Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta iyo Madax wey ne Rayaale oo Magacaabay Guddida Qaban qaabada 18 May

 

Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta oo salaasa ah lagu qabtay Xarunta Madaxto oyada, Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu ansixiyay qorshe cusub oo kor loogu qaadayo dalaga Beeraha Somaliland, waxa iyana Madaxweynuhu Magac aabay Toban xubnood oo ah Guddida Qaban qaabada Xuska 18-ka May.

Warsaxaafad uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani, ayaa isaga oo dhamays tiran u qornaa sedan:

:Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta oo salaasa ah lagu qabtay Xarunta Madaxt ooyada, Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu ansixiyay qorshe cusub oo kor loogu qaadayo dalaga Beeraha Somaliland

Shirkaasi oo uu gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somjaliland Muda ne Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu si qoto dheer u qaadaa dhigay qorshayaal cusub oo ku salaysan sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka Beeraha dalka Somaliland.


Qorshahaasi oo kooban qodobo kor loogu soo qaadayo dar dar gelinta wax-soo-saarka Beeraha , waxa nuxurkiisu yahay horumarinta Beeraha dalka Somaliland iyo waxyaabaha laga beero, qorshahaasi oo ay soo diyaariyeen Khuburo ka tirsan Wasaaradda Beeraha ee Somaliland oo kaashanaya hay’addo iyo aqoony ahano caalami ah, waxa Goluhu uu si wada jir ah u anisxiyay in lagu dhaqmo , maadaama ay kor u soo qaadayso horumarka dhinaca Beeraha Somaliland.


Dhinaca Kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Ray aale Kaahin, waxa uu iyana magacaabay Guddida Qaban qaabada xuska 18 May oo ah Maalintii Somaliland ay kala soo noqotay qaranimadeeda dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.


Maalintaasi oo si weyn looga dabaal dago Somaliland dibad iyo gudaba, waxa Guddidaasi ay isku soo duba ridi doonaan Xafladaha iyo Munaasibadaha lagu xusayo maalintaasi qiimaha iyo qadarinta ka mudan Bulshada reer Somaliland Guddo iyo Dibadba.


Guddidaasi oo uu Gudoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali Cirro, waxa ay ka kooban yihiin Toban xubnood”

SN