Shirkadda Telesom oo Qalab Computer-ro ah iyo Mishiin laydh ugu
Deeqday Jaamacadda Timacadde ee Gobolka Gabiley
Gabiley(TNN)-Shirkada Isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom ayaa
maanta qalab deeq ah oo ka koob anaa 10-computer iyo hal mashiin dab
dhaliye ah oo 20-KV ah ku wareejisay Jaamacada Gobolka Gabi ley ee
Tima-Cadde University.
Munaasibadani ay shirkada Telesom qalabka ku wareejinaysay oo lagu
qabtay Hoolka Jaamacada Tim a-cadde ee magaalada Gabiley ayaa
waxaa ka soo qayb galay badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley Cali
Cabdi C/laahi (Cali Case) masuuliyiin ka socday shirkada Telefoonada
ee Telesom oo uu ka mid ah aa Madaxa Suuqgaynta iyo Xidhiidhka
Dadwaynaha Maxamed Isaaq Cilmi,Madaxa shirkada Telesom ee Gobolka
Gabiley sheekh Maxamed Muumin Aadan, maamulka iyo macalimiinta
jaamacadaasi iyo sidoo kale Culimada,cuqaasha iyo aqoonyahanada
Gobolkaasi Gabiley iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyaha Jaamacada Timacadde Dr. Cismaan Aw Yuusuf Magan oo
halkaasi ka hadlay ayaa kaga gudoomay deeqda waxbarasho ee shirkada
Telesom ugu deeqday d Timacadde, waxaanu ka warram ay baahida
ay u qabeen qalabkaasi loogu deeqay isagoo sheegay inay baahida
jaamacada qayb wayn ka dabooli doono.
Dr. Cismaan waxaa kale oo uu shirkada Telesom ku amaanay sida hagar
la,aanta ah ee ay uga qayb qaataan horumarka waddanka, isagoo wakiil
ka ah maamulka, macalimiinta, iyo ardayda jaamacadaasi waxaa uu
halkaasi ka balan qaaday inay qalabkaasi uga faa,idayn doonaan sidii
loogu talo galay.
Cismaan Awyuusuf Magan sharaxayay Qalabka ay shirkadu ugu deeqday
Jaamacada ayaa waxa uu yi dhi "waa qalabkaasi deegda ah ee ay
shirkada Telesom ugu deeqday Jaamacada Tima-cadde,deeq aasi waxay ka
kooban tahay 10-computer iyo hal mishiin laydh ah,shirkada Telesom
waa shirkadii ugu horaysay ee noogu deeqda qalab wax barasho ,waxaana
hubaal ah in ay baahida jaamacada qayb wayn ka dabooli doonaan
qalabkaasi,waxaan aamin sanahay in ay shirkada Telesom hor u mar
balaadhan ka gaadhay dhinaca isgaadhsiinta,waxaa kale oo aynu
ognahay in ay shirkada Telesom ay markasta mashaariicda hor u
marinta ee wadanka si hagar la'aan ah uga qayb qaadato,mar ka hore
Ilaahay baa mahad leh marka labaadna iyagaa mahad leh,aniga oo ku
hadlaya magaca maamulka,ka macalimiinta iyo ardayda jaamacada
Tima-cadde waxaanu ku balan qaadaynaa in aanu qalabkaasi wax barasho
ee ay shirkada Telesom noogu deeqday in aanu sida ugu haboon uga
faa'iidaysano Haddii Alle yidhaahdo,mar labaad iyo mar saddexaadba
waanu u mahadnaynaa shirkada Telesom waxaanu leenahay Illaahay ha
idinka jasaa;i siiyo hawshana halkaa ka sii wada" ayuu yidhi dr
magan.
Madaxa suuq gaynta iyo xidhiidhka dadwaynaha u qaabilsan shirkada
Telesom Maxamed Isaaq Cilmi ayaa isaguna halkaasi ka hadlay ayaa
sheegay inay maanta ku wareejinayaan jaamacada Timacade mishiin kuwa
laydhka shida ah oo Toban KVA ah iyo toban kombuyuutar.
Maxamed Isaaq Waxaa kale oo uu ka waramay taariikhdii shirkada
Telesom iyo sida ay markasta diy aarka ugu yihiin inay ka qayb
qaataan barnaamijyada arimaha bulshada, isagoo odayaasha reer Gabil
eyna ku amaanay kaalintii ay kasoo qaateen wakhtigii la aasaasayay
una sheegay inay reer Gabiley ka mid yihiin dadka hantiilayaasha
shirkada ugu badan.
Maxamed Isaaq waxaa kale oo uu sheegay inay shirkad ahaan ka go,an
tahay inay wixii ay ka heleen diyaar u yihiin inay qayb kusoo
celiyaan, markasta iyo goostana ay sii xoojinayaan adeegyada cusub
ee bulshada reer Somaliland u sahlaya nolol maalmeedkooda.
Madaxa suuq gaynta iyo xidhiidhka dadwaynaha u qaabilsan shirkada
Telesom Maxamed Isaaq Cilmi waxaa ka mid ahaa hadalladiisa "runtii
anaga waxaa farxad aad iyo aad u wayn noo ah,goobtii ugu mudnayd
dalka oo aanu maanta jaamacada ku guddonsiinay 10-computer iyo
mishiin wayn oo ah 20KVA ah,shirkada Telesom iyo Gobolka Gabiley way
isku badhaadheen sidaa uu sheekh Ciise sheegay,anaguna shirkad ahaan
reer gabiley waxaa naga dhaxaysa wada shaqayn wakhtigii ay shirkadu
soo degaysay iyo ilaa maanta aynu shaqada wada hayno,anagu
dhinacayaga waxaanu hidinka sheegaynaynaa waa mahad".
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "marka laga tago adeega
ay shirkadu qabato waxaa jira shaqaaale ka soo jeeda gobolka oo aan
ku qiyaasi karo ilaa 30 qof ama ka badan ayaa waxay ka shaqeeyaan
Gobolkan,waxaan doonayay maanta mar haddii ay halkan joogaan
odayaashii reer gabiley,marar badan waxaad idaacadaha ka maqasheen
shirkada telesom runtii dadka gobolkani waxaa ka soo jeeda ama uu ka
mid yahay kuwa ugu badan ee leh shirkada Telesom,dad gabiley ka maal
gashaday,dad wajaale ka maal gashaday iyo kuwo badan oo Hargaysa ka
maal gashaday. runtii weliba waxaan ogahay qaar ka mid ah
ganacsatada ugu waa wayn ee ka soo jeeda gobolkani shirkadan qayb
ayay ka yihiin oo dadka hantiileyaasha ah ayay ka mid yihiin,marar
badan ayaa waxaad maqashaan cid akle ayaa leh waxba kama
jiraan,runtii manfaca ay shirkadani Somaliland u leedahay wuu badan
yahay,waxaa si toos ah uga shaqeeya ilaa 9000.qof,waxaa kale oo ay
shirkadani hor mood ka ahayd xaga isgaadhsiinta iyada oo aynu
go'doon ku jirno ayay telesom dalka timid,waxaan doonayay in aan
odayaasha halkan uga sheego xaga shaqaalaha marka la eego in aad
tihiin dadka hantiileyaasha ah,boqol qof ku dhaw-dhaw oo dadka reer
gabiley ah ayaa daadka shirkadan leh ak mid ah". Ayuu yidhi.
Badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Case oo munaasibadaasi
hadal kasoo jeediyay ayaa ugu horayn si aada ugu mahad naqay
shirkada isgaadhsiinta Telesom kaalmada fiican ee markasta ka
gaystaan guud ahaan gobolada dalka Somaliland gaar ahaana dib u
dhista iyo horumarinta gobolka Gabiley.Badhasaab ku xigeenku waxaa
kale oo uu shirkada Telesom ku amaanay inay caan ku tahay kusoo
celinta shacabka ay ka ganacsadaan oo ay inta badan kala qayb
qaataan dib u dhiska dhinacya a kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xusay
in barnaamij kastana laga dhex arko shirkadaasi oo ka qayb
qaadanaysa.
Badhasaab ku xigeenku waxaa kale oo uu shirkada Telesom ku sheegay
inay tahay shirkada ugu wanaagsan dhinaca shaqaalaysiinta shaqaalaha
sidoo kalena ugu shaqaalaha badan dalka oo dhan , isagoo sheegay in
shirkadani hore ugasoo qayb qaadatay horumarka gobolka Gabiley,
shirkadaha kale ee wadanka ka ganacsadana waxaa uu ugu baaqay inay
sidaasi Telesom oo kale wax kusoo Celiyaan.
iif Caaqil Cabdi Ciidle Amaan iyo Caaqil Aw Ciise Gacanloo ayaa
iyaguna labadooduba ka waramay kaalinta shirkada isgaadhsiina
Telesom ku leedahay gobolka Gabiley iyagoo uga mahad celiyay deeqda
ay maanta jaamacada ugu deeqeen iyagoo sheegay inaanay odayaashu
bixin kareen hadii aanay maanta jirin shirkada Telesom.
Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Gabiley Somaliland
|