SHIR SANADLAHA AHAA OO LAGU QABTEY AQALKA BA RLAMAANKA INGIRIISKA OO ARIMAHA SOMALILAND LOOGA HADLAY.


London (TNN)-Waxa malintii Jimcuhu soo galayeen ka dhacay aqalka Barlamaanka dalkan In giriiska shir sanadle ah oo loo qabto dadka Somalida ah ee degan dalkan Ingiriiska,shirkaa sanadlaha ah oo macnihiisu yahay isweydaarsiga wararka iyo macluumaadka ayaa waxa kasoo qaybgalay dad fara badan oo ay ka mid yihiin askartii dalkan Ingiriiska ee joogi jirey Somaliland wakhtigii uu Somaliland Ingiriisku xukumi jirey iyo dad fara badan oo ka kala  yim id Somaliya inteeda kale.Shirkan oo ah shir sanadle ah oo ilaa 1962 sanadwalba lagu qabto ayaa sanadkan ka duwanaa iyadoo aad moodo in arimaha Somaliland si heersare ah looga hadlaayey.

Dadkii meesha ka hadlay waxa ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Afrika ahna commonweath office Henry Bellingham, M.P marka hore Somaliland ku amaanay doorashada sida  wanag san ee ay u dhacdey shacabka reer Somalilandna ku hanbalyeeyey ka qaybqaadashada doorashada, isagoo uu sheegay in aanan doorashada noocasi oo kale aanay ka dhicin dalal badan oo aduunka ka tirsan aaduunkuna iminka uu usoo jeestay.

Isagoo hadalkisii siiwata waxa uu sheegay afar qodob oo uu marka hore ku bilaabey

*In dad fara badan oo British Somaliland ahi ay dalkan degan yihiin deganayeena mudooyin fara badan sidaa daraadeed ay waajib nagu tahay inaanu dhageysano fakarkooda iyo in wax lala qabto marka ay waxweyn ka sameynayaan Somaliland.


*In mucaawimada aan Somaliland siino aanu u kordhin lahayn si ay wax weyn uga qabtaan baahida jirta si ay dedaalka ay wadaan usii kordhiyaan.


*In aanu ka caawino xaga nabadgelyada si ay uga hortagaan Alshabaab hadii ay isku daydo inay soo fara galiyaan nabad galyada iyo horumarka ay ku talaabsatey Somaliland hawlahoodana ayna noqdaan Somaliland mid isku filan xaga nabad galyada.


*In budhcad badeeda xeebaha Soomaliya ku qafaasha maraakiibta aan iska kaashano sidii looga hortagi lahaa si wada jir ah.

Waxa dadkii meesha ka hadlay isna ka mid ahaa Alun Michael, Labour and Co-operative Pa rty M.P. for Cardiff South and Penarth oo ah MP oo had iyo jeer hawlaha Somaliland aad u xiiseeya ahaana ninkii maalintii dhaweyd Raysal Wasaaraha dalkan Ingiiiska David  Camaro on weydiiyey su’aasha qaaliga ahayd oo aad uga waramay kuna farxan sida wanagsan ee ay Somaliland uga dhacdey Doorashada iyo natiijadii kasoo baxdey sida ay xisbiyada laga guuleystay ugu qanceen.


Waxa dadkii ka soo qaybgalay ka mid ahaa Wariyaha BBC Somali C/lahi Xaji iyo C/salaam H ereri oo ah isna wariye caana oo dhamaan Soomaaliya aadka looga yaqaano,iyo weliba  aq oonyahano reer Somaliland ah oo uu ka mid ahaa Ciid Cali Salaad oo kasoo kici timay Cardif.

Waxa iyana kasoo qaybgalay madax ka tirsan dalkan Ingiriiska oo ay ka mid ahaayeen  Mic hall Walls iyo Steve Kibble oo iyagu ka mid ahaa dadkii goobjoogayaasha ahaa ee joogay Somaliland markii ay dooraashadu ka qabsoontey Somaliland 26 juun sheegayna inay aad ula yabeen sida ay doorashadu u dhacdey iyo sida ay dadku ugu bisladeen Nabada iyo  hor umarka,

Waxa iyana kasoo qaybgalay dad Somali ah oo ay ka mid ahaayeen reer Puntland oo aad ula yaabey sida ay dalkan Ingiriisku wakhtigan uu dedaalka badan u sameynaayo oo  mad axda dalkan Ingiriisku ay aad uga hadleen arimaha Somalialnd oo aanay ka helin sida  Som aliland looga hadlaayey, iyadoo ka dib dadkuna ay su’aalo weydiinayeen madaxdii kasoo qaybgashay oo dadkii kasoo qaybgalay ee Reer Somaliland aadu faraxsanayeen sida ay madaxda dalkan Ingiisku wakhtigan isha ugu hayaan Somaliland.

Waxay ahay runtii madal Somaliland u ah horumar ay ka sameysay xaga arimaha Dibada oo dadkii meesha isugu yimid ay laba laba u wada hadlayeen iyadoo madaxda iyo dadkuba ay ku faraxsanayeen sida doorashadu Somaliland uga qabsoontey iyo sida wanagsan ee  nati ijada loo wada aqbalay iyagoo madaxweynaha ku guuleystay Ahmed Maxamuud Siinaanyo ay tahay inuu dedaalka arimaha dibada sii xoojiyo tasoo horseedi karta Ictiraaf.



Hamse Ahmed Salaan
London
hamse100@gmail.com