Shirkadda Oomaar oo Deeq Raashin ah Ciidal Fidriga u qay bisay
Xarunta Agoomaha, Sahan iyo Cisbitaalka TB-da

Hargeysa(TNN)-Shirkadda Oomaar ee Jaamac Oomaar, ayaa shalay Deeq
Raashin ah oo isugu jirt a Daqiiq,
Bariis, Saliid iyo Caano ku
wareejisay Xarunta Agoomaha Hargeysa,
Xarunta Dhimirka ee Sahan iyo
Cisbitaalka TB-da ee Hargeysa.
Maxamed Xuseen Berberaawi oo Deeqdaasi ku wareejiyay Masuuliyiinta
Xarumahaasi ayaa shee gay Shirkadda Oomaar
sanad kasta Deeqdan oo
kale siiso dadka danyarta ah iyo xarumaha lagu xanaaneeyo si
Munaasibada Ciidal Fidriga ay ugula Ciidan Bulshadooda iyagoo
faraxsan.
Maxamed Berberaawi waxa uu sheegay shirkadda Oomaar inaanay ku
koobnayn oo kaliya maal maha Ciida ee markasta oo ay Xarumaha sida
Agoomaha oo kale ay wax uga baahdaan uu Mulki ilaha Shirkaddu si toos
ah u siiyo isagoon xilli ku xidhin.
Caasha Maxamud Qaalib oo ah Agaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa oo
Deeqdaasi ka guddo ontay Shirkadda Oomaar ayaa mahadnaq balaadhan u
dirtay Mulkiilaha Shirkadaasi oo mar walba ka ajiiba baahida
Xaruntooda gaar ahaan wakhtiyadda ay jiraan duruufaha Adagi,
waxaanay she egtay Deeqdan maantu inay tahay mid balaadhan oo
Carruurta yar yare e ay hayaan ka firxina ysa Maalmaha Ciidal Fidriga.
Bashiir Maxamed Jaamac oo ah Agaasimaha Xarunta Dhimirka ee Sahan oo
Deeqdaasi ka guddo omiye Berberaawi ayaa sheegay xaarunta Dhimirku
inay tahay meelaha ugu Jilicdasan ee loo ba ahan yahay shirkadaha
Ganacsigu inay maalmaha Farxadda ah siiyaan wixii Caawimo ah ee ay u
heli kraan, waxaanu Shirkadda Oomaar uga mahadnaqay sida ay markasta
iskaga xil saarto inay mudnaanta siiso xaruntooda, isagoo ilaahay
uga beryay inuu ka abaaliyo oo uu ugu bedelo meeshii ay ka soo
baxday in ka badan.
Cisbitaalka TB-da oo iyana lagu wareejiyay Deeq la mid ah ta labada
Xarumood oo kale la soo sii yay ayaa shirkadda Oomaar uga mahadnaqay
sida ay u xustay dadka Bukaan jiifka ah ee Waadh adhka yaala,
waxaanay sheegeen in shirkaddu kaalin weyn ku leedahay taakuladda
Bulshada ree r Somalilanad ee Jilicdasan.
Deeqda ay shirkadda Oomaar ku wareejisay xarumahaasi ayaa dhamayd
300 oo kiish oo Bariis ah, 300 oo kiish oo Daqiiq ah, 80 Jirikaan oo
min labaatan qaad ah oo Saliida iyo 50 kartoon oo Caano ah
source:waaheen
|