Shir-gudoonka Wakiiladda Oo Beeniyay Jiritaanka Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Ku Xigeenka




Hargeysa (TNN)- Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Dr. Cali Yuusuf Ax med ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay baahiyeen warbaahinta qaarkeed, kaasoo shee gayay in fadhiga maanta ee Golaha la horkeeni doono mooshin xilka lagaga qaadayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Guddoomiye ku-xigeenka oo xalay Wargeyska DAWAN kula xidhiidhay khadka telefoonka, waxaanu sheegay inaanu arrinkaasi jirin. “Adeer mooshinkaas waxba kama ogi, mana jiro.” ayuu yidhi Guddo omiye ku-xigeenka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidha jiritaanka mooshinkaas. “Warbaahintuna markay wax qorayaan waa inay yidhaahdaan warkaas halkaasaanu ka soo xiganay ee maaha inay wax iska qoraan.” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Dr. Cali Yuusuf Axmed sheegay in fadhiga golaha ee maantu uu u furmayo sidii hore ee caadiga ahayd, isla markaana aanay jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ka dhex socda mudanayaasha golahaas.

Warkan ayay warbaahinta qaarkeed baahisay ayay ku xidhiidhiyeen inuu daba ku hayo khilaaf la sheegay inuu dhawaan soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, kaas oo uu Madaxweyne ku-xigeenkuna hore u sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha oo hadda ku maqan safar dibaddeed.

Dhinaca kale, Guddoomiye Ku xigeenka oo aanu waydiinay waxa ka jira warar sheegayay in shaqadii laga joojiyay Xoghayihii Golaha Wakiiladda, waxa uu yidhi “Maya waxba kama jiraan, arrintaas, laakiin xogyuhu fasax ayuu qaatay.”
 

 


Cumar Maxamed Faarax