SHIRWEYNIHII AFRAAD EE XISBIGA KULMIYE UK


 

 


Waxaa shalay oo bisha february ay ahayd shan ( 5-02-12) ku qabsoomay hall-ka weyn ee Harro w Civic Centre, shirweynihii afraad ee xisbiga Kulmiye laantiisa UK.

 

London , (TNN)-Gudida qaban-qaabada shirweynaha oo lagu magacaabay, shir bishii December todoba iyo toba nkeedii ka dhacay magaalada Bristol, ayaa shan iyo afartankii casho ee udgu danbeeyey ku hawl anaa isku soo dubaridka shirkan, oo runtii ahaa mid ay ka muuqatay abaabul xoog weyn iyo bilic lagu xardhay calanka Somaliland iyo calanka xisbiga Kulmiye.


Shirweynaha ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda laamaha Kumiye UK, gudidii fulinta Kumiye UK, madax ka tirsan Xukuumadda Somaliland aanay ka mid ahaayeen; Safiirka Somaliland u fad hiya dalkan Britain Axmed Adan Cumar ( Sangoore ), Lataliyaha madaxweynaha ee arimaha dhaq aalaha, ganacsiga iyo maalgashiga Axmed Xasan Carwo, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda Maxamed Yoonis Cawaale. Waxa kale oo madasha soo buux dhaafiyey dadwey ne rag iyo dumarba leh oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo madax dhaqameedba.


Shirgudoonka shirweynaha oo ka koobnaa; Khadar Ibraahim Warsame, Ibraahim Cali iyo Cabdi Ca li Mahadi, ayaa ugu horaynba shirka ku soo dhaweeyey Sheekh Cumar Aw Cabdi oo shirka ku fur ay aayado quraanka kariimka ah.


Waxa warbixin dheer goobtaa ka soo jeediyey Faarax Xasan Jagac oo ku hadlayey magaca gudi dii qaban-qaabada shirweynaha, isagoo ka waramay marxaladihii uu soo maray qabsoomidda shir kani.


Intaa ka dib Waxa Microphone-ka lagu soo dhaweeyey Safiirka Somaliland ee dalkan Uk Axmed S angoore, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda Maxamed Yoonis iyo lataliyaha madax weynaha ee arimaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga Axmed Xasan carwo, Xildhibaan fa rxaan iyo Nuur Xaaji Xuseen . Madaxdaa ayaa dhamaantoodka halkaa ka jeediyey khudbado iyo warbixinno guud ahaan ka warramaya marxaladda dhan walba ah ee uu hadda dalku marayo.


Waxa Khudbad dheer oo taariikhi ah oo isagu jirta waxqabadkii xisbiga Kulmiye UK goobtaa ka so o jeediyey gudoomiye ku xigeenkii hore Kulmiye UK Suldaan Saciid Kabadhe, Gudoomiye ku xigee nka labaad Cabdi Bacaw, Xoghayihii hore Cabdiraxmaan, madaxii dhaqaalaha Marwo Yurub Qaalin Faarax iyo xubno kale.


Madasha ayaa waxaa lagaga dooday xeerka xisbiga Kulmiye UK, kaasi oo wax ka badal iyo kaabi sba ay ku soo sameeyey gudi loo xilsaaray, isagoo halkaasi xeerkaa lagu ansaxiyey cod aqlabiyad ah.


Waxa shirweynahaa shalay uu qabsaday xisbiga Kulmiye UK, lagu doortay gudi cusub oo ah gudi da fulinta Kulmiye UK, kuwaasoo labada sano ee soo socda hogaamin doona dhamaan hawlaha xisbiga ee UK iyo Gudi lagu magacaabay gudida mus-danbeedka xisbiga, kuwaasoo ka koobnaa waayeelka xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale waxaa goobtaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey, gudidii hore ee Kulmiye UK, kuwaasi oo xilkii xisbiga ku wareejiyey gudida cusub.


Gebegabadii shirweynaha ayaa waxaa khudbad qiimo leh ku soo gunaanaday Xasan Cali Weyd oo ka tirsan odayada iyo laf-dhabarka xisbiga, kana tirsanaa gudidii qaban-qaabada shirweynahaa.


Gudida fulinta ayaa waxaa loo doortay:


1- Gudoomiye Xasan Cismaan.

2- Ku xigeenka koowaad Xariir Xirsi.

3- Ku xigeenka labaad Aadan Jaamac.

4- Xoghaye Cali Adan.

5- Gudoomiyaha garabka haweenka Caasha Ayban.

6- Iyo sideed xubnood oo kale


Gudida mus-danbeedka ayaa waxaa loo doortay:


1- Xasan Cali Weyd

2- Faarax xasan Jagac

3- Saleebaan dirir

4- Ibraahim Carab Jamac

5- Axmed Cadarre

6- C/llaahi Cusman

 

 


Abdirizak Ibrahim Koshin (Abdirizak Alpha)
Timacade News Desk
Bristol , UK