Shirkad Faransiis ah oo Dalka u Timid Maalga shiga Dekedda Berbera iyo Jidka taga Itoobiya

 

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay Magaa ladda Berbera ku qaabilay wefti ka socda Shirkad faransiis ah oo la yidhaa African logistic oo dalka u timid maalgashiga Dekadda Berbera iyo jidka isku xidha Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo wax weyn ka taraya danaha xidhiidhka ganacsi ee labad dal.

Weftigan oo ka kooban sadex xubnood waxay wada hadal la yeesheen masuuliyiinta dekadda Berbera, kahor intii aanu qaabilin Madaxweynuhu, kulankaas oo ay kaga wada hadleen sidii ay dekada berbera uga dhigi lahaayeen mid buuxisa heerka dekaddaha caalmiga ah.

Waxaanu Madaxweynuhu dhiniciisa u muujiyay soo dhawayn iyo qaabilaad fiican.
Madaxweyne Daahir Rayaale, waxa qaabilaadda iyo kulanka uu la yeeshay Weftiga Faransiiska ah, ku ku wehelinayey Wasiiral-dawlaha Arrimaha Dibada, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo Xoghayihiisa gaarka ah.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu la kulmay masuuliyiinta heer Gobol iyo degmo, iyo odayaasha ee Saaxil Islamarkaana Madaxweyne Rayaale iyo Weftigiisu waxa ay kormeer indha-indhayn ah ku soo mareen goobaha dawladda iyo meela kale oo ka mid ah Berbera, isaga oo daba gal ku samaynayey qaabka shaqo ee hay’addaha dawlada iyo xaaladdaha ka taagan, isaga oo lagu wado maanta inuu kulan la xisaabtan ah kula yeesho xarunta dawladda hoose ee berbera masuuliyiinta hay’addaha kala duwan ee hay’adaha dawlada.
 

 


Waaheen