Shirkado soo bandhigay lacago kala duwan oo ay ku doonayaan Iibka xarunta Wasaarada Duulista




Hargeysa (TNN)- GudIdda Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta furan madal balaadhan ugu soo bandhigay iibka dhulka iyo dhismaha xarunta wasaaradda Duulista Hawada oo la iibinayo si ay xarun cusub u dhistaan.

Xafladii loo sameeyay naadinta iibka xaruntan oo lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha waxa ka soo xaadiray dhawr shirkadood oo ka mid ah daneeyeyaasha iibka xaruntan.

Waxa kale oo goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku xigeenka Ha’yada la dagaalanka musuq ma asuqa, Qareenka guud ee qaranka iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

Agaasimaha guud ee gudida qandaraaska qaranka Maxamed Cabdi Bulaale oo ugu horeyn halkaasi ka hadley waxaa uu yidhi “maanta oo ay bishu tahay 15/11/2011 waxaan furayna a qandaraaska xarunta wasaarada duulista iyo hawada , dhulka iyo dhismaha ku yaala fara s magaalaha Hargeysa xaruntan markii la damcay in la iibiyo gudida qandaraasyadu waxay u samaysay baahin ay ku qortey dhamaanba warbaahinta kala duwan sida Tv-yada iyo jo ornaalada ee dalka ka jira si loo ogaado cidii danaynaysaa si furan oo maxaliya uga soo qa yb gasho loona sugo cadaalada iyo ka qayb galka iibka loo siman yahay ee hantidaa ma gu urtada ah ee dowladu iibinayso .”

“Iintaa ka dib waxaan baahinay waqti 15 casho ah mudadaa waxaan ugu tallo galnay in ay noqoto muddo looga bogto oo lagu ogaado oo qofkii danaynayaa uu fursada u helo si uu uga qayb galo oo foomamka la qaadanayo ee aan u samaynay u soo buuxsado,”ayuu yidhi Agaasimaha qandaraasyadda qaranka.

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gudida qandaraayada qaranka Aadan C/laahi Xasan (Nugaal) waxaana uu yidhi “Waxaan iskugu nimi in aynu furno qandaraaskii dhulka ama dhismaha ay wasaarada duulista iyo hawada ay hore ugu jirtey ama ay hadaba ku jirto oo la gartay in laga guuro oo meel kale loo dhiso. taariikhdii dhismahan waxa la dhis ay bari hore waxaana loo dhisay shirkadii Somali Airline bariig aan isku jirney soomaliya oo dhan ay aheyd dowlada diyaaradihii la odhan.”

Guddoomiyaha Guddida qandaraasyadu waxa uu ka hadlay qodobada sharciga ah ee u jida ynaya inay faasaxaan dhulka iyo dhismeyaasha dawlada waxaanu yidhi “Waxaad maqli jirt een dhulbaa la kala iibsadey ,dowladu dhul bay lahayd oo la iibiyay taa waxba u gali maayo xaruntan ayaan u iibinaynaa si sharciya, waxaan u haysanaa qodobo sharciya oo ay ka mid yihiin qodobka 12-aad ee dastuurka qaranka oo dhigaya, dhulku waa hanti guud oo ka dha xeeya ummadda masuuliyadeediisana dawlada ayaa leh. xukuumadu waxay awood u leedahay Gacan ku haynta hantida ma guurtada ah, iibkooda iyo kirayntoodaba.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay madashan ay ku soo marti qaadeen masuuliyiin ka tir san Ha’yada maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa si ay goob joog ugu ahaad aan in sifo sharci ah loo maray iibka xaruntan.

Waxa kale oo shirkaasi lagu soo bandhigay shirkado kala duwan oo danaynaya iibka dhisma han kuwaasi oo lacago kala duwan doonaya inay ku iibsadaan waxaanay soo bandhigeen lacagahan hoos ku qoran:-
 


Telesom $ 650,351,0.99
Faysal Cabdi Xasan $650,000
Maxamed Xuseen Axmed (indho birta) $ 800,000
Raho form factor $ 451,999,0.99
 

 

 


Source: Somaliland.Org