Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalda Utrecht ee Dalka Holland

 

 

Holland (TNN)-Xaflad si weyn  loo soo agaasimay , oo ay soo qaban qaabiyeen ururka (NOM A D) , garabka Hooyo Waa Lama Huraan , ayaa ka dhacday dalka Holland ,gaar ahaan mag aalada Utrecht.

Xafladaasi oo ay kuwada tashanayeen haweenka Somaliland ee deggan dalka Holland, aya a waxay u dhacday sidii loogu tala galay, kana soo qayb galeen haweenka, hooyooyinka i yo hablaha da'da yar, halkaas oo laga wada hadlay sidii aan u caawin lahayn wadankeenna iyo sidii ay iskugu xidhnaan lahaayeen dadka Somalilanderka ah ee jooga wadanka.

Waxa kale oo halkaas lagu soo bandhigay wax qabadkii uu ururkani qabtay labadii sano ee uu jiray ururkani., waxa kale oo lagu  falanqeeyey, oo lagu gubaabinay dumarkii ka soo qa ybgalay xafladaas,  in ay ka soo qayb galaan mudaharaadka ka dhici doona Beljinka bisha April 11 ,2013 , waxaana  loo qaybiyay waraaqo ay ku qoran yihiin war bixintii oo dhan. Wa xaa  lagu balamay bisha soo socota ee April in halkaas wacdaro la dhigo .



DAAWANAAYOOW WAA DALKAAGII

 

 


Timacade News Desk
Utrecht , Holland