Shirkad Shiine ah oo Somaliland u Timi Hirgelinta Warsh ado lagu Sameeyo Baabuurta & A Elektarooniga

 


Hargeysa (TNN):- Wasiirka wasaaradda wershadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur oo uu we heliyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas Cabdi Axmed Nuur ayaa maanta caasimadda Har geysa ku soo dhaweeyay wefti ganacsato wershadley ah oo ka yimi dalka Shiinaha oo lagu magacaabo China Commerce Industry Group, isla markaana ka kooban toban xubnood.

Weftigan ayaa la filayaa inay dalka ka hirgeliyaan mashaarciic door ah oo la xidhiidha dhinac a wershadaha.

Wasiirka wershadaha ayaa ballan-qaaday inay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qayb qa adanaysa horumarinta dalka, waxaanu ugu mahad-naqay weftiga imaanshaha Somaliland iyo mashaariicda ay rajaynayaan inay dalka ka hirgeliyaan.

“Waxaanu soo dhaweynay wefti Shiine ah oo wershadley ah oo isugu jira rag iyo dumar, iya goo u yimi inay dalka indho-indheeyaan, iyadoo ay noo socdaan wada-hadallo la xidhiidha w ershado, waxaanay wadaan mashaariic badan, waxaanan xusayaa laba wershadood oo aa nu nidaamkoodii hayno oo kala ah wershad ay ku xidh-xidhi doonaan baabuurta ay sameeya an iyo kuwa kale ee caalamka lagu sameeyo, wershadaas meeshii ay ka dhisi lahaayeen aya anu wadnaa hadda, mahruuca kale waxa weeye in baaskiiladaha uu dalkoodu sameeyo halk an lagu xidh-xidho, labadaas wershadood ayaanu imika gacanta ku haynaa oo aanu u saxee xnay.” ayuu yidhi Wasiirka wershadduhu.

Mr. David Chin iyo Khadar Bedel Ducaale oo ku hadlayay afka weftiga ayaa sheegay inay aa d ugu faraxsan yihiin imaanshaha Somaliland iyo inay ka hirgeliyaan mashaariic horumarine ed oo la xidhiidha dhinaca wershadaha.

Weftigan ayaa la filayaa inay la kulmaan madaxweynaha dalka, wasiirro, isla markaana ay booqan doonaan qaar ka mid ah gobollada, waxaanay dalka ku sugnaan doonaan muddo laba todobaad ah.
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland