“Shirka Tallo ayaa lagu tagay, Somaliland khibradeeda ayay u gudbinaysaa caalamka”

 


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasaarradda Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shee gay shirka London in Somaliland iyadoo madax-banaanideeda haysata caalamka kala shaqays o sidii nabad-gelyo loogu soo celin lahaa Somalia.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay tallo qara n ku tageen shirka dawladda Ingiriisku 23-ka bishan ku qabanayso magaaladda London.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu maanta ka jeediyay xafladii la gu xusayay maalintii dhagaxtuurka, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan kalmad ka yara xuso shirka London ee madaxweynaha Somaliland tagay. Shirka London waa mid lagu tagay tallo qaran waa shir dunidu ka shirayso wixii Soomaaliya la isku odhan jiray maxaa laga yeela yaa? Iyo Somaliland oo taalla miiska oo wax-qabsatay oo horumartay oo maqaam fiican taag an in dunida loo bandhigo. Waxay inoo tahay tallaabo hore loo qaaday waa in la inaga barto khibrad oo aynu dunida kala shaqayno in Soomaaliya lagu soo celiyo nabad. Inagoo Somaliland ah oo cidna aan gorgortan ka gelinayn madax-banaanideena aynu goosanay haddana duniddu waxay marti inooga tahay dadka walaalaheen ah ee aynu madax banaanida ka qaadanayna waxay inaga sugayaan wax la qabasho iyo sidii aynu kaalintaas uga soo gudubnay inaynu wax kala qabano. Waana dhib ku soo gaadhaya haddii aad ka dhego adaygto jaarkaaga.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Arrinta shirkan waxa laga galay shirar badan w axa laga tallo-geliyay salaadiinta,culimmadda, xisbiyadda iyo ururadda. Waxa kale oo laga tallo geliyay oo waliba loo bandhigay Goleyaasha qaranka iyo waliba golaha wasiiradda oo sadde xda gole-ba waxay isku raaceen in la tago shirka London”

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inay xukuumada uu ka tirsan yahay mar-walba diy aar u tahay sidii ay wada hadal iyo gogol nabadeed ugu dhigi lahayd waxgaradka Sool iyo Buu hoodle, waxaanu yidhi “Anigoo ku hadlayaa afka xukuumadda, bariga waxaanu ugu baaqayna a Sool iyo Sanaag dadka shaqaaqada ka wada ee naga mid ka ah in ay nabad qaataan oo ay yimaadan gogashii uu madaxweynuhu u fidiyey. Dadka qaar siyaasiyiin ah ayaan ka maqlayey iyaga oo leh gogashii Hargeysa ma soo dhaaftee meeday?.”

“Gogasha dhaqanku waxa weeye in jawaabteedii la helo cidii aqbashay ee lala fadhiisanaayo waa inay ku dhawaaqdaa inay gogashii diyaar u yihiin oo dabadeed gogashii la wada fadhiisto. Waxa kasta oo aan ahayn madaxbannaanida Somaliland iyo jiritaankeeda diyaarbaanu u nah ay in aynu ka wada hadalo,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

Source:S.o