Somcable oo Iskaashi Dhexmaray Shirkado Caalamka Ugu Horeeya Isgaadhsiinta & Hirgelinta Hanaan INTERNET Casri ah


 

“Somcable waxay u taagan tahay horumarinta nolosha muwaadiniinta Somaliland, una diyaarisay adeega…” Cabdiraxmaan Maxamed

Austin (TNN):- Gudoomiyaha shirkadda isgaadhsiinta SOMCABLE Mr. Cabdiraxmaan Maxame d, ayaa shaaca ka qaaday inay hawl gelinayaan hanaan intenet ganacsi xawli sareeya, ka dib heshiis dhexmaray laba shirkadood oo caalamka ugu horeeya bixinta adeegaa.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed ku saabsan higelinta adeegan cusub ayaa lagu she egay in shirkada SOMCABLE oo kaashanaysa shirkadaha Alepo iyo Airspan si rasmi ah u hir gelisay adeeg cusub.

SOMCABLE waxay diyaarisay adeeg internet casri ah dhinaca tiknoolijiyada iyo soo rogitaa nkiisu sareeyo (LTE-Advanced Network), lana socdo adeega fiber (GPON) oo sahli doona in shirkadu u fidiso adeeg xawli ah dhinaca mobilada iyo noocyada kale guud ahaan macaamii shooda qoysaska iyo ganacsiyadaba.

Gudoomiyaha shirkada SOMCABLE Cabdiraxmaan Maxamed Siciid oo ka hadlayey heshiiska dhexmaray shirkada Alepo iyo Airspan iyo qorshahooda ayaa sheegay inay u taagan yihiin horumarinta nolosha muwaadiniinta Somaliland, waxaanu yidhi,

“Somcable waxay u taagan tahay horumarinta nolosha muwaadiniinta Somaliland, una diya arisay adeega ugu wanaagsan, uguna casriyeysan isgaadhsiinta,” ayuu sheegay Mr. Maxa med. Isagoo raaciyey.

“Adeega LTE-Advanced ee shirkadaha Alepo iyo Airspan waxuu noo sahlayaa sees aanu ku balaadhin karno inaan gaadhsiino suuqyada isgaadhsiinta si gobolku u tisqaado.”

Iskaashiga shirkada Alepo, Somcable waxay ku abuuri doona qorshe dakhli ka helaan dadka shaqo-la’aanta ah iyo ardayda qoysaska, shirkadaha yaryar iyo dhinacyo kale adeegyo int ernet ay sii bixiyaan.

“iskaashiga adeega 4G LTE-Advanced ee Alepo iyo Airspan waxuu fure u noqon doona kobo ca suuqyada isgaadhsiinta casriga,” ayuu sheegay Henrik Smith-Petersen, Gudoomiyaha iib ka Airspan. Isagoo raaciyey. “la shaqeynta Alepo, waxaan ku gaadhsiin doona adeeg bixiy eyaasha hanaan dhamaystiran uu ka muuqda suuqyada isgaadhsiinta.”

“Alepo way ku faraxsan tahay awooda iskaashi adeega 4G ee dhexmaray Airspan,” ayuu sheegay Dan Stern, Gudoomiye-xigeenka iibka Alepo. Isagoo raaciyey. “Maadama saaxada isgaadhsiineed ee shirkada Somcable horumarayo, waxaan ku kalsoon nahay inay bixin doo naan adeeg aan lagula tartami karin suuqyada.”

Hanaankan Internet-ka casriga ee shirkada Somcable soo kordhisay ayaa wax weyn ka ta ri doona baahi weyn oo macaamiisha adeegan isticmaala u qabeen helitaanka adeeg xawa are sareeya oo casri ah.