WAR-SAXAAFADEED

 


Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee todobaadlaha ahaa oo uu gud oominayey ku simaha Madaxweynaha Somaliland, ahna madaxweyne ku xigeenka So maliland, ayaa maanta ku qabsoomay hoolka shirarka ee madaxtooyada.

Shirkan ajendayaashiisa waxa aad uga dhex muuqday labada qodob ee ugu weyn ha dal haynta shacbiga Somaliland maalmahan oo kala ah heshiiska dhex maray dawlad da isu-tagga imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sannad guurada 25aad ee la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18-May, iyadoo lagu soo qaaday oo kale qodobo dhawra.

Dhinaca heshiiska labada dal dhex maray, waxa warbixin laga dhegeystay xubin ka mid ahayd weftiga madaxweynaha ee heshiiska la soo galay dawlada Imaaraadka oo ahaa wasiirka qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe).

Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskani uu ka baaxad weyn yahay sida la moodayo, k una koobnayn dekeda oo qudha, balse uu ka sal balaadhan yahay.

Warbixintiisa wuxu ku bilaabay wasiirku in mashruucani uu u qaybsan yahay saddex weji, kuna baxayso adduun dhan442 Milyanoo doolarsaddexda wejiba, kuwaasoo kal a ah balaadhinta iyo dayactirka dekeda Berbera, oo marka hore la xoojinayo awooda dekeda hadda jirta, iyo laba weji oo kale oo lagu balaadhinayo, jiido cusubna loogu dhisayo dekedda.

Waxa kale oo la tayeynayaa, horumarina lagu samaynayaa beeraha, xoolaha iyo Kal uunka, iyadoo dhamaantoodba waxa ka soo baxana loo diyaarinayo suuqyo lagu iibs ado oo gudaha iyo dibedaba ah. Shaqaalayn looga furo Somaliland muwaadiniinteeda suuqyada dalka Imaaraadka carabta, iyadoo dad badan oo reer Somaliland ahi ay u shaqo tegidoonaan dalkaasi. Shaqaalaha Somaliland gudeheeda ka shaqaynayana ay tababaro iyo xirfadohooda oo kor loo qaado ka helidoonaan dalka isu-tagga Imaaraa dka Carabta.

Waxa kale oo ka mida qodobada lagu heshiiyey, dhinaca tamarta oo aad looga kobcin doono Somaliland oo ay ka mid tahay korontada noocyada kala duwam laga dhaliyo sida cadceeda iyo dabayshaya. Goobo kaydka shidaalka ah oo ay ka faaiidaysan doo naan Somaliland iyo dalalka bariga Afrika oo laga hergelinayo Somaliland, goobo gana csiga xorta ah oo laga hirgelin dooono dekedda caalamiga ah ee berbera oo ay istic maalidoonaan shirkado caalamiyi ah oo imika isticmaala dalka imaaraadka carabta qa ar badan oo ka mid ahina imandoonaan soona degidoonaan Somaliland.

Waxa kale oo ka mida in dekedo kale oo ku yaala Somaliland la dhiso marka la hir geli yo dekedda Berbera dhismeheeda inta badan, iyagana dekedda kale ee Somaliland wax laga qaban doono.

Waxa intaa dheer waddooyinka isku xidha Berbera iyo Tog-wajaale oo horeba loo wa day loona yaqaano Berbera Corridor oo ay dhismeheeda ka qaybgelayaan Imaaraad ka carabtu, iyo Hoteel balaadhan oo laga hirgelindoono dalka.

Sidaa awgeed heshiiskaasi wuxuu noqonayaa heshiiskii ugu weynaa ee Somaliland i yo Caalamku wada galaan ee ka hirgala Somaliland rubuc qarnigii la soo noqoshada mdax-banaanida Somaliland, noqonna doonto faaiidadiisu mid gaadha dalka iyo dadka Somaliland, iyo mandaqada oo dhan.

Xubnaha golaha wasiiradu waxay bogaadiyeen heshiiska taariikhigaa ee weftiga mad axweynuhu hogaaminayaa ay hirgeliyeen.

Dhanka kale, waxa goluhu ay aad u falanqeeyeen weyneynta dabaaldega rubuc qarn iga 18 May ka soo wareegtay, waxana la isla gartay, insidii madaxweynuhu soo jeedi yey, la muujiyo qiimaha ay leedahay xuska May, bulshada caalamkana la tuso sida ay soo celinta madax-banaanidu uga go’an tahay ummadda, wax kalena aanay u hadhs anayn dadka reer Somaliland ictiraaf buuxa oo ay beesha caalamka ka helaan mooy aane. Taasina la barbar wado xoojinta amniga, oo sidii caadada u ahayd bulshada So maliland qof waliba halkiisa xil isaga saaro sugida amniga.

Waxa kale oo la xusay kor u qaadida bilicda caasimada oo ay ka qaybgelidoonaan sha cbiga caasimada ku nool iyo hay’adaha dawladu, kuwaasoo magaalada u qaybsaday degmooyin ay kaga hawlgelayaan kor u qaadida bilicda caasimada ka hor 18-May, iya goo ay hogaaminayaan guddida kor u qaadida bilicda caasimaddu.

Ugu danbayntii madaxweyne ku xigeenku waxa uu amaan iyo bogaadin u soo jeediy ey wasaaradda waxbarashada iyo ardayda dugsiyada gobolka maroodi-jeex oo si da rdari ku jirto maalmahan danbe uga qaybgalay qaadashada kaadhka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, isagoo isla markaana u soo jeediyey in shaqaalaha hay’adaha dawl aduna ee gobolka maroodi-jeex ay qaataan kaadhka codbixinta






ALLA MAHAD LEH

C/Raxmaan Sh Cilmi Faahiye

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland