Shirkada TELESOM oo Fagaaraha beerta xoriyada Ku Soo bandhigtay Carwo weyn oo ku saabsan adeega 3G

 



Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Md.Ismaaciil Muu min Aare, ayaa maanta si rasmi ah u furay carwo lagu qabtay fagaaraha beerta Xoriyada ee Mag alia Hargeysa oo shirkada Isgaadhsiinta Somaliland ugu weyn ee TELESOM ay ku soo bandhigaysay adeega casriga ah ee 3G ee ay dhawaan daah-furtay. Adeegan oo ah iskugu jira maqal iyo muuqa alba oo loogu Magac daray la jaan qaad jiilka cusub.


Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Md. Xuseen Axmed Caydiid carwadan ay soo bandhigta shirkada is-gaadhsiinta ee Telesom ee la magac baxay 3-G wasiirka oo carwadaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Shirkadda Telsom waxaan leeyahay adeegyadii hore u jiray haddi aad kana ku soo kordhise en waan idinku hambalyaynayaa, waxaanu idinku ducaynaynaa in aad halkaa ka sii wadaan oo sam aysaan horumar.”


Wasiirka hawlaha guud gaadiidka iyo guryaynta Md. Prof. Ismaaciil Muumin Aarre oo ka hadlay xaf ladaasi wuxuu yidhi “Waxa maanta dhamaanteen farxad inoo ah guusha iyo horumarka ay soo ban dhigtay shirkada Telesom, arrintani waa mid ina wada saamaynaysa oo ka mida tallaabooyinkana horumarka, waxa faxad gaar ah noo ah in aynaan ka hadhin dunida ee aynu maanta ku jirno 4-dal ee ugu hor isticmaalay Qaaradan Afrika adeegan casriga ah ee 3-Gga. Waxaynu u baahanahay in adeegan la gaadhsiiyo dadkeena ku nool dhulka miyiga ah oo carruurteena joogta meelahaas miy iga ahiee iskuuladda dhiganaysaa aanay ka hadhin kuwo jooga magaalooyinka.”

Wasiirka Hawlaha guud oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Dhalinyadana waxaan leeyahay waa in aad bartaan dhaliyarada adeegyadyada casriga ah walaalihiina jooga meelaha baadiyaha ah waayo waxa idinka saaran mas’uuliyad haddii kale waxaad kala noqonaysaan kala laba quruumood oo is af-garan maysaan.Shirkadan Telesom-na aad baan u ammaanayaa, shirkadaha kalena waxa an leeyahay keena waxaan leeyahay ku dayda talaabada shirkadan soo bandhigtay.”

Sidoo kale,waxa xafladaasi ka hadlay masuuliyiinta Wasiirrada Ganacsiga Md. C/Risaaq Khaliif Axm ed iyo Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md, Axmed Xaashi Nuur (Oday) Waianay sh irkadan ku bogaadiyeen horumarka dhinaca isgaadhsiinta iyo Internet-ka ah ee ay ku soo kordhi yeen dalka, Waxaanay u soo jeediyeen inay halkaasi ka sii wadaan.dedaalka dhinaca farsamooyin ka casriga ah.

Maxamed Saalax Cajab oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadaasi ayaa hadal dheer oo uu ka jeediyay fagaaraha beerta xoriyada uu dadweynaha warbixin dheer ka siiyay adeegan cusub oo uu tilmaa may inay dadweynuhu kaga haqab beelayaan baahidii ay u qabeen isgaadhsiinta iyo Internet-ka ba.
Waxaanu sheegay in shirkada Telesom ay balan-qaadayso inay mar walba ikhtiraacaan Farsamoo yinka casriga ah oo ay dalka u fududeeyaan inay ku sideman dunida inteeda kale.

Mr. Cajab waxa uu sheegay in carwadani ay socon doonto muddo laba maalmood ah si ay dadwey naha fahamsiiyaan isticmaalka noocyada adeegani u shaqaynayo.


Source; Somaliland.Org