Shirkada Xawaalada Casriga ee Omaar Global,oo la guddo onsiiyey Shahaado Sharafta Shirkada sannadka ee 2013
 

 

"Waxaan u mahad celineynaa Maamulka Shabakada Wararka ee Timacade News Network iyo dhammaanba muwaadiniinta Somaliland ee noo codeeyey," Maareeyha Shirkada Xawaalada e e Omaar Global , Xasan Maxamuud Cige


Cardiff,UK (TNN):-Shabakada Caalamigaa ee Timacade News Network (TNN),oo ah Shabakadii u gu horeysay Somaliland ee sannadkii *2008 kii bilawday inay qiimeyn ku sameyso,Shahaado S har afna ku maamuusto,kuna abaal mariso shirkada Somaliland, ee wax qabad mug leh ku tal aabsata sannad walba.

Shabakada TNN,waxay  fursad u siisa inay shacabka Somaliland,gudaha iyo dibadaba ,ka qayb qaataan,una codeeyaan,qiimeeyaanna shirkadda mudan in lagu sharfo wax qabad,karti, daac adnimo,waxtar iyo hawl karnimo.

Annagoo tix galinayna,ugana mahad celinayna dhammaanba muwaadiniinta Somaliland ee ka qayb qaatay Barnaamijkan sannad laha ah , ee Shabakada Timacade News qabato,waxaa ma gac iyo sharafba noo ah in Madaxa Shabakada Wararka ee ee Timacade News,laanta Dalka In giriiska,mudane Mahdi Jaamac Roobleh,uu Shahaado Sharaftii Shirkada Sannadka 2013,oo ay ku guuleysatay Shirkada Casriga ee Omaar Global,uu guddoonsiyey Maareeyaha Shirkada,mu dane Xasan Maxamuud Cige,ee xarunta magaalada Cardiff,Dalka Ingiriiska.

Maareeyaha Shirkada Xawaalada ee Omaar Global,mudane Xasan Maxamuud Cige,ayaa u ma had celiyey Maamulka Shabakada Wararka ee Timacade News Network iyo dhammaanba muw aadiniinta Somaliland ee u codeeyey,waxaanu u ballaan qaaday inay Shirkad ahaan mar walba diyaar u yihiin inay macaamiishooda gacmo furan ku soo dhawaynayaan,si hagar la'aan ahna ugu adeegayaan.


Maamulka Shabakada wararka ee Timacade News,waxay hambalyo iyo bogaadinba u dirayaan Shirkada Sannadka 2013,ee Xawaaladda Omaar Global,waxaanay u rajaynayaa inay horumar dhan walba ah ku talaabsato,noqotana tii taaba qaada ee guuleysata.






Timacade News Desk
Cardiff,UK