Shir-gudoonka
Baarlamaanka Somaliland Oo Dib Dalka ugu soo
Laabtay

Shir-gudoonka golaha wakiilada
somaliland oo socdaal ugu maqnaa in mudo ah dalal ka tirsan qaarada
Yurub, ayaa galabta dhabada diyaaraduhu ka haadaan ee Egal
Interational ee magaalada hargeysa ka soo degay.
Weftigan oo uu hogaamineyey
Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdilaahi Cirro waxaa ku wehelinayey ku xigeenkiisa kowaad Md.
Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxay sheegeen markii ay soo gaadheen
garoonka diyaaradaha ee magaalada hargeysa in booqashadoodu la
xidhiidhay hawlaha baarlamaanka Somaliland iyo hawsha dar-dar
gelinta aqoonsi raadinta ee dalka.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo isagu qolka nasashada ee
VIP-da ee madaarka caalamiga ah ee hargeysa kula hadlay warbaahinta
ayaa sheegay in ay booqdeen dalalka ay ka mid ka yihiin Jarmalka,
Sweden iyo Norway, kuwaas oo dhamaantoodba masuuliyiintii ay kula
soo kulmeen uu sheegay Gudoomiyuhu in ay kala hadleen hawlaha
baarlamaanka Somaliland iyo qaabkii ay somaliland u taageeri
lahaayeen.
Waxana uu xusay Gudoomiyuhu intii ay ku jireen booqashadaas ay ku
gaalaa bixiyeen wadamadaas ay boorinayeen masuuliyiintooda sidii ay
beesha caalamku ay uga dhaadhicin lahaayeen in ay aqoonsadaan
Somaliland, sida oo kale waxaa uu sheegay inay khudbad ka jeediyeen
baarlamaanka ee dalka Sweden waxan uu intaas ku daray gudoomiye
Cirro dalalkaas ay soo mareen ay kula kulmeen jaaliyadaha reer
somaliland ee ku nool dalalkaas.
Ggudoomiyaha Golaha Wakiilada somaliland, oo hadalkiisa sii wataa
ayaa sheegay in ay la kulmeen masuuliyiin ka socday wasaarada
arimaha gudaha ee dalka Jarmalk, taas oo uu sheegay in ay kala
hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya somaliland
iyo dalka Jarmalka.
ugu dambayntii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Md
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxaa uu tilmaamay in
safarkani uu ahaa mid ay boqolkiiba boqol ku soo guulaysteen
islamarkaana faa'iido badan u leh baarlamaanka Somaliland
Source: Qarannews
|