Shirkadda GARMAN PHARMACY ee Fadhigeedu yahay Dalka Jarmalka Oo Xarun Lagu Iibiyo Daawooyinka Tayada Leh Ee Jarmalka Ka Furatay Hargeysa



 


Hargeisa (TNN) Shirkadda Weyn ee GARMAN PHARMACY AND CLINIC oo xarunteedu tahay wadan ka Jarmalka isla-markaana xarumo caafimaad ku leh dalalka Ingiriiska, Gabon, Jabuuti Iyo Kenya ayaa xarun weyn oo daawooyinka Jarmalka lagu iibiyo ka furtay Caasimada Somaliland ee Hargeys a.
GARMAN PHARMACY AND CLINIC oo ku caan ah daawooyinka tayada leh ee lagu farsameeyo dalka Jarmalka isla-markaana xarumo caafimaad oo ay ka hawl-galaan dhakhaatiir Jarmal ah oo takhas us ah ayaa xarun lagu iibiyo daawooyinkaasi tayada leh ee Jarmalka maanta ka furatay Magaala dda Hargeysa.


Munaasibad balaadhan oo lagu daah-furayey xaruntan lagu iibin doono daawooyinka dalka Jarma lka oo ah daawada adduunka oo dhami isku raacay inay yihiin kuwo tayada fiican daawooyinka ay farsameeyaan wadamada Yurub Iyo Aasiya ayaa waxa lagu qabtay Magaaladda Hargeysa, waxaana ka qayb-galay dad badan oo ay ku jiraan siyaasiyiin, dhakhaatiir, masuuliyiin iyo dad kale oo xiisaynayey daawooyinkan tayada leh ee dalka la keenay, iyadda oo halkaasi lagu soo bandhigay daawooyin tusaale u ahaa daawooyinka xaruntan lagu iibin doono.


Munaasibadan oo ay ka hadleen masuuliyiin iyo dhakhaatiir ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Afhayeenka shirkadda GARMAN PHARMACY AND CLINIC Mr Xasan Maxamed Cali (Xasan Looyar), waxaanu faahfaahin ka bixiyay wakhtiga la aas-aasay shirkadan adeegyada caafimaad ka fulisa wadamada Afrika Iyo Yurub, waxaanu yidhi “Shirkadan aanu wadno waxa uu soo jiray shan sano, waxaanu ka shaqeynayey wadamada Yurub iyo Geeska Afrikaba, dadkii aas-aasay waxa ka mid ah Intisaar Yuusuf oo muddo 25 sanadood ah Jarmalka kaga shaqeynaysay Caafimaad, shirkadan waxa markii hore lagu aas-aasay dalka Jarmalka oo laga sameeyay xarun caafimaad oo dhakhaatiir Jarmal ahi dadka Soomailda ah kula kulmaan, muddo markii halkaa la waday ayaa xarun labaad laga furay Magaalada Hunford, markaa labadaa xarumood ayay ku leeyihiin dalka Jarmalka.


Mr Looyar waxa kale oo uu soo qaaday “Dalka Ingiriiska oo markii dambe Intisaar Yuusuf u wareegtay waxa uga furan laba xarumood oo ku kala yaala London iyo Magaaladda Burmingham, dhinaca Afrika waxay xarumo caafimaad oo waaweyn ku leeyihiin Magaaladda Nairobi iyo wadanka Gabon, xarumahaasi waxay u shaqeeyaan nidaam ah in sanadkii toban bilood ay joogaan dhakhaatiir (Local ah) laba bilood ah dhakhaatiir takhasuso ah oo Jarmal ah, xarunta weyn ee Nairobi iyo xarunta kale ee Galbeedka Afrika wakhtiga kulaylaha iyo wakhtiga Chrismas-ka waxa la keenayaa dhakhaatiir Jarmal ah.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Nidaamkaa aanu ku wadnay mudadaa shanta sanadood ah ayuun-baa nagu dhaliyey nidaamka dawadana, meelaha aanu xarumaha caafimaad ku leenahayna waxa ku yaala goobo Farmasiiyo ah oo dawooyinka ah, mararka kulaylaha ama qaboobaha waxaanu dalka la nidaamnaa Carruurta iyo haweenka, waayo aragnimo aanu ka helnay Carruurtaasi aanu wadano marka shuban ku dhaco loo waayo dawo shubanka markaaba joojisa, wadanka dhakhaatiir fiican way joogaan laakiin in daawo fiican la helo ayaa adag, inta badana waxay nagu kaliftaa inaanu daawooyin faro badan oo carruurto aanay u baahnayn soo qaadano, markaa muddo sanad iyo badh ka hor ah ayaanu ku fikirnay inaanu shirkada qaybteeda daawooyinka Somaliland ka furno oo aanu daawooyinka aanu keeno dhakhaatiirta wadanka u qaybino, mar hore aanu keenay daawo yar oo aanu u keenay xarun yar oo aanu Burco ka furanay ayay dadku wada sitaan”.


Afhayeenka GARMAN PHARMACY AND CLINIC waxa kale oo uu sheegay “Markaa maanta waxa aanu furnay xaruntii ugu horeysay ee aanu Somaliland ka furano oo daawooyinka keenta, waxaanuna xidhiidh la samaynay shirwad weyn oo dalka Jarmalka ka ah ta labaad ama saddexaad oo la yidhaahdo TROG ayaanu wakiil ka nahay.”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Daawooyinka aanu keeno Ingiriiska ama meelaha kale waa Jarmal daawooyinka wadamada kalena ma isticmaalo, kuwo aanu Somaliland keenaynaana waa Jarmal, qiimaha daawooyinka lagu iibinayaana waa mid macquul ah oo dadku iibsan karo laakiin ka qaalisan qiimaha daawooyinka kale.


Xasan Looyar waxa uu sheegay in daawooyinka ay samayso shirkad caalami ah oo dalka Jarmalka laga leeyahay, taasi oo ay xidhiidh la sameeyeen “Daawooyinkana waxa sameeya shirkada weyn ee TROG, daawooyinka kale ee aanu u baahanana iyaddaa naga wakiil ah, dawlada Somaliland sida wasaarada caafimaadka iyo hay’adda tayada wixii nagaga xidhnaana waanu dhamaysanay.”ayuu yidhi isaga oo intaasi sii raaciyey “Waxa kale oo qorshaha noogu jira inaanu Somaliland ka furno xarun caafimaad oo dadka lagu daaweeyo, waxaanu awood u leenahay in qofkii halkan lagu daaweyn kari waayo inaanu toos Jarmalka ugu qaadno”


Guddoomiyaha GARMAN PHARMACY AND CLINIC Marwo Intisaar Yuusuf oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa u mahad-naqday dadkii ka qayb-galay Munaasibada lagu daah-furay xaruntan oo ay aas-aaskeeda hore lahayd, isla-markaana ah haweenay muddo 25 sanadood ah hawlo caafimaad ka waday Jarmalka.


Dr Maxamed Yuusuf Cilmi oo ka mid ah masuuliyiinta GARMAN PHARMACY AND CLINIC oo isagu hore u qaybiyey daawooyin shirkadani dalka keentay ayaa sheegay in tayada daawooyinkaasi dadku ku qanceen isla-markaana dalbadeen in mar labaad loo keeno “Dawadan ay dalka keenayaan shirkada Jarman Pharmacy and Clinic, markii ugu horeysay ee ay keeneen anigaa qaybiyey dadkuna aad ayay uga heleen oo dhakhaatiirtii isticmaalay iyo dadkuba way nala soo xidhiidheen oo waxay dalbadeen in mar labaad loo keeno”ayuu yidhi.


Dr Saleebaan Jaamac Cabdi (Rambo) oo ka mid ah dhakhaatiirta Somaliland oo ku hadlay afka dhakhaatiirta Somaliland ayaa soo dhaweeyay xaruntan cusub ee GARMAN PHARMACY AND CLINIC ka hirgalisay Hargeysa, isaga oo sheegay in Alle (SW) uu daawada galiyo waxtarka ay dadka wax ugu tarto “Daawada ILAAHAY ayaa waxtarka galiya ee Alle waxtar ha inoo geliyo daawadan ay inoo keenaan walaalaheen”ayuu yidhi Dr Rambo.


Munaasibadan waxa kalmado soo dhawayn ah ka soo jeediyay Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Cali Maxamed Waran-cadde iyo wasiirkii hore ee wasaarada qoyska xukuumaddii Daahir Rayaale Marwo Faadumo Suudi Xasan, dhammaantoodna waxay weji furan ku qaabileen xarunta GARMAN PHARMACY AND CLINIC Hargeysa ka hirgalisay, iyadda oo sidoo kale shirkadu xarun ku leh Magaaladda Burco, Magaaladda Wajaalena ku hawlan sidii ay xarun uga hirgalin lahayd.

 

 


Timacade News Desk
Hargeisa ,Somaliland