Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee SOMTEL oo soo ban dhi gtay Adeega 3G oo si toos ay isku arkayaan Dadka wada hadlaya

 



Hargeysa (TNN) Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL ayaa dalka keentay adeeg Casri ah oo sarre u qaadaya tayada adeegga hawlaha Aaladda Internetka kaasi oo wax badan kaga duw an dhinaca xawaaraha Adeegyadii hore looga isticmaali jiray dalka Somaliland.

Xaflad balaadhan oo maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee Shirkadda ee magaalada Hargeysa, ayaa saraakiisha Shirkaddu ku soo bandhigeen adeegga qalabka cusub oo magaciisa layidhaado FAST 3G SERVICE, sida ay sheegeen Saraakiisha Somtel qalabka FAST 3G SERVICE-ku waxa uu leeyahay xawaare ka dheereeya wixii horey dalka looga isticmaali jiray, waxa kale oo ay Shirkadda Somtel soo kordhiysay adeegga maqalka iyo muuqaalka oo dadka wadahadlayaa u suuto galinaya inay iska daawadaan shaahadaha Telefoonada ay ku wadahadlayaan taasi oo aan hore dalka uga jirin.

Ugu horeyn waxa shirkaasi Jaraa’iid ka hadlay Madaxa Hawlgalada shaqada ee Shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi waxaanu sharaxaad ka bixiyey qalabka adeegga 3G-ga iyo siyaabaha uu u shaqeeyo waxaanu sheegay inaanay ahayn markii ugu horeysay ee ay dalka keentay Shirkadda Somtel waxaanu sheegay inuu yahay mid u wanaagsan caafimaadka deegaanka iyo dadkaba marka loo eego noocyadda kale ee Technology-yadda caalamka.

Cawil Saalax Cabdi waxa uu sheegay inay shirkaddu keentay dalka adeeg kale oo la yidhaado Ilasoo hadal oo faa’ido badan ay ka heleen dadweynaha reer Somaliland “Somtel waa shirkaddii ugu horeysa ee dalka keentay adeegga 3G-ga dadweynuhuna way nala socdaan” ayuu yidhi Cawil Saalax Cabdi.

Waxa kale oo uu intaasi raciyey “waxaan filayaa inaad wada haysataan qalabka yare ee 3G-ga ah oo ah Flash, dhanka kalana waxa uu sheegay inay Somtel keentay adeeg kale oo la yidhaado Badbaado oo laga heli karayo Saldhigyada Boolis-ka si ay dadku u soo garaaci karaan markay dareemaan cabsi kaga timaadda Tuugta iyo wixii la mid ah.

“waxaanu ugu talo galay adeeggan Ilasoo hadal inaanay dadka iyo dantu cadaw isku noqon” ayuu yidhi Cawil Saalax Cabdi,

Madaxa shaqada iyo hawlgalada Shirkadda Somtel waxa uu warbaahinta u soo bandhigay tijaabada qalabkaasi 3G-ga ah oo ay laba ka mid dadkii xafladdasi fadhiyey si toos ah isaga daawanayeen markii ay wada hadlayeen.

Waxa kale oo uu tilmaam ka bixiyey waxa uu yahay 3G waxanu yidhi “ Qalabkan Fast 3G Service waa Flash-yar oo qofka doonaya inuu si dhibyar u helo xidhiidhka Internetka gashankaro Comuterkiisa gaar ahaan kan gacanta lagu qaato ee loo yaqaano Laptop-ka isaga oo aan waxba isku dhibin inuu raadsado meelaha internet-yada laga adeegsado.waayo qalabkan uu yar ee Fast 3G Service-ka la yidhaado ayaa ah Wireless aan u baahnayn inaad adeegsato xadhko kale oo kugu xidha Internet-ka iyo wixii lamida, waxa kale oo aad ku isticmaali kartaa Mobilkaga adiga oo meel kasta jooga .”Ayuu yidhi Cawill.

Waxa kale oo uu Xusay in ay soo wadaan adeegyo kale oo casri ah oo aadna u jaban, waxanu hoosta ka xariiqay in sharkada Somtel tahay ta ugu jaban dhinca wada hadalka dadweynaha isaga oo sheegay in halka Dollar aad ku hadli kartida 5 Sacadood.



Source: Waaheen