Shirkada Telesom Oo Dhisme Labaad oo Dabaq ah Ka Hirgalisey Tog-Wajaale


 

Shirkada ugu weyn isgaadhsiinta Somaliland ee Telesom aya dhawaan ka dhistey Dhisme laba dabaq ah oo lagu badelay Xaruntii hore ee Shirkada Telesom ku laheyd Magaalada Tog-Wajaale.

Dhismahan oo ah mid siweyn loo agaasimey mudadii uu socdey oo sanad ku dhawaad ah islamrkaana ay dhistey shirkada caanka ah ee dhismaha Somaliland Daryeel Conustruction ayaa siweyn usoo saarey bilicda Magaalada Tog-Wajaale oo inteeda badn dib u dhis weyni ka hirgaley wixii kadanbeeyey sanadkii 2004tii.

Maamulaha Shirkada Telesom ee Degmada Tog-Wajaale Yuusuf Maxamed Xasan(Yuusuf Cali) oo Gabileynews uga waramey Dhismahan ay Shirkada Telesom ka dhisatey Xarunteeda Magaalada Tog-Wajaale ayaa sheegay in ay Shirkadu culeys weyn iyo miisaan badan saartey Dhismahan islamrkaana uu ku baxey kharash aad ubadan taas oo kamid ah barnaamijyada Shirkadu dib ugu maal galineyso dalka ,islamrkaana ay dhawaan uqaban doonto xaflad balaadhan oo siweyn loo soo agaasimey oo lagu maamuusayo Dhismaha Cusub ee Xarunta Shirkada Telesom ee Degmada Tog-Wajaale.

Dhismahan cusub ee Shirkada Isgaadhsiinta Telesom ka hirgalisey Degmada Tog-Wajaale ,oo aad uga wweyn ka ay ku leedahey Gabiley ayaa waxa uu kamid yahey dhismayaasha Xarumo badan oo Shirkadaasi ka dhisatey Magaalooyinka waaweyn ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka waxanu dhismahan Tog-Wajaale soo jiitey dhamaan dadweynaha kunool magaaladaasi iyo dadka socotada ah ee soo gaadha magaalda Tog-Wajaale.

 



Source: Gabileynews