shirka beesha ciidagale lixdan qodob ayaa rukumo u noqon kara hadii la fuliyo


 



Maxaa kasoo bixi shirka beesha dhamacda daa,uud waa su,aal dadku aad isu waydiiyay?
waxase jawaabteedu noqon kartaa markaad dib u raacdo beesha iyo shirarkeedii hore
beesha iyo siyaasadeeda somaliland iyo waliba markaad si qoto dheer u cabirto 20 sano in beeshu
horumar samaysay iyo in kale,
intaas oo arimood markaad dib u raacdo ayaad heli kartaa jawaabta su,aasha maxaa ka soo baxaya
shirka beesha dhamacda daa,uud.

Way iskugu timoo isma oga ayuu yidhi ninkii
Gudida cusub iyo gudoomiyahooduba haday yihiin niman raba inay xilka dusha saartaan waxaan kula talin lahaa in ay beesha
shuruudo la galaaan siday u dhantahay.
1, inay mamnuucaan odayaal isticmaala afka beesha oo kaligood meel ka hadla.
2, inay mamnuucaan suldaamo kaligood meel ka hadla oo magaca beesha ku hadla.
3, inay mamnuucaan siyaasi kaligii meel ka hadla oo afka beesha ku hadla.
4, inay mamnuucaan caaqilo kaligood go,aan qaada oo afka beesha ku hadla.
5, in dhamaan xubnaha beesha ciidagale meel kasta oo ay joogaanba aanay awood u lahayn in magaca beesha la isticmaalo
ayagoon gudoomiyaha talada beesha ciidagale haya uu u fasaxo.
6, in dhamaan ardaayada beeshu go,aan ka qaataan shakhsiyadii jabisa go,aankaa ee khilaafa beesha
ama ninka inta la laaluusho ka dibna ku takrifala magaca iyo mansabka beesha in wixii laga yeeli lahaa
shirka la hor dhigo si aan bari wax hadali uga iman.
hadii aaan qodobadan la hirgalin dabcan sidii waligeedba jirtay beeshu waxay lahaanaysaa rag cad yar lasiiyo
oo laga dhamaysto wixii la doono.

DHamaan siyaasi iyo suldaano iyo cuqaal iyo odayaaal iyo xubnaha beesha in ay dhamaantood hoos yimaadaan gudoomiyaha cusub
ee la doortay iyo gudidiisa waa guusha kaliya ee beeshu ku gaadhi karto horumar.
hadii go,aankan la qaato waxa soo noqonaya midnimadii beesha dhamacda daa,uud iyo isku xidhnaanshihii
sababtoo ah waxa beeshu dhaqan u lahayd in hal nin u taliyo kaas oo ahaa suldaanka guud ee beesha oo ahaa ninka talada beeshu ka go,do
balse waxaad moodaa intii uu mudane suldaan maxamed suldaan cabdilqaadir suldan cabdilahi uu talada beesha qabtay in la waayay
hogaan kaliya oo ay beeshu ka amar qaataan.
waxa beeshii yeelatay suldaamo farabadan iyo cuqaal badan iyo masuuliyiiin kala duwan oo midba gees u kaxeeyo.
Taasina waxay keentay in beesha majare habaab ku dhaco ayagoon dareemayn halka dhibaatau ka haysato
horaa loogu maahmaahay [ ciidagale waa saldanad ku nool]. taas macnaheedu waxa weeye waxa lagama maarmaan ah in la helo
hal meel talada laga wada qaato.

Waxaan dhamaan beesha iyo masuuliyiinteeda u rajanyaa inay si wanaagsan isu afkartaan oo ay dawladooda iyo maamulkooda
iyo dadkoodaba wax u dana ayagana u dana ay ku meel maraan.
inay wixii bulshadooda iyo guud ahaan bulshowaynta reer somaliland ay ka shaqeeyaan midnimadeeda

guulbaan idiin rajaynayaa
wabilaahi tawfiiq

 


siciid cabdi dheen

dheen@live.co.uk
london uk