Shirkadii Shidaalku Waxay Dalka Uga Baxday Maamul Xumada Ka Taagan Wadankan

 


Hargeysa (TNN):-Afhayeenka madasha wadatashiga Mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (D hagaweyne),ayaa golaha baarlamaanka ugu baaqay inay talaabo cad ka qaadaan baadhitaan ada arimaha shidaalka iyo madaarka Hargeysa,waxaanu xukuumada ku dhaliilay maamul xumo baahsan isaga oo u soo jeediyay in laga sugaayo inay ka jawaabaan 16-kii qodab ee loo soo jeediyay.

Sida oo kale waxa uu mujaahid dhagaweyne madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay xadhig ka jar ista mashaariicda yar yar ee ay maayarada degmooyinku ay qabteen,isaga oo ku tilmaamay in aanay mudnayan wax lagu faano ee wax qabad ay dadku ka sugayaan xukuumada.waxaan u ugu baaqay in ay muhiim tahay in adeegyada biyaha iyo naadaafadu ay kaw ka yahiin in la ga taageero caasimada iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Mujaahid Dhagweyne waxa uu sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu kula hadlaayay warbaahin ta waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “lixyo tobankii qodob ee aanu soo jeedinay wali waan u sugaynaa jawaabtoodii, waxa weeyaan umadan iyo qaranka waa dhibaato haysata, dhibaa tadaasna waxaanu leenahay ha laga jawaabo ilaa maantana wax cad iyo meel layska taagay ma jirto,su’aashilihiina wali halkii ayey yaalaan.Waxa jira weriyayaal xidhan, saxaafadana wax aanu leenahay ha loo ilaaliyo madaxbanaanidooda xorbay u yihiin sharcigeenuna wuu qoraya a, saxaafada wadankuna waa waxa kaliya ee aynu runta ku garanaynaa, ma lihi khalad ma la ha laakiin way dhici kartaa khaladkoodana sida uu sharcigu yahay ha loo toosiyo,laakiinse in maalin walba layska xidhaa iyada oo aan khaladba lagu hayn waa warba ha sheegin taasi, had aa ma waxay noqotaa sida idaacadeenan u eeg tii aynu ku sheegi jirnay ninkii aynu ridnay, w axaanu leenahay saxaafaduna madax banaanideda xaq ayey u leedahay umadana waa inay ka jawaabtaa oo ay tidhaahdaa waa in saxaafada gardarada laga daayaa.Shirkadihii shiidaalk a waxa lagu eedaynayaa bixitaankooda mucaaridka, hadyo jeerna wixii la garan waayo iyo wi xii ay kharibaan ayey ku eedeeyaan mucaaridka,waar mucaarid ismay arag wixii ay u qoreena ha la soo bandhigo, shikadii shidaalku waxay ka tagtay maamul xumo ka taagan wadankan, sh arcigiina ha la dhamaystiro oo baarlamaanka ha loo geeyo.


Mujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen Dhagaweyne waxa uu ka hadlay hadal ka soo yeedhay wasirka macdanta iyo tamarta oo sheegay inuu baarlamaanka ku tilmaamay mid aan khusayn heshiisyada wasaaradiisa waxaanu yidhi “wuxu maalin hore wasiirka macdantu yidhi aniga baarlamaanku ima khuseeyo maalin danbana xaal ayuu ka bixiyey, adigu waxaad ku fadhidaa sharciga baarlamaanka markii lagu hor geeyey ee ay ku ansixiyeen, haday shirkad tahay iyo wax kasta oo wadankan ka socda haddii aan la horgayn sharciga oo aan baarlamaanka laga ansixin intii uu qorayey in la hor geeyo ma soconayso, distoorkeenuna waxa uu leeyahay hes hiis kasta oo caalamiya oo la galo waa in la hor geeyaa baarlamaanka malaa wali maad akhriyin distoorka dalka,sharciga adiga ku keenay meesha ayaa iyagana xaq u siiyey in la hor keeno heshiisyada,baarlamaankana waxa looga baahan yahay wixii dhacay waa in talaabo cad laga qaadaa oo guddi qaran loo saaraa, cidii sharciga ilaalin lahaydna waa idinka.”


Mujaahid Dhagaweyne waxa kale oo uu ka hadlay wadooyinka hadyo jeer masuuliyiinta dawl ada Dhexe xadhiga ka jaraan isaga oo sheegay inay tahay shaqadii maayarka caasimada iyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee caasimada waxaanu yidhi “Wadadan yare e magaalooyin ka laga dhex sameeyey waa shaqadii maayarka waana lacagtii dadka ee samada kamaad keenin mana noqonaysa faan iyo wax qabad,qof walibana shaqadiisa ayuu ka soo baxayaa, waxyaalaha la furayey ee aanu aragnay waxa ka mid ah garoonka diyaaradaha hadaba ma shaqaynayaa mise ma shaqaynayo taana waxaan waydiinayaa reer Hargeysa, haddii uu shaqayn waayana waxyaalaha meesha ku jira aynu is waydiino.Waxyaabaha aan la yaabay waxa ka mid ah in la sheegay in Barbara laga furay xafiiskii kastamka oo ah kii Ingiriisku ka tagay ee la dhisay Afartamaadkii oo inta nuurad la mariyey ayaa la yidhi waa xafiiskii kast amka oo la furayo, cusbitaalka degmada Sheekh waxa la dhisay 1964 mana shaqaynayo ilaa hada oo wax hoos yaala ma jiro, AC-Burco waa markii sadexaad ee la dhagax dhigo wax mashruuc lagu tilmaami karo waa garoonka diyaaradaha iyo dhakhtarka iyo Institute-kaas haddii shaqeeyo waana sidiisii waana qabyo bilaa jiingad ah, waxaanan leeyahay khaladka wadankan yaala ha loo badheedho oo ha la saxo ama waxann inay ku gar helaan waxaanan u baahanahay inay noo garqaadaan,maamul xumada wadankan taalana waa tii shirkadihii ka yaaceen waa inuu baarlamaanku baadho,maqasna lala carari maayo.”

Source: Geeska