SHIRKII SUBEER AWAL EE DALKA UK EE KA DHACAY MAGAALADA BRISTOL





Shir maanta (27th September 2014) lagu qabtay magaalda Bristol oo ay iskugu yimaadeen bees ha Suber Awal oo ay ka mid ahaayeen,aqoon yahanka, waxgaradka, odayaasha ,iyo dhalinyarad a beesha kagana tashanayeen danta guud iyo ayahooda mustaqbalka.

Shirkaas waxaa lagu dhaleeceeyey.dilki foosha xumaa ee labada sarkaal ee lagu dilay deeganka Qorilugud iyo siday xukuumadu u maamushay dilkaas. Waxa kaloo shirka lagu cambaareeyey hab dhaqankii dhagaraaysnaa ee dilka iyo dhaawacaba lahaa ee ciidamade RRU kula kaceen dadwa ynihii reer Gebilay ee sida salmiga ah u muujinayey dareenkooda ku saabsanaa dillkii foosha xum aa ee Qorililugud.

Shirkaas waxa lagu gudoonsadey qadobada soo socoda:

1. Shirku waxuu gudoonseday in beesha Subeer Awal yeelato guddi dhexe oo ka kooban 29 xu bnood oo fadhigood Noqdo magaalada London.


2. In guddida dhexe qabanqaabiso shir ballaadhan oo ay beesha Suber Awal ee UK ku qabsato magaalada London mustaqbalka dhow, kana soo galidoonaan beelweynta Subeer Awal ee ku Nool Uk.


3. Shirka Subeer Awal waxa utaaganyahay Marwalba, Nabadadgelyada, wadajirke iyo horumarka Somaliland waxaanu ugu baaqayaa xukumada Somaliland inay si dhab ah u fuliso balan qaadkii ah aa inay Sharciga horkeenayso gacan ku dhiiglayaashii ka qayb- qaatay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka qorilugud iyo kii Gabileyba.

Allaa mahad leh

Gudiga dhexe ee Beesha Subeer Awal (G M)

 

Maanta oo ay taariikhdu tahay 27/09/2014 waxa magaalada Bristol UK Shir isugu yimi beelweyn ta Subeer Awal, shirkaas oo beeshu isaga timi gobolada Dalka UK, waxa shirkaa looga hadlay arri mo beesha khuseeya, hadaba falanqayn dheer ka dib waxa shirkaa beesha Subeer Awal Ka Soo Baxay Qodobadan hoos ku xusan, oo kala ah sidatan:


1) In Beesha Subeer Awal ee kala degta Dalalka Somaliland Jabuuti iyo Itoobiya ee ku nool Dalka UK Laga shaqeeyo Midnimadooda iyo wada jirkooda.

2) In Beesha Subeer Awal Laga dhex xulo 29 Xubnood oo noqda Guddiga Beesha Subeer Awal ee Dalweynaha UK.

3) In sida ugu dhaqsaha badan xubnaha 29 ah ee Guddiga Beesha Subeer Awal UK ay Iclaamiyaa n Shirweyne ay isugu imanayaan Beesha Subeer Awal UK.

4) In Beeshu ka fogaato wixii dhaawac u keenaya isku duubnidooda oo ay kow ka tahay Siyaasadda iyo wixii kale ee dhibaato keeni kara.

5) In Beesha Subeer Awal markasta ay ka shaqaynayso Nabadgalyada iyo wanaag kuwada noolaanshaha Dalalka ay geeska Africa kaga nooshahay.