Shirwaynihii 1-aad ee Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga oo Lagu Ansixiyay laba Guddi oo isburinaya iyo Gudoomiyii Ururka ee Gobolka Gabiley oo iscasilay.

 

 


Ururka Jamhuuriga ayaa Saaka Ansixiyay laba Guddi oo isburinaya oo ay ka mid yihiin labada Musharaxa Gudoomiyaha iyo ku Xigeenkiisa


Hargeisa (TNN)-Shirwaynihii 1aad ee urur Siyaasadeedka Jamhuuriga ayaa Saaka si Rasmi ah uga Furmay Hotel Xaraf ee Magaalada Hargeisa, Shirwaynahaasi oo ay ka soo Qaybgaleen erg ooyinka Goboladda ee Ururka, Madaxad Dhaqameed, Dhalinyaro iyo Taageerayaasha ururka.

Shirwaynaha Saaka oo hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee ururka Siyaasadeedka Jamhuuriga Axmed Sandoon ayaa mahadnaq balaadhan ujeediyay Ergooyinka ka soo qayb galay shirwaynaha 1aad ee ururka Jamhuuriga isaga oo sheegay in uu ku Faraxsan ayahay midawga labada urur ee Nuur iyo Jamhuuriga oo ku midoobay Magaca Jamhuuriga.

Ururka Jamhuuriga ayaa Saaka Ansixiyay laba Guddi oo isburinaya oo ay ka mid yihiin labada Mu sharaxa Gudoomiyaha iyo ku Xigeenkiisa, Wax yar ka dib markii ay Xafladu Socotay ayaa Masuu l ka mid ah ururku ku Dhawaaqay in ay Qaldanayd gudidii hore oo lagu daray labadii Masuul ee la dooranayay, Waxaana Dib loo Ansixiyay Shan Xubnood oo ah Gudiid Qaban qaabo oo kala ah.

Cumar Dheere Gudoomiye, Muuse C/laahi suween, Ibraahin Garaw, Ibraahin ismaaciil iyo Pro. Ashari.

Gudidan Cusub ayaa Buriyay isla markaana laga Saaray Xubno ka mid ah Gudidii hore oo ay ku jiraan labada Musharax ee Gudoomiyaha iyo Ku Xigeenkiisa iyo Xubin kale oo lagu magacaabo Rashiid Cumar Sheekh oo markii hore ku jiray Gudidii la Ansixiyay.

Sidoo kale Waxaa Shir Gudoonka Cusub ee Ururku Codsaday in lagu Daro Haweenay ka soo jee da Gobolka Saraar Taasi oo Cod Aqlabiyad ah lagu Ansixiyay sidaana kaga mid noqotay Gudida Qabanqaabada Shirwaynaha 1aad ee ururka Jamhuuriga.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Ururka Jamhuuriga ee Gobolka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ay aa Xilkii iska Casilay ka dib markii Buuq ka Dhashay Qaar ka mid ah Ergooyinka Gobolada oo Sah aydii loo diiday iyaga oo ku dhex daalay garabyada labadii urur ee isku Biiray oo isku tuurtuuray Sahayda Martida Gobolada ee ururka.

Shucayb Maxamed Muuse oo khadka Telefoonka kula soo Xidhiidhay Xafiiska Shabakada Warark a ee Timacade  News ,ayaa Sheegay in uu si Rasmi ah Xilkaasi iskaga Casilay, isaga oo ka cudur daa rtay inuu wax faahfaahin ah ka Bixiyo wakhtigan.

Gudoomiyaha Gabiley ee Jamhuuriga ayaa ka mid ahaa Aasaasayaashii ururka kaasi oo is casila adiisu ku noqon karto Dhabar jab wayn , maadaama oo aasaaska ururka Jamhuurigu ka unkama y Gobolka Gabiley.

Shirwyanaha ururka oo Socon Doona laba Maalmood ayaa Maalinta Barri ah loo balansana yah ay in lagu doorto hogaanka Rasmiga ah ee ururka iyada oo ay jiraan Ergooyin ka cadhooday Habsami usocodka Shirwaynaha ururka.
 



Timacade News Desk
Hargeisa ,Somaliland