Shirkada Isgaadhsiinta Casriga ah Ee SOMTEL oo Xarumo cusub ka
Furatey Jigjigayar Iyo Dumbuluq Oo katirsan Magaalada Hargeysa.

Hargeysa (TNN)-Shirkada isgaadhsiinta Casriga ah ee somtel ayaa
saaka xafiisyo cusub Ka furatay xaafadaha dumbuluq iyo jig-jiga yar
ee magaalada hargaysa Xafiisyadaasi oo qaba n doona adeegyada
isgaadhsiineed ee ay Shirkadaasi dalka ka fuliso .
Xafladii furitaankla xafiisyadaasi waxaa kaqayb galley Xildhibaano
qoonyahano,Masuuliyi in ta shirkada Somtel.Cuqaal iyo martisharaf
kalla duwan
Xafladaasi lagu furayey labadaasi xarumood Ee Shirkada SOMTEL Ka
Furatey Jigjiga yar iyo dumbuluq oo katirsan magaalada Hargeysa waxa
ka hadlay Maxamed Aadan Haybe oo ka mida masuuliyiinta suuqaynta Ee
shirkada somtel waxaana uu sheegay in sababta ay xafiis yadan u
Furanayaan ay tahay fariin badan oo uga timi dhinaca dadweynaha
Waxaana yidhi{xafiisyada cusub ee somtel waxaa sababay inaanu furno
Fariin nagaga timi dadweynaha ,anaga somtel ahaan waxa noo caado ah
In aanu la xidhiidhno dadweynaha la xidhiidhkaasi oo ah in aanu
Markasta la jecelnahay in aanu adeegyadayada meel kasta oo ay
joogaan In aanu xafiis uga furno, xafiiskan Dumbuluq waxa uu noo
kala Badhayaa degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe ,insha
Allah xafiiskan marka aanu furno waxa noogu xiga in a anu xaafadaha
Kalena u sii fidino ,waxa hubaala in xafiiskani wax badan u fududayn
Doono dadweynaha ku nool xaafada dumbuluq)waxa kale oo Maxame Aadan
Haybe u balanqaada y dadweynaha ku nool Degmooyinka Maxamuud Haybe
iyo Axmed Dhagax in ay xafiiskan ka heli doonaan adeegyada ay
bixiyaan xarumaha kale ee shirkada somtel.
Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay C/qaadir maxamed oo ah madaxa
laanta dumbuluq ee shirkada somtel waxaana uu sheegay in uu
xafiiskani ka mid yahay dadaalka ay shirkada somtel ugu jirto sidii
ay macaamiisheeda u raalin galin lahayd isla markaana ay adeegeeda
ugu gayn lahayd meel kasta oo ay joogaan waxaana uu amaan u soo
jeediyey masuuliyiin ta shirkada somtel oo uu tilmaamay in ay dadaal
xoogan u galeen furista xafiisyadan gaba gabadiina waxa uu ka
codsaday dadweynaha labada degmo in ay si aada ula shaqeeyaan
shirkada kana faaidaystaan adeegyada uu xafiiskani bixin doono.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-Nac) oo isna munaasibadaasi
saaka kahadley ayaa gacmo furan ku soo dhaweeyey xafiiskan cusub ee
ay shirkada SOMTEL ka furtay xaafada dumbuluq ,isagoo xildhibaanku
ka mara kacay kaalinta ay shirkada somtel ay kaga jirto hor umarka
bulshada waxaana uu bulshada xaafada ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan
shirka da somtel
Xildhibaan C/raxmaan cismaan caalin (C/raxmaan dheere) oo ka mida
xildhibaanada golaha wakiilada ee S/land oo isna halkaasi ka hadlay
ayaa ku amaanay shirkada somtel balaadh inta ay ugu jirto
adeegyadeeda iyo sidii ay uga gaadhsiin lahayd shacabka isagoo xusay
in S/land ay dhinaca tignoolajiyada kaga horayso gaarada aynu ku
noolnahay ee Africa taas na ay suurto galiyeen hawl wadeenada
hawshaasi ku hawlan ugu dambayntiina waxa uu sheegay uu ahmiyad weyn
u hayo shirkada somtel si aadana u soo dhaweynayaan haddii ay yihiin
xildhibaanada xaafada .
Waxa kale oo hadal dheer oo amaan u badnaa xafladaasi ka soo
jeediyey la taliyaha mada xweynaha ee arimaha dhanlliyarada Mr Najax
Siyaad Aw Cabdi waxaana uu xusay in xafii skani uu yahay mid aad
loogu baahnaa oo ay soo dhaweynayaan waxaana hadaladiisii ka mid
ahaa(waxa nasiib wanaaga in xafiiskani uu ku soo beegmay
furitaankiisu xilli lagu guddo jiro bishii ramadaan waliba in uu la
kowsado tobankii dambe oo ah maalmo kheyr badan, ko lay tartankan
shirkaduhu waxay faaido u yahay bulshada ,waxa kale oo tartankaasina
uu kow ka yahay dhinaca horumarka bulshaduna iyada ayaa kala qiimayn
doonta shirkadaha kuna qiimayn doontaa hadba sida ay ugu keento
adeegyadeeda .)Cabdi najax siyaad waxa uu ku bogaadiyey shirkada
somtel barnaamijka KASMAAL oo ah barnaamij ay maalgaliso sh irkada
somtel kana baxa Tvga Qaranka su,aalana lagu weydiiyo macaamiisha
shirkada isag oo barnaamijkaasi ku tilmaamay mid wax weyn ku soo
kordhin kara bulshada balse hawl wa ddeenada shirkada waxa uu ka
codsaday in ay ka taxadiraan diyaarintiisa si bulshada ay ugu
gudbiyaan wax sax ah.
Waxaa sidoo kale iyana munaasiabdaasi kahadley martisharaf kalla
duwan oo iskugu jira cuqaal,waxgarad iyo cullima awdiin..
Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay madaxa hawlgalinta eeShirkada
SOMTEL Mr Cawil Saalax waxana hadaladiisii ka mid ahaa(ugu horeyn
waxa aan salaamayaa cuqaasha,xildh abaanada iyo guud ahaanba dadka
ka soo qayb galay oo aan leeyahay ramadaan kariim , runtii in badan
ayaanu wada hadalnay odoyaasha xaafada ,kolay dardaaran badanina waa
jiraa waxa la yidhi amaanadu waa dayn anagu daynkii waa aanu ka soo
baxnay ayaa aan filayaa kubadiina maanta idinka ayaa ay idin joogtaa
haddii aad tihiin reer dumbuluq waxaa na noogu xiga sidii aanu
halkaasi uga sii amba qaadi lahayn)waxa kale Cawil saalax uu she
egay in ay ka shirkad ahaan jecel yihiin in ay adeegyadooda
gaadhsiiyaan meel kasta oo dalka ka mida waxa sidoo kale uu sheegay
in aanay marnaba ilaabi doonin weeyeelka aqoonta leh ee ay u
qorshaysan tahay in ay dhinacooda soo jaleecaan .
Gabagabadiina waxa xadhiga ka jaray xafiiskaasi ay shirkada somtel
ka furatay xaafada du mbuluq xildhibaan Axmed maxamed diiriye
nac-nac
Geesta kalena Waxa ay shirkada somtel xafiis cusub ka furatay
xaafada Jig-Jiga yare e ma gaalada hargaysa waxa isla xafiiskaasi
xadhiga ka jaray madaxa hawlgalinta ee shirkada somtel Cawil Saalax
.
Xafiisyada Shirkada SOMTEL ka hirgalisey xaafado kamid ah caasiamda
Hargeysa ayaa wax abdan kataridoona adeegyadii kalla duwanaa ee
shirkada somtel ee ay dadka xafadaasi suuqa umina jireen.
Shirkada SOMTEL oo waaydii ugu dambeeyey si xawli ah ugusoo biirtey
suuqa isgaadhsiinta soomaaliland ayaa waxay muddo kooban gudaheed ka
mid noqtey shirkadaha ugu waawe yn Somaliland ee xaga isgaadhsiinta
iyadoo adeegaydeeda kallad wuan ee ay qabto ugu dambeeyeen Adeega
Casriga ah Ee 3G.
Sikastaba ha ahaatee SOMTEL waxay muujisey iney diyaar utahey
bulshada Somaliland iay doo maalmihii ugu dambeeyey ay shirkadu
Dayactir Balaadhan kusameysay garoonka kubadda kolleyga ee Timacade.
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland
|