SHIRWEYNAHA XISBIGA KULMIYE UK

 

 



 

 


Asalaamu Caleykum,



Ku: Guddoomiyayaasha Laamaha Xisbiga Kulmiye ee UK


Og: Guddoomiyaha G fulinta Xisbiga Kulmiye ee UK


Taageerayaasha xisbiga kulmiye ee UK
 


Ujeeddo: Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee UK



Guddiga qabanqaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE laanta UK ee lagu xulay shirkii ka dhacay Magaalada Bristol UK 17/12/11, waxay dhammaan ergooyinka Laamaha Xisbiga Kulmiye ee UK Iyo xubnaha marti sharaftaba ku marti qaadaysaa shirweynaha Afraad ee xisbiga Kulmiye UK oo ka dhici doona haddii ALLA idmo:
 


Harrow Civic Centre ,Station Road, London, HA1 2XF,

Maalinta Axada 5/02/2012 (Sunday 5th Febuary 2012).
Train station-ka ugu dhow: Harrow Wealdstone (Bakerloo line)
Buses: 182, 183, 140,340


................................ ......................................... ................................... ........................................


Shirweynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE UK ujeedadiisa ugu weyni waxay tahay in lagu doorto guddiga fulinta Kulmiye UK, madaama uu guddigii hore waqtigeedii dhammaaday, isla markaana lagu dardar geliyo wax-qabadka iyo hawlaha laamaha xisbiga ee magaalooyinka iyo gobolada wadanka UK.

Haddaba guddiga qabanqaabada shirweynuhu markay ka baaraan-dagtay sida ugu fudud ee uu shirweynahaasi u qabsoomayo waxay isla garteen sida soo socota:

1. In shirku furmi doono 2:00pm soconna doono ilaa 7.00pm (05/02/2012)

2. In dhammaan Laamaha Xisbiga Kulmiye ee ay soo dirtaan ergooyinkii uga qeyb geli lahaa shir weynaha afraad ee xisbiga kulmiye UK.

3. In ergooyinka laamaha ka imanaaya ay ku jiraan ugu yaraan laba xubnood oo dumar ahi, taa soo lagu xoojinaayo siyaasadda xisbiga ee ku dhisan dhiirri-gelinta in dumarku ka qayb qaataan dhismaha qaran cusub oo dimoqraadi ah.


4. Inay laamuhu soo gudbiyaan magacyada xubnaha shirka uga soo qayb galaya ugu dambayn 31/01/2012.

Waxa dhammaan guddiyada laamaha Xisbiga Kulmiye ee UK laga codsanaynaa in ay sida ugu dh akhsaha badan ugala soo xidhiidhaan guddiga qabanqaabada shirka arrimaha kor ku xusan, wa qtigana dhawraan mar haddaynu saacado kooban haysanno.
 


Wixii faahfaahin dheeraada ah fadlan kala soo xidhiidh:


Ibrahim-07983408914, Ali-07957396330, Xariir-07588570023,


Wa billaahi tawfiiq.




Guddiga Qaban Qaabada Shirweynaha 4aad UK


Qaybinta ergooyinka laamaha


 

 

LAANTA

ERGADA

West London

15

East London

15

Birmigham

15

Bristol

15

North London

10

Cardiff

10

Shieffeld

10

Liverpool

7

Southeast London

8

Miltion Keynes

5

Manchester

8

Guddiyada iyo Marti Sharaf

32
 

Total

150