Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL oo Bandhig Ballaadhan ku Daah-furtay Muuqaalkeeda Cusub ee Rasmiga ah

 



La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada Mr. Cabdi Najax Siyaad oo ka mid ahaa dadkii halkaas



Hargeysa (TNN)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL, ayaa muuqaal ama astaan cusub oo qaad atay ku daah-furtay munaasibad ballaadhan oo ka dhacday xalay huteelka Maansoor ee magaa lada Hargeysa.

Xaflad si qurux badan looga shaqeeyey bilicdeeda iyo martisharafta lagu casuumayba, kana qa ybgaleen masuuliyiin dawladda ka tirsan oo ay hormood u ahaayeen wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka, Ganacsiga, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Dii nta iyo Awqaafta, madaxda shirkaddaha Dahabshiil Group, masuuliyiinta sarsare, farsama yaqa annada iyo shaqaalaha shirkadda SOMTEL, madaxdhaqameed kala duwan, aqoonyahan iyo mar ti kale oo badan, ayaa lagu shaaciyey muuqaallada iyo midabada ay ka kooban yihiin astaan c usub oo shirkaddu gaar u yeelan doonto.

Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Somtel Mr. Khadar Cabdiraxmaan Cabdillaahi oo ugu horreyn xafladdaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddadeeda oo uu sheegay inay tahay baahinta iyo soo bandhigidda muuqaalka cusub shirkaddu ku baahin doonto calaama ddeeda hadda wixii ka dambeeya, taas oo ka kooban muuqaal midabkiisu huruud yahay oo dh exda ku leh bar madow oo uu ku xardhan yahay magaca iyo tilmaamaha shirkaddu leedahay.

Madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo warbaahinta ee shirkadda Dahabshiil Mr. Xasan Maxamed Jaamac (Xasan-xiis), ayaa iftiimiyey ujeeddada laga leeyahay muuqaalkan cusub, waxaannu yi dhi, “Muuqaalkani cusub ee aynu caawa xafladan ku soo bandhigaynaa waxa uu noqon doonaa mid qaybaha kale ee ay shirkadda Dahabshiil Group ka kooban tahay ay kaga duwanaan doo nto.”

“Shirkad kasta oo caalamka ka jirtaa waxay leedahay sumad u gaar ah, markaa waxaan filayaa caawa wixii ka dambeeya inaad garan doontaan inay muuqaalladani yihiin sumadda gaarka ah ee Somtel,” ayuu yidhi Xasan-xiis.

Maareeyaha shirkadda SOMTEL Eng. Cawil Saalax Cabdi, ayaa isna sheegay inay soo kordhin do onaan qaybo kale oo raaligelin doonta macaamiisha reer Somaliland, “Waxa ka mid ah waxayaa baha kale ee aannu idiin soo wadno oo aan rajaynayo inaad ka faa’iidaysan doontaa barnaami jka la yidhaado Hage ama Jiheeye oo gaar ahaan ay dadka qurbaha ka imanayaa si weyn uga faa’iidi doonaan,” ayuu yidhi Cawil Saalax Cabdi.

La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada Mr. Cabdi Najax Siyaad oo ka mid ahaa d adkii halkaasi ka hadlay, ayaa ku ammaanay shirkadda SOMTEL sida ay u garab istaagto bulsha da waqtiyada baahiyuhu jiraan oo aanay kala bakhaylin wixii ay helayso.
“Taariikhda ayaa qori doonta wixii aad bulshada u qabateen, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu idinka abaalmariyo,” ayuu yidhi Mr. Cabdi Najax.

Waxa kale oo xafladdaasi ka hadlay Suldaan Daakir Xasan Aw-khaliif, waxaannu yidhi, “Wadda mada kale lagama yaabo adigoo dariiqa maraya inaad moobiligaaga ka isticmaasho internetka, balse Somtel waxay u sahashay dadkeennu inay meel kastaba ku isticmaalaan internetkooda iyagoo adeegsanaya moobilladooda gacanta iyo weliba kombiyuutarraba.”

Sidoo kale, salaadiin ay ka mid yihiin Suldaan Aadan Faarax iyo Suldaan Jaamac oo iyaguna halk aasi ka hadlay, ayaa uga mahadnaqay shirkadda Somtel doorka ay ku leedahay dalka ee horum arka iyo caawimadaba leh.


Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku bogaadiyey shirkadda Somtel astaanta cusub ee ay qaadatay oo uu ku tilm aamay mid muuqaalkeedu aad u qurux badan yahay, isagoo u rajeeyey inay guul ku gaadho.
Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Cilmi Geelle, ayaa hamb alyeyn iyo bogaadin shirkadda Somtel kadib waxa uu sheegay in siyaasadda dawladda ay ka mid tahay inay hirgeliso horumarka isgaadhsiinta.


“Shirkadda Somtel waxaan hubaa meelkeedu meesha uu ka soo jeedo inuu yahay Dahabshiil, waxaannad Dahabshiil uga barateen daacadnimo, adeegga hufan iyo daacadnimo ayaan hubaa inay Dahabshiil halkaa ku soo gaadhay Somtel-na waxaan Ilaahay uga baryayaa inay gaadho meesha ay Dahabshiil maanta caalamka ka gaadhay,” ayuu ku soo gabogabeeyey hadalkiisa Wasiir Cali Cilmi Geelle.
 

 



Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland