Shirkii Sanca oo Looga Hadlay Xaaladda Somalia
 


Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka ku jira ururka kulanka Sanca ayaa gabagabada  shirkoo da soo saaray go'aanno ku wajahan Somalia.


Sanca (TNN)-Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Sudan, Djibouti, Somalia, Yemen iyo Ethi opia oo la isku yidhaahdo dalalka kulanka Sanca ayaa isku raacay in lagama maarmaan ay  ta hay taageerada DKMG.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia Yuusuf Xasan Ibraahim ( Dheeg) oo saxaafadda u  wa rramay ayaa sheegay in la isku raacay in DKMG lagu taageero wax kasta oo looga hortagi karo kooxaha dagaalada wada.

Dalalka shirka ka soo qayb galay ayaa si wadajir ah iyo si gaar gaar ah u ballan qaaday in ay iskaasi la samayn doonaan Somalia.

Arrimaha kale ee kulankaasi looga hadlay ayaa waxa ka mid ahayd sidii loo xallin lahaa dhiba atada Budhcad badeedda.

 


Source:VOA