Shirkii Golaha Dhex Ee Xisbiga UDUB Oo Lagu Doortay Mus haraxiinta
Madaxwaynaha Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka
Xaaji Cabdi Waraabo oo ah Mudanaha ugu da’da weyn Golaha
Baarlamaanka..........
Hargeysa (TNN) - Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaradka ah
ee UDUB ayaa maanta ka qabsoomay Hotel Ambassador ee Magaaladda
Hargeysa, halkaas oo ay ka soo xaadireen 105 Xubnood ka mid ah
Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga.
Shirweynahan ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga UDUB
Daahir Rayaale Kaahin, Xubnaha Golaha dhex, Guddida fulinta
Xildhibaanka ugu da’da weyn Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland Xaaji
Cabdikariim Xuseen Yuuufu (Xaaji-Cabdi Waraabe) iyo Marti sharaf
kale.
Xaaji Cabdi Waraabo oo ah Mudanaha ugu da’da weyn Golaha
Baarlamaanka Somaliland oo Shirwkaas ka hadlay ayaa ka waramay
taariikhdii hore ee gumaystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, wakhtigii
ay dawladdii Somalia burburtay iyo waayo badan oo uu u joogay,
waxaanu xisbiga kula dardaarmay in aanay buuq iyo aflagaado ku galin
Doorashada ee ay noqdaan Xisbi si degan ku gala olola Doorashooyinka,
maadaama oo Xisbigani yahay Hooyadii Xisbiyada Somaliland.
Musharaxa Madaxweyne Doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga UDUB Cali
Maxamed Waran-cadde oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay Taariikhada
Xisbiga UDUB iyo Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, waxaana
hadalkiisii ka mid ahaa “Xisbiga UDUB waa Xisbi Da’ weyn oo
waayo-arag ah Hormood-na u ah Xisbiyada iyo Ururada Dalka ka furmay
waan Xisbigii hir-geliyey dhismaha Qaranimo ee Dalkan, waxaana
aasaasay fikradiisa-na lahaa Madaxweynaheenii qaaliga ahaa ALLE ha u
naxariistee Maxamed X. Ibraahim Cigaal waana Xisbigii lagaga guuray
Qabiilka, hirgaliyey-na in Dalku u guuro Nidaamka Axsaabta badan,
waxaana ka dib Hogaanka u qabtay oo majaraha halkii ka sii waday
Madaxweynaheenii hore ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale
Kaahin oo hir-geliyey dhamaystirayna dhamaan Doorashooyinkii Dalkan
ka dhacay oo runtii ahayd arrin aad u adag, hase-yeeshee wuxuu ku
guulaystay inuu Dalkan u gudbiyo Nidaam Dimuquraadi ah”
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UDUB Axmed X. Daahir ayaa
Ergadii codkoos siiyey u mahad-naqa, waxaanu sheegay inay hawsha
xisbiga iyo dardartiisa ay bilaabi doonaan.
Madaxweynihii hore ahna Guddomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale
Kaahin oo halkaas ka hadlaya ayaa sheegay in haddii Xisbiga UDUB
laga guulastay ay maanta Umaddu u baahan tahay, waxaanu yidhi
“Xisbiga UDUB haddii Shalay Doorasho lagaga guulaystay maanta
Dadweynuhu UDUB-bay dib u raadinayaan, UDUB hadday dhaawacyo
yar-yari soo gaadheen wey ka soo kabanaysaa haddii ILAAHAY yidhaahdo
Dadweynaha-na waxaan leeyahay Ragaa maanta la sharaxay inay la
shaqeeyaan UDUB-na waxaan u rajaynayaa inay mar dambe talada Dalka
ku soo noqoto, waayo Dadka ayaa u baahan”
Md. Rayaale oo hadalkiisa sii wata, waxa u yidhi “Waxaan leeyahay
Nin tagay oo UDUB ka tagay iyo Nin kale waxba ka sheegi-maayo
Xisbiyadu wey iska guur-guurayaan, waxaanu nahay saddex Xisbi maanta
waxa u taagan sagaal, saddex-da Xisbi bay ka farcameen meel kale
kamay iman UDUB-na waxaan leeyahay Jagooyinka aan la magacaabin
waxaan ku soo dhaweynaynaa oo aan ku Marti-qaadaynaa Ururada
wada-hadalku noo socdo ee ku soo biiri-doona Xisbiga UDUB, waxaanan
halkan kala dar-daarmayaa Musharixiintan in aad si adag ula sii
balan-taan Goboladda cidii ka timid Qawl-cad aad kala gashaan oo aad
u Diyaar-garowdaan sidaad u dhisi lahaydeen Goleyaasha Deegaanka
Wakhtiga ugu dhakhsaha badan ILAAHAY waxaan ka rajaynayaa in guul
arrimaheenu markasta ku dhamaadaan”
Shirweynahan ayaa wax ka bedel lagu sameeyey Xeerarkiisa, waxaana
lagu soo kordhiyey inuu xisbigu yeesho ku xigeeno, isla markaana
gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Axmed Yuusuf Yaasiin oo dhowaan
sheegay inuu xilkii xisbiga uu iska casilay golaha cod looga qaaday
in laga aqbalo, halkiisiina lagu bedelo xubno kale oo buuxin doonna,
taasna waa laga aqbalay.
Khalid Xabsi
Timaacde News Desk
haashim555@yahoo.com
|