Shir lagu darsayo xoojinta Nabadgelyadda iyo la dagaa lanka Argagixisada oo ka furmay Hargeysa

 

 

 

Hargeysa ,December 3rd, 2011(TNN)- Wasiirka wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Md. Maxamed C/laahi Cumar ayaa maanta shir balaadhan oo la xidhiidha la dagaalanka argagixi sada iyo xoojinta ammaanka ka furay Huteelka Ambassador ee caasimada Hargaysa, kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Waxa ka soo qayb galay shirkan Wasiirro, Ha’yadaha qaramadda midoobay, Xildhibaano ka kala socday labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Wakiiladda iyo Guurtida), Taliyayaas ha ciidanka Qaranka iyo Booliska iyo masuuliyiin kala duwan.


Wasiirka wasaarada arrimaha dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shirkaasi ka hadlay ay aa sheegay shirkani ku saabsan yahay in dib u qiimayn lagu sameeyo lana xoojiyo hay’adaha dhinaca nabadgalyada ee dalka ka jira.

Wasiirku waxa uu ku dooday in beesha caalamku ay u heelan tahay inay kaalin muuqata ka qaadato, adkaynta Nabadgalyada iyo la dagaalanka Argagixisada.

Maxamed C/laahi Cumar ayaa sheegay in mandaqada Somaliland ku taallaa ay ka jiraan duru ufo nabadgelyo oo adag isla markaana Somaliland looga baahan yahay in shicib iyo xukuuma dba la iska kaashado sidii ildheer loogu yeelan lahaa ammaanka iyo xasiloonida dalka.

Sidoo kale waxa halkaasi Ka hadlay Janaton Sandy oo isagu wakiil ah Wakiilka qaramada mid oobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Augustina Mahiga,waxaanu sheegay inay Somalila nd kala shaqayn doonaan xoojinta ammaanka dalka iyo la dagaalanka argagixisada iyo budhc ad badeeda oo uu ku tilmaamay dhibaatooyin caalami ah oo u baahan in la iskakaashado.

Ugu dambayntii waxa shirkaasi ka hadlay sarkaal ka socday dalka Somaliland la dariska ah ee Itoobiya oo isagu ka hadlay dhibaatada argagixisadu ku hayso mandaqada iyo sida uu waajib u yahay la dagaalankoodu.

source: Somaliland.Org