Shirkadda Genel Energy Oo Ka Soo Guurtay Bariga Dalka, Shaqaalaheediina Dibadda U Saartay




Hargeysa (TNN):-Shirkadda Genel Energy ee hawlaha sahaminta shidaalka ka waday gobal ka Togdheer, ayaa qalabkeeda iyo shaqaalaheediiba ka soo daad guraysay gobalkaas, wax aanay u muuqataa inay shirkadu ka baxayso Somaliland. Ka soo bixitaankooda waxa ku we heliya shirkadda Tesla, oo iyadu ka sii hoos shaqaysa shirkadan Genel iyo shirkadda Olive Oil oo dhinaca amniga u qaabilsan.

Ilo xogogaal ah oo ku dhow dhow maamulka gobalka Togdheer, ayaa Geeska Afrikau sheeg ay inaanay madaxda shirkadani maamulka gobalka ku wargelin sababaha keenay guuritaan kooda. Hase yeeshe waxa lala xidhiidhinayaa khilaafaad isdaba joog ah oo ay shirkadani k ala kulantay deegaanada bariga iyo koonfurta gobalka Togdheer, waxaana soo baxaya wa rar aan la xaqiijin oo sheegaya inay madaxda sare ee shirkadani London ku yeesheen shir ay ku go’aansadeen inay ka baxaan gebi ahaanba Somaliland.

Diyaarad gaar ah ayaa shaqaalaha ajaanibka ah ee shirkadaas khamiistii ka soo qaaday m agaalada Burco, waxaanay keentay magaalada Hargeysa oo ay qaarkood u sii dhaafeen dalka dibadiisa. Sidoo kale baabuurta xambaara qalabka ay ugu tallo galeen sahaminta shidaalka ayaa iyaguna shalay ka soo kolonyaystay bariga gobalka Togdheer, iyagoo ku soo jeeda dekedda Berbera. Baabuurtan oo barqadii shalay soo maray duleedka Burco, ayaa markii ay ku soo dhacayeen jidka laamiga ah, waxa ay ciidamo amni oo la socday ka joojiyeen baabuurtii jidka maraysay, waxaanay dad goob joog ahi sheegeen inay baabuurt aasi u muuqdeen inay sideen qalabka casriga ah ee ay shirkadda Genel Energy ku sahamiso shidaalka Somaliland.

Qalabka ay shirkadani ka soo rartay deegaanadaas ay sahaminta shidaal ka waday, ayaa waxay qaybo ka mid ahi soo gaadheen magaalada Berbera, waxaanay wararku sheegaya an inay ku socdaan dekedda Berbera.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saartay warka ka soo kordhay shirkadan. Masuuliyiin aanu si gaar ah isugu daynay inaanu wax ka weydiino ayaanay noo suurtog elin.

Si kastaba ha ahaate, caqabadaha aan xalka rasmiga ah loo helin ee shirkadan ka soo waajahay gobalada bari, iyo shirkadda oo sidaas ku joojisa sahaminta shidaalku, wuxuu dhaawac ku keeni karaa sumcadda Somaliland oo u haraadan maalgashi shisheeye iyo khayraadkeeda dabiiciga ah oo la soo saaro, si loogu iib geeyo dunida

 

Source: Geeska