Shirguddoonka Golaha Guurtida oo ka warbixi yay kulan ay isugu keenayaan saddexda Xisbi Qaran
 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Shirguddoonka Golaha Guurtida  Som aliland, ayaa fadhigii maanta Mudanayaasha Golahaas uga xog waramay  k ulan ay shalay la yeesheen Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka.

Shirkan oo lagaga hadlayay sida xal loogu heli karo Khilaafaadka dalka ka taagan iyo dib-u-dhaca Doorashada Madaxtooyada ee mar kale  Komisha nku dib u riixay, ayaa Shirguddoonku ka warbixiyay waxyaabaha lagaga wada-hadlay. “Saddexdii Xisbi waanu isugu yeedhnay, waxaanu ku nidhi marxalada maanta aynu marayno sida ugu wanaagsan ee ugu dhibta yar ee cid waliba ay ku qancaysaa Qaranka Somaliland waa marxalada  doora shada inaad sadexdiina Xisbi isu tagtaan, oo aad xal heshiis ku tihiin aad la timaadaan. Markaa, ka Gole ahaan inaguna markaa wixii ay isla qaataan aynu ansixino oo aynu xalaalayno, sidaasi ayay khilaafaadka Goleyaasha iyo dadweynuhuba ku dawoobayaan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Shirguddoon ahaan Anagoo Go’aankii Golaha fulinayna, waxaanu isugu yeedhnay Saddexdii Xisbi, Saddexdii xisbiba way yimaadeen.

Labada Xisbi ee mucaaridka ahi waxay ku yimaadeen iyagoo xooggan oo mid walba uu hoggaaminayo Guddoomiyihii, Guddoomiye-ku-xigeenkii, Mur ashaxiintii Madaxweyne-ku-xigeenka intiiba iyagoo wata. Xisbiga UDUB-na waxay ku yimaadeen afar xubnood oo uu Hoggaaminayay Xoghayaha  gu ud. Ujeedadii aynu ka lahayn way inooga fushay waayo waxay ahayd  shal ay warkana gaadhsiiya balan dambena ka qaada. Waxaanu ugu darnay is arka idinku (xisbiyada) Aroornimada Sabtidana war nagu soo celiya, mark ay Golaha Sabtida warkooda keenayaan waxaanu isla garanay in Goluhu u dhammaado,halkaasay taagan tahaye’e ilaahay wanaag ha ka keeno”

Guddoomiye-Xigeenka Koowaad Mudane Sh. Axmed Sh. Nuux Furre oo  isa g una fadhigaasi ka hadlay, ayaa sheegay in aanay Xisbiyadu  shirgudoon ka u sheegin wax ay heshiis ku yihiin, hase ahaatee buu yidhi, “Waxaanu ugu baaqnay in xisbiyadu kulamo soo yeeshaan si ay uga wada hadlaan xaalada taagan.”
 


Source: Somaliland.Org