Shirkada caalamiga ah ee Ganacsiga ee Omaar Oo Deeq Xoolaha u Qaybiyey Cisbitaalada Magaalada Gabiley

 



Sidoo kale ganacsada omaar ayaa 93 caruur oo ku jirta xarunta agoomaha u iibiyey dharkii iyo kabihii ciid...........

Gabiley (TNN):- Shirkada Ganacsiga ee Omaar international company ayaa maanta deeq ADhi ah ku wareejiyey cisbitaalada kala duwan ee magaalada gabiley iyo xarunta agoomaha ee magaal ada gabiley, waxaan deeqdaaasi ku wareejiyey maamulaha shirkada omaar qaybteed gabiley maxamed cabdi.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley maamulaha shirkada omaar ee magabiley maxamed cabdi waxaanu yidhi” maanta waxaa joognaa cisbitaalada TBda iyo cisbitaalka guud ee gabiley waxaa n ku wareejiney cisbitaal TBda 10neef, cisbitalka guud 10neef, xarunta Agoomaha 10neef iyo caruurta dharkoodii oo dhan 93 qof, Runtii omaar kuma koobna gabiley oo kaliya ,balse gobola da dalka oo dhan ayuu ka shaqaynaa oo wixii caawimo ah waani siinaa.” Ayuu yidhi maxamed cabdi

AGaasimaha cisbitaalka TBda ee magaalad gabiley DR rudwaan maxamed calioo halkaasi ka Hadl ey ayaa aad ugu mahad celieyey shirkada oomar oo u sheegay ianay atahay lafdhbarta uu ku tiirsan yahay cisbitaaalka qaaxada ee magalada gabiley,waxaanu ilaahay uga baryey inuu badal khayr qaba ugu badalo.

Gudoomiye kuxigeenkaxarunta agoomaha gabiley axmed oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa aad usoo dhaweeyey dharka iyo adhiga uu u deeqay jamac omaar, waxnu ganacstada kale iyo dadweynaha kala ee gobolka ku booriyey inay ku deydaan wadaninimada uu muujiyey jaamac omaar

Maah markii ugu horeysay ee jaamac omaar deeqo gaadhsiiyo cisbitalada iyo xarunta agoomah a balse isaga aya inta badan gacanta ku ahay
 

 




C/raxmaan Xaaji
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland