Shirkadda Indhadeero oo laba Milyan oo Neef diraysa Moosin ka Xajkan iyo Abu-yaasir oo Hargeysa soo gaadhay

 


 

Wuxuu booqanayaa maanta Maxjarka Indhadeero ee berbera

Hargeysa(TNN) waxa shalay Dalka soo gaadhay Maxamed Qayd Siciid Abu-Yasir oo an Ganacsade Carbeed oo ay xidhiidh ganacsi wada leeyihiin Shirkadda Indha-deero ee Somaliland oo ganacsiyo kala duwan ku leh dhulka ay Somalidu degto.

Waxa ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa Guddoomiyaha Guud ee Shirkadda Indha-deero Mustafe Cabdi Cawad iyo Aadan X Yuusuf oo ah guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Shirkadaasi.

Labada Shirkadood ayaa qorshahoodu yahay sidii ay bisha XAJKA sanadkan dalka uga qaadan lahaayeen Xoolo dhan laba milyan oo Neef oo isugu jira Adhi, Geel iyo Lo, kuwaasoo ay ka Iibsan doonaan sayladaha goboladda Dalka oo dhan.

Shirkadda Abu-yaasir oo ah Shirkadda suurtogalisay dhismaha Maxjarka Indhadeero ee Berbera ayaa ah shirkad weyn oo qaadata Xoolo badan waxaanay sanadkan kii ka horeeyay dalka ka Iibsatay Xoolo malaayiin gaadhaya oo wax weyn ka taray qiimihii la siisan jiray xoolaheena.

Maxamed Qayd Siciid Aalla-yaasir ayaa maanta booqasho ku tagi doona Maxjarka Indhadeero ee berbera halkaas oo uu ugu kuurgali doono diyaar garawga shaqaalihiisu ay halkaa ka wadaan, maadaama xoolo badan ay Iibsanayso shirkadiisu.

Maxjarka Indhadeero oo maxjarka labaad ee laga dhoofiyo Xoolaha ayaa sanadkii hore hoos u dajiyay cabashadii ay ganacsatada Xoolaha Dhoofisa ee reer Somaliland ka muujinayeen Maxjarka Al-jaabiri kaasoo ay u arkayeen in Kooto loogu xidhay shirkad gaar ah.

 

Source:Waaheen