale 2 waa goob ay camireen bulshada inteeda ka shaqeysa Arimaha waxbarashada ahdeynoqnlaheyd jaamacado,Dugsiyo,ururo,kuliy ado.iyo wasarada waxbarashada Somaliland Hada waxaan idiin soo Gudbinayaa Muqaaladii Kalla Duwanaa Ee Madaashi Ee Ka bogo.

Shirkan oo Socon doono Muddo 3 maalmood ah ayaa waxaa xiiso badnaa in qaybaha kalla duwan ee bulshada rayidka ahi ay kusoo bandhigeen madashaasi saaka muqaalo aad ugu qurux badan.H adeynu ku horeyno xaga Jaamacadaha waxaa goobtaasi kasooa xaadireY Qaar kamid ah Jaama cadaha Magaalada Hargeysa waxaana ugu cadcadaa Jaamacada ADMAS oo Kamid ah Seddexda Jaamacadood Ee Ugu Weyn Somaliland oo goobtaasi kusoo bandhigey Bugaag,prashure Vedio Muqaalo oo lagadaawanaayey Munaasibadiihii kalladuwanaa ee Jaamacada ADMAS Mudadii ay jirtey sidoo kalle waxaa ay jaamacada Admas goobtaasi kusoo bandhigtey Bugaagta kalla duwan ee ay manhaj ahaa raacaan oo ahaa qaar qiimo badan .

Dallada Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO ayaa sidoo kalle iyadna kusoo bandhigtey barnaamij yada kalla duwan ee ay dhallinyarada somalilad u qabato waxaad arkeyse joornaalo kalla duwan oo ay kamid yahey Karti,codka dayarta oo ay Dallada SONYO kaqa qayb qaadato horumarintada Dallada SONYO. Sidoo kalle Havoyoco ,Hyda iyo urur kalle oo badan ayaa iayana kusoo bandhigey madashaasi muqaalo kalla duwan oo kusoo jiidanayaayey.

Shirkadaha markeynu unimaadno Shirkada Caalamiga ah Ee Dahabshiil Iyo Mateenteeda SOMTEL Ayaa kusoo bandhigey adeegyada kalla duwan ee ay shirkadahaasi bulshada uqabteen oo muq aal ahaa sawiro aad kusoo jiidanaayey ay ku xardhanayeen.

sidoo kalle waxaa aad kusoo jidianaayey dhirta kalla duwan ee la iskud aweeyo,buugaag manha jka waxbarashada somaliland iyo waxyaabo kalla duwan oo madashaasi kamuuqdey..



Kalla Soco Sawiro,warar iyo warbixino kusaabsan Shirkani oo aan idiinsoo Gudbino Maalmaha Soosocda..



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland